Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 40

Qotomintii Taambuugga Shirka

40 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi, Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa. Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa. Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa. Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh. Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka. Oo berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa. Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha. Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo waxaad ku subagtaa taambuugga, iyo waxa gudihiisa ku jira oo dhan, oo waa inaad quduus ka dhigtaa isaga iyo alaabtiisa oo dhanba; oo kolkaasuu quduus noqon doonaa. 10 Oo waxaad kaloo subagtaa meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, oo meesha allabariga quduus ka dhig, oo markaasay meesha allabarigu waxay noqon doontaa tan ugu wada quduusan. 11 Oo waxaad kaloo subagtaa berkedda weysada iyo salkeeda, oo waa inaad quduus ka dhigtaa. 12 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga. 13 Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 14 Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa, 15 oo waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab. 16 Sidaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.

17 Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey. 18 Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay. 19 Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 20 Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii; 21 markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 22 Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi. 23 Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 24 Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed. 25 Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 26 Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa, 27 oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 28 Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii. 29 Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 30 Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho. 31 Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen; 32 oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 33 Markaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeeyey.

Ammaantii Rabbiga

34 Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay. 35 Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday. 36 Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan, 37 laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado. 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

Yooxanaa 19

Bilaatos Wuxuu Yeelay Sidii Ay Yuhuuddu Doonayeen(A)

19 Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay, askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan. Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen. Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin. Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka. Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline. Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.

Haddaba Bilaatos markuu hadalkaas maqlay, aad buu u sii baqay, oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin. 10 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo? 11 Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn. 12 Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar. 13 Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.

14 Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna. 15 Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.

Ciise Waa Lagu Qodbay Iskutallaabta(B)

16 Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo. 17 Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota, 18 meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda. 19 Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA. 20 Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga. 21 Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda. 22 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.

23 Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta. 24 Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yeynan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh,

Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii.
Khamiiskaygiina way u saami riteen.

Haddaba waxyaalahaas askartii baa samaysay.

25 Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala. 26 Sidaa daraaddeed Ciise markuu arkay hooyadiis iyo kii xerta ahaa oo uu jeclaa oo ag taagan, ayuu hooyadiis ku yidhi, Islaan yahay, waa kaa wiilkaagii. 27 Markaasuu kii xerta ahaana ku yidhi, Waa taa hooyadaa. Oo saacaddaas dabadeed kii xerta ahaa ayaa gurigiisii u kaxeeyey.

Ciise Waa Dhintay(C)

28 Markaas dabadeed Ciise isagoo garanaya wax kasta inay dhammaadeen, in Qorniinku ahaado, ayuu yidhi, Waan harraadsanahay. 29 Markaas waxaa meeshaas yiil weel khal ka buuxo. Sidaa daraaddeed geed isbonji la yidhaahdo bay khalkii ka buuxiyeen, markaasay kor saareen geed husob la yidhaahdo oo afkiisa ku dhoweeyeen. 30 Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, Waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey.

Ciise Waa La Wareemay; Dabadeedna Waa La Aasay(D)

31 Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn. 32 Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga. 33 Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii. 34 Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo. 35 Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan. 36 Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo. 37 Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.

38 Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday. 39 Oo waxaa kaloo yimid Nikodemos kii markii hore habeennimada u yimid, wuxuuna keenay malmal iyo cuud isku qasan oo qiyaastii boqol rodol ah. 40 Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd. 41 Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin. 42 Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.

Maahmaahyadii 16

16 Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh,
Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.
Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga,
Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
Shuqulladaada Rabbiga ku aamin,
Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.
Rabbigu wax kastuu isu abuuray,
Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.
Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo,
Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.
Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run,
Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis,
Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
Wax yar oo xaqnimo la jirto
Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.
Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada,
Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.
10 Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka,
Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.
11 Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh,
Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.
12 Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan.
Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.
13 Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan,
Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
14 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed,
Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta,
Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
16 In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo!
In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.
17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan,
Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba',
Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
19 In kuwa kibirsan booli lala qaybsado
Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.
20 Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa,
Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.
21 Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh,
Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.
22 Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta,
Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.
23 Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa,
Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
24 Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale,
Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.
25 Waxaa jirta waddo dadka la qumman,
Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
26 Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa,
Waayo, afkiisaa qasba isaga.
27 Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa,
Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.
28 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa,
Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
29 Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa,
Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.
30 Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso,
Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
31 Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed
Haddii laga helo jidka xaqnimada.
32 Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan,
Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
33 Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta,
Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.

Filiboy 3

Xaqnimada Runta Ah

Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha, laakiinse idinka way idiin roon tahay. Eeyaha iska jira, oo iska jira kuwa sharka sameeya, oo iska jira gudniinta beenta ah, waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn, in kastoo aan aniga qudhayduba jidhka ku kalsoonahay, haddii nin u malaynayo inuu jidhka ku kalsoon yahay anigu waan ka sii daranahay. Aniga waxaa lay guday maalintii siddeedaad, oo waxaan ahay jinsiga reer binu Israa'iil, oo waxaan ka ahay qabiilka Benyaamiin, oo waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada; oo xagga sharcigana waxaan ahay Farrisi; xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe. Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey. Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo, 10 inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya, 11 si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay. 12 Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay. 13 Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya. 14 Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix. 15 Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona. 16 Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.

17 Walaalayaalow, idinku kulligiin igu wada dayda, oo u fiirsada kuwa sidaas u socda xataa sidaad annaga masaal noogu haysataan.

Cadaawayaasha Iskutallaabta Masiixa

18 Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa, 19 oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida. 20 Laakiinse innaga waddaninimadeennu waxay ku jirtaa jannada halkaasoo aynu weliba ka sugayno Badbaadiye kaas oo ah Rabbi Ciise Masiix. 21 Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya