M’Cheyne Bible Reading Plan
Turumbooyinkii Qalinka Ahaa
10 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Laba turumbo oo lacag ah samayso, oo waxaad iyaga ka samaysaa lacag la tumay, oo waa inaad u isticmaashaa ururka markaad isugu yeedhayso iyo markay xerooyinkii guurayaan. 3 Oo markii iyaga laga dhawaajiyo, ururka oo dhammu waa inay kuugu soo shiraan iridda teendhada shirka. 4 Oo haddii mid keliya la afuufo markaas waxaa kuu soo shiraya amiirrada ah utaliyayaasha kumanyaalka reer binu Israa'iil. 5 Oo markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan, xerooyinka xagga bari degganu waa inay guuraan. 6 Oo haddana markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan mar labaad, xerooyinka xagga koonfureed degganu ha guureen; oo waa inay afuufaan turumbo digtoonaaneed guuriddooda aawadeed. 7 Laakiinse markii shirka laysu soo ururinayo waa inaad turumbada afuuftaan, laakiinse tan digtoonaanta ha ka dhawaajinina. 8 Oo wadaaddada ah wiilasha Haaruun waa inay turumbooyinka afuufaan, oo iyagu waa inay idiin ahaadaan qaynuun tan iyo qarniyadiinna oo dhan. 9 Oo markaad waddankiinna dhexdiisa dagaal ugu baxaysaan cadowgiinna idin cadaadiya waa inaad digtoonaan kaga dhawaajisaan turumbooyinka, oo markaasuu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin xusuusan doonaa, oo cadaawayaashiinna ayaa laydinka badbaadin doonaa. 10 Oo weliba maalintii aad faraxdaan, iyo markaad iidihiinna la amray dhawrtaan, iyo markay bilaha idiin dhashaan, waa inaad turumbooyinka ku dul dhawaajisaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryada qurbaannadiina nabaadiinada ah, oo iyana xusuus bay idiinku noqon doonaan Ilaahiinna hortiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
Reer Binu Israa'iil Oo Siinay Ka Guuray
11 Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa. 12 Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan. 13 Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse. 14 Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab. 15 Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar. 16 Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon. 17 Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay. 18 Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Ruubeen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliisuur ina Shedeeyuur. 19 Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday. 20 Oo qabiilkii reer Gaad ciidankoodana waxaa u sarreeyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel. 21 Oo haddana waxaa baxay reer Qohaad oo teendhadii quduuska ahayd sida, oo kuwii kalena taambuuggay dhiseen intay iyagu soo socdeen. 22 Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud. 23 Oo qabiilka reer Manaseh ciidankoodana waxaa u sarreeyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur. 24 Oo qabiilka reer Benyaamiin ciidankoodana waxaa u sarreeyey Abiidaan ina Gidconii. 25 Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday. 26 Oo qabiilka reer Aasheer ciidankoodana waxaa u sarreeyey Fagcii'eel ina Cokraan. 27 Oo qabiilkii reer Naftaali ciidankoodana waxaa u sarreeyey Axiirac ina Ceynaan. 28 Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.
29 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil. 30 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii. 31 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale. 32 Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.
33 Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan. 34 Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.
35 Oo kolkii sanduuqii hore u baxay ayaa Muuse yidhi, Rabbiyow, sara joogso, oo cadaawayaashaadu ha kala firdheen, oo kuwa ku necebuna hortaada ha ka carareen. 36 Oo markuu joogsadayna wuxuu yidhi, Rabbiyow, ku soo noqo kumanyaalka kun ee reer binu Israa'iil.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waa gabay lagu luuqeeyo Calaamood
46 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna,
Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo,
Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan,
Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah,
Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
5 Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto,
Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen,
Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
7 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
8 Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga,
Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa,
Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa,
Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay,
Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5 Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
8 Haddaad ahaan lahayd walaalkay
Oo naasihii hooyaday nuugay,
Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa.
Oo innaba layma quudhsadeen.
2 Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday,
Wax baadna i bari lahayd.
Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh
Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
3 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd,
Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
4 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin,
Ilaa uu doono.
Saaxiibadaha Hadlayaa
5 Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa,
Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?
Gacalisada Hadlaysaa
Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis.
Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay,
Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
6 Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale,
Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale,
Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale.
Belbelkiisu waa sida belbel dab ah,
Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
7 Biyo badanu jacayl ma demin karaan,
Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan.
Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan,
Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
Saaxiibadaha Hadlayaa
8 Annagu waxaannu leennahay walaal yar,
Oo aan innaba naaso lahayn.
Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa
Maalintii iyada guur loo soo doonto?
9 Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah,
Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.
Gacalisada Hadlaysaa
10 Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale.
Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.
11 Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa;
Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra,
Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
12 Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal,
Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun,
Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.
Gacaliyaha Hadlayaa
13 Taada beeraha dhexdooda degganay,
Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga,
Haddaba, bal i maqashii.
Gacalisada Hadlaysaa
14 Gacaliyahaygow, dhaqso,
Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah
Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.
Ciise Wadaadnimadiisa Iyo Axdiga Cusub
8 Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira, 2 kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin. 3 Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo. 4 Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay; 5 kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay. 6 Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan. 7 Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen. 8 Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya,
Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay,
Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
9 Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale
Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar,
Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii,
Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.
10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil
Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay;
Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda,
Qalbigoodana waan ku qori doonaa,
Oo Ilaah baan u ahaan doonaa,
Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
11 Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa
Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo,
Waayo, kulli way i garan doonaan,
Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.
12 Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa,
Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.
13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya