M’Cheyne Bible Reading Plan
Magooliddii Usha Haaruun
17 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal, oo iyaga ulo ka qaad. Qabiil kastaba ul ka qaad; amiirradooda oo dhan sida ay qabiilooyinkoodu kala yihiin laba iyo toban ulood ka kala qaad. Oo nin walba magiciisa ushiisa ku qor. 3 Usha reer Laawi waxaad ku qortaa magaca Haaruun. Qabiilooyinkooda madaxdooda mid kastaaba waa inuu ul lahaadaa. 4 Oo waa inaad iyaga hor dhigtaa maragga teendhada shirka ku yaal, taasoo ah meesha aan idinkula kulmo. 5 Oo markaas ninkii aan doorto ushiisu way magooli doontaa, oo anna hortayda waan ka joojin doonaa gunuuska ay reer binu Israa'iil adiga kuu gunuusaan. 6 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil la hadlay, oo amiirradoodii oo dhammu waxay isagii siiyeen ulo, oo amiir kastaaba mid buu siiyey siday qabiilooyinkoodu ahaayeen, intaasu waxay ahayd laba iyo toban ulood; oo ushii Haaruunna ulahooday ku dhex jirtay. 7 Markaasaa Muuse ulihii dhigay Rabbiga hortiisa teendhadii maragga gudaheeda. 8 Maalintii dambe waxaa noqotay in Muuse galay teendhadii maragga, oo bal eeg, wuxuu arkay ushii Haaruun oo reer Laawi oo magooshay; way magooshay, wayna ubxisay, oo waxay dhashay yicib bisil. 9 Markaasaa Muuse ulihii ka soo qaaday Rabbiga hortiisa oo wuxuu u keenay reer binu Israa'iil oo dhan, oo way fiiriyeen oo nin waluba ushiisii buu qaatay. 10 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane. 11 Oo sidaasaa Muuse yeelay. Sidii Rabbigu isaga ugu amray ayuu u sameeyey.
12 Markaasay reer binu Israa'iil Muuse la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, War bal eeg, waannu baabba'aynaa, oo waannu halligmaynaa, kulligayo waannu wada halligmaynaaye. 13 Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?
Shaqadii Wadaaddada Iyo Dadka Reer Laawi
18 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna. 2 Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan. 3 Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine. 4 Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan. 5 Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga. 6 Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan. 7 Oo adiga iyo wiilashaada kula joogaaba waa inaad wadaadnimadiinna u dhawrtaan waxyaalaha meesha allabariga oo dhan, iyo waxyaalaha daaha ka shisheeya oo dhan, oo waa inaad adeegtaan. Wadaadnimada ayaan idiin siiyey sida hawl hadiyad ah; oo shisheeyihii soo dhowaada waa in la dilaa.
Qurbaannada Loo Bixiyo Wadaaddada Iyo Dadka Reer Laawi
8 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed. 9 Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan. 10 Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa. 11 Oo adigaa iska leh qurbaanka sare loo qaado oo hadiyaddooda ah, oo ah qurbaannada la ruxruxo ee reer binu Israa'iil oo dhan. Kuwaas adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga ayaan u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 12 Oo saliidda inteeda ugu wanaagsan oo dhan iyo canabka iyo hadhuudhka intooda ugu wanaagsan oo dhan kuwaasoo ah midhaha ugu horreeya oo ay Rabbiga siiyaanba, ayaan adiga ku siiyey. 13 Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 14 Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan. 15 Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa. 16 Oo kuwa la madax furayo, markay bil jiraan waa inaad ku madax furtaa, sidaad u qiimayso, lacag ah shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah (kaasu waa labaatan geeraah). 17 Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 18 Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh. 19 Oo waxyaalaha quduuska ah oo dhan qurbaannadooda sare loo qaado oo ay reer binu Israa'iil Rabbiga u bixiyaan ayaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo taasu waa axdi cusbo ah oo weligiis Rabbiga ku hor yaal, oo uu idinla dhigtay adiga iyo farcankaaga kula jiraba. 20 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.
21 Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka. 22 Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane. 23 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan. 24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
25 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 26 Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa. 27 Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka. 28 Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah. 29 Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan. 30 Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal. 31 Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka. 32 Oo idinku taas aawadeed dembi u qaadi maysaan, markaad sare uga qaaddaan inteeda ugu wanaagsan; oo waa inaydaan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
55 Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig,
Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2 I maqal, oo ii jawaab,
Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3 Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis,
Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed,
Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan,
Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4 Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa,
Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5 Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay,
Oo naxdin baa i dabooshay.
6 Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale!
Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7 Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog,
Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8 Waxaan gabbaad kaga carari lahaa
Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9 Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw
Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan,
Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar,
Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn,
Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa,
Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey,
Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah,
Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay,
Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga,
Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen,
Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
16 Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa,
Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
17 Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa,
Oo isna codkayguu maqli doonaa.
18 Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa,
Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
19 Ilaah oo ah kan weligiis waara,
Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga,
Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah)
Oo aan Ilaah ka cabsan.
20 Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa,
Oo axdigiisiina wuu buriyey.
21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale,
Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal,
Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen,
Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
22 Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa,
Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
23 Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yamayska halligaadda,
Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan,
Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
Calaamaddii Cimmaanuu'eel
7 Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. 2 Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.
3 Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha, 4 oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona. 5 Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen, 6 Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel, 7 taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto. 8 Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan, 9 oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan.
10 Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 11 Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare. 12 Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo. 13 Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan? 14 Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel. 15 Wuxuu cuni doonaa subag iyo malab, ilaa uu aqoonsado inuu sharka diido oo wanaagga doorto. 16 Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa. 17 Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.
18 Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur. 19 Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.
20 Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.
21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad, 22 oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.
23 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan. 24 Oo waxaa halkaas lala iman doonaa fallaadho iyo qaansooyin, maxaa yeelay, dalka oo dhammu wuxuu noqon doonaa yamaarug iyo qodxan miidhan. 25 Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.
WARQADDII
YACQUUB
Rumaysadka Iyo Is-hoosaysiinta
1 Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
2 Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada, 3 idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento. 4 Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.
5 Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye. 6 Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. 7 Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono. 8 Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
9 Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa, 10 kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska. 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
Waa In Jirrabaadda Loo Adkaysto
12 Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel. 13 Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo. 14 Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo. 15 Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho. 16 Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow. 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho. 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
Cibaadada Runta Ah
19 Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo; 20 waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah. 21 Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara. 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya. 23 Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya. 24 Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa. 25 Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa. 26 Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn. 27 Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya