Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Laawiyiintii 10

Dhimashadii Naadaab Iyo Abiihuu

10 Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin. Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen. Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay. Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda. Sidaas daraaddeed way u dhowaadeen, oo wayna qaadeen iyagoo jubbadahoodii gashan, waxayna geeyeen xerada dibaddeedii sidii Muuse yidhi. Markaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey. Oo idinku waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka yeydnan dhimane, waayo, waxaa korkiinna ku taal saliiddii subkidda oo Rabbiga, oo iyana waxay yeeleen si waafaqsan eraygii Muuse.

Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa, 10 oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah; 11 iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.

12 Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 13 Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray. 14 Oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil ay bixiyaan. 15 Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.

16 Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi. 17 War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan? 18 Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray. 19 Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd? 20 Muusena markuu taas maqlay raalli buu ka noqday.

Sabuurradii 11-12

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

11 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
Haddii aasaaska la dumiyo,
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.

12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.

Maahmaahyadii 25

Maahmaahyadii Kale Ee Sulaymaan

25 Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan,
Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.
Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo,
Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.
Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay,
Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
Lacagta wasakhda ka qaad,
Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.
Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee,
Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
Ha isweynweynayn boqorka hortiisa,
Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.
Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay
Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa,
Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.
Dirir degdeg ha ugu bixin,
Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd,
Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
Dacwadaada deriskaaga kala dood,
Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,
10 Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa,
Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.
11 Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa
Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
12 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay
Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
13 Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay
Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska,
Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
14 Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa
Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
15 Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan,
Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
16 Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun,
Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
17 Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga,
Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
18 Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa
Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19 In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo
Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20 Kii qalbi murugaysan u gabyaa
Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii,
Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa,
Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
23 Dabaysha woqooyi roob bay keentaa,
Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon
In guri weyn naag muran badan lala joogo.
25 Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa
Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
26 Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa
Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
27 In malab badan la cunaa ma wanaagsana,
Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.
28 Kii aan ruuxiisa u talin karinu
Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.

1 Tesaloniika 4

Waano

Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan. Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin. Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan, in midkiin kastaaba garto siduu weelkiisa ugu hayn lahaa quduusnaan iyo maamuus, mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin; inaan ninna xadgudbin oo walaalkiis xaalkan ku xumayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa mid ka aarguda waxyaalahan oo dhan sidaannu mar hore idiinku dignay oo idiinku sii sheegnay. Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan. Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.

Laakiinse xagga jacaylka walaalaha loo qabo uma aad baahnidin in wax laydiin soo qoro, maxaa yeelay, idinka qudhiinnaba Ilaah baa idin baray in midkiinba midka kale jeclaado. 10 Waayo, sidaasaad jeceshihiin kulli walaalaha jooga Makedoniya oo dhan. Laakiin waxaannu idinku waaninaynaa, walaalayaalow, inaad intaas aad uga sii badisaan, 11 oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay; 12 inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

Imaatinka Rabbiga

13 Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn. 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga. 15 Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay. 16 Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, 17 dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa. 18 Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya