M’Cheyne Bible Reading Plan
Yetroo Oo Booqanaya Muuse
18 Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar. 2 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed, 3 iyadii iyo labadeedii wiilba, oo midkood magiciisu wuxuu ahaa Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad, 4 midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon. 5 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii. 6 Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba. 7 Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen. 8 Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey. 9 Markaasaa Yetroo ku farxay kulli wanaaggii Rabbigu reer binu Israa'iil u sameeyey oo dhan, iyo bixinta uu ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta. 10 Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda. 11 Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey. 12 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis. 13 Markaasaa waxaa maalintii dambe dhacday in Muuse u fadhiistay inuu dadkii u kala gar naqo; dadkiina waxay Muuse ag taagnaayeen subaxdii ilaa makhribkii. 14 Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka? 15 Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan. 16 Oo markay wax isu haystaanna anigay ii yimaadaan, oo markaasaan u kala gar naqaa nin iyo deriskiisa, oo waxaan iyaga ogeysiiyaa amarrada Ilaah iyo qaynuunnadiisa. 17 Markaasaa Muuse soddoggiis wuxuu isaga ku yidhi, War waxaad samaysaa ma wanaagsana. 18 Waayo, hubaal waad ku daali doontaan, adiga iyo dadka kula joogaaba, maxaa yeelay, waxanu waa kugu culus yihiin adiga; oo ma aad awooddid inaad keli ahaantaa samayso. 19 Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen. 20 Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen. 21 Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya, 22 oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan. 23 Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan. 24 Sidaas daraaddeed Muuse wuu dhegaystay hadalkii soddoggiis, wuuna wada sameeyey wixii uu ku yidhi oo dhan. 25 Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay rag karti leh, oo wuxuu ka dhigay madaxdii dadka, oo ah kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya. 26 Oo dadkay u gar naqi jireen had iyo goorba, oo arrimaha adadagna waxay u keeni jireen Muuse, laakiinse wixii yaryar oo dhan iyagaa ka gar naqi jiray. 27 Markaasaa Muuse u oggolaaday soddoggiis inuu tago, isna dalkiisii ayuu tegey.
Sadaqada Carmalku Macbudka Ku Bixisay(A)
21 Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya. 2 Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa. 3 Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen. 4 Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.
Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dumidda Macbudka(B)
5 Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi, 6 Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.
Belaayooyinka Imanaya(C)
7 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan? 8 Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina. 9 Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha. 10 Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo. 11 Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn. 12 Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal. 13 Waxayna idinku noqon doontaa marag. 14 Sidaa darteed qalbiyadiinna geliya inaydnaan hore ugu fikirin waxaad ku jawaabi doontaan. 15 Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin. 16 Laakiin idinka waxaa idin gacangelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa. 17 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona. 18 Tinna madaxiinna kama lumi doono. 19 Waa inaad naftiinna ku haysataan dulqaadashadiinna.
20 Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay. 21 Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin. 22 Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan. 23 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho. 24 Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
Wakhtiga Dhammaadkiisa(D)
25 Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood. 26 Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa. 27 Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 28 Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.
Soo Jeedid Baa Loo Baahan Yahay(E)
29 Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan; 30 goortay caleemo bixiyaan waad arkaysaan oo garanaysaan inuu roobku haddaba dhow yahay. 31 Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay. 32 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin. 33 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
34 Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale. 35 Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga. 36 Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
37 Maalin walba ayuu macbudka wax ku bari jiray, habeen walbana dibadda ayuu u bixi jiray, oo wuxuu baryi jiray buurta la odhan jiray Buur Saytuun. 38 Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.
36 Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
2 Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa,
Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
3 Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa,
Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
4 Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha;
Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
5 Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado,
Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
6 Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado,
Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
7 Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah,
Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya,
Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
8 Oo haddii silsilado lagu xidho,
Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
9 Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda,
Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
10 Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda,
Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
11 Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan,
Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo,
Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
12 Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan,
Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
13 Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho,
Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
14 Dhallinyaranimay ku dhintaan,
Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
15 Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa,
Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
16 Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa,
Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn,
Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
17 Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa,
Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
18 Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid,
Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
19 Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu
Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
20 Habeenka ha doonin,
Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
21 Iska jir oo xumaan ha u jeedin,
Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
22 Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya;
Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
23 Jidkiisa yaa u amray?
Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
24 Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii
Ay dadku ka gabyeen.
25 Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen,
Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
26 Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan;
Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
27 Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha,
Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
28 Oo daruuraha ka soo da'a,
Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
29 Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda,
Iyo onkodyada taambuuggiisa?
30 Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa,
Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
31 Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa,
Oo cunto badanna wuu siiyaa.
32 Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa,
Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
33 Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa,
Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.
6 Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah, 2 waayo, wuxuu leeyahay,
Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay,
Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey.
Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta. 3 Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin. 4 Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo, 5 iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid, 6 annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, 7 iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba, 8 haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah; 9 sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin, 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
Qalbifurnaan Iyo Jacayl
11 Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay. 12 Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha. 13 Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale.
Waa Laga Gigay In Lala Saaxiibo Kuwa Aan Rumaysnayn Masiix
14 Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 17 Sidaa daraaddeed,
Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay,
Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn,
Waanan idin aqbali doonaa.
18 Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe,
Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho,
ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya