M’Cheyne Bible Reading Plan
5 Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu dembigiisa qaataa. 2 Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh. 3 Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh. 4 Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh. 5 Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay, 6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii. 7 Oo haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo. 8 Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin. 9 Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi. 10 Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
11 Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi. 12 Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi. 13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.
Qurbaanka Xadgudubka
14 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 15 Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo. 16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.
17 Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa. 18 Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa. 19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.
3 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,
Oo gees kasta iga hareereeyey.
7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
8 Badbaado waxaa leh Rabbiga,
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
4 Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal,
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay,
Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
2 Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa?
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan?
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
3 Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh,
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
4 Cadhooda oo ha dembaabina,
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
5 Bixiya allabaryadii xaqnimada,
Oo Rabbiga isku halleeya.
6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya?
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
7 Waxaad qalbigayga gelisay farxad
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
8 Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa,
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
20 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye,
Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
2 Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa,
Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
3 Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf,
Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
4 Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo,
Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
5 Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer,
Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
6 Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda,
Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
7 Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda,
Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
8 Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa
Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
9 Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey,
Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
10 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah,
Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
11 Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa,
Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
12 Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba,
Labadaba Rabbigaa sameeyey.
13 Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye.
Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
14 Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay,
Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
15 Waxaa jira dahab iyo luul badan,
Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
16 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
17 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay,
Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
18 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo,
Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
19 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon,
Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
20 Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya,
Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
21 Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay,
Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
22 Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa.
Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
23 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
24 Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga,
Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
25 Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus,
Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
26 Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa,
Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
27 Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga,
Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
28 Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan,
Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
29 Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda,
Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
30 Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka,
Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.
3 Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah. 2 Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal. 3 Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah. 4 Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.
5 Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid, 6 waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada. 7 Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen. 8 Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa. 9 Been ha isu sheegina, waayo, idinku waad iska xoorteen dabiicaddii hore iyo falimaheediiba, 10 oo waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray. 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.
12 Haddaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho. 13 Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela: 14 oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada. 15 Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada. 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta. 17 Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.
Nolosha Masiixiyiinta Iyo Xaasaskooda(A)
18 Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sida ay ugu habboon tahay xagga Rabbiga. 19 Nimankow, idinkuna afooyinkiinna jeclaada oo ha ku qadhaadhoobina. 20 Carruurtoy, waalidkiinna wax kastaba ku addeeca, waayo, taasu waa ka farxisaa Rabbiga. 21 Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, yeeyan qalbi jabine. 22 Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya. 23 Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn, 24 idinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah. 25 Waayo, kii xumaan falaa wuxuu dib u heli doonaa xumaantuu falay, waayo, dadka looma kala eexdo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya