Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 12:22-51

22 Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin. 23 Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo. 24 Oo waxan amar ahaan waa inaad weligiin u dhawrtaan idinka iyo carruurtiinnuba. 25 Oo markii aad timaadaan dalka Rabbigu idin siin doono, oo uu idiinku ballanqaaday, waa inaad dhawrtaan u adeegiddan Ilaah. 26 Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah? 27 waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday. 28 Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.

29 Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan. 30 Markaasaa habeenkaas waxaa kacay Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo Masriyiintii oo dhan; oo oohin aad u weyn baa Masar ka dhacday, waayo, ma jirin guri aan meyd oollin.

Ka Bixidda

31 Markaasuu Muuse iyo Haaruun u yeedhay habeennimadii, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo dadkayga ka dhex baxa, idinka iyo reer binu Israa'iilba; taga oo Rabbiga u adeega, sidaad u tidhaahdeen. 32 Oo adhyihiinna iyo lo'diinnaba kaxaysta, sidaad u tidhaahdeen, iina soo duceeya. 33 Oo Masriyiintuna waxay dadka ku deddejiyeen inay dhaqso uga saaraan dalka; waayo, waxay yidhaahdeen, Kulligeen waxaynu nahay dad go'ay. 34 Markaasaa dadkii waxay qaateen cajiinkoodii intaanu khamiirin, iyo weelashoodii ay wax ku dhex cajiimi jireen, oo intay maryahoodii ku xidheen ayay garbaha saarteen. 35 Oo reer binu Israa'iilna waxay yeeleen sidii Muuse eraygiisu ahaa; oo waxay Masriyiintii weyddiisteen alaab lacag ah iyo alaab dahab ah iyo dhar; 36 oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.

37 Oo reer binu Israa'iilna waxay ka sodcaaleen Racmeses oo waxay tageen Sukod, tiradooduna waxay ku dhowayd lix boqol oo kun oo nin oo lugaynaya oo aan carruurta lagu tirin. 38 Oo waxaa kaloo raacay dad faro badan oo isku darsan, iyo adhyihii, iyo lo'dii, oo ahaa xoolo aad u badan. 39 Oo cajiinkii ay Masar kala yimaadeen ayay ka dubteen kibis aan khamiir lahayn, waayo, ma ay khamiirin; maxaa yeelay, dalkii Masar degdeg bay kaga soo bexeen, oo ma aanay sii joogi karin, mana ay diyaarsan sahay. 40 Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood. 41 Oo markii afartii boqol iyo soddonkii sannadood dhammaadeen, isla maalintaas ayaa Rabbiga dadkiisii badnaa oo dhammu ka baxay dalkii Masar. 42 Habeenkaasu waa habeen aad Rabbiga loogu dhawro, bixintii uu iyaga Masar ka soo bixiyey aawadeed; kaasu waa habeenkii Rabbiga oo ay reer binu Israa'iil oo dhammu ka ab ka ab aad u dhawraan.

Amarradii Iidda Kormaridda

43 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin; 44 laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa. 45 Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin. 46 Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin. 47 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro. 48 Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin. 49 Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan. 50 Sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen. 51 Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.

Luukos 15

Laxdii Hallowday(A)

15 Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan. Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.

Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi, Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo? Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan. Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.

Lacagtii Luntay

Ama naagtee baa toban [a]daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.

Wiilkii Wixiisii Khasaariyey

11 Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa. 12 Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa. 13 Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya. 14 Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo. 15 Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo. 16 Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin. 17 Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa. 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale. 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday. 21 Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga. 22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya. 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno, 24 waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan. 25 Laakiin wiilkiisii weynaa beerta buu ku jiray, oo intuu soo socday oo guriga u soo dhowaanayay, wuxuu maqlay muusika iyo cayaar. 26 Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas? 27 Markaasuu ku yidhi, Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gowracay, waayo, ladnaan buu ku helay. 28 Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay. 29 Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo, 30 Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey. 31 Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh, 32 laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.

Ayuub 30

30 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar
Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
Nimanka xooggoodu dhammaaday
Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar,
Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal,
Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
Iyaga dadka waa laga dhex eryaa,
Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka,
Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda,
Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood,
Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
Oo haatan gabay cay ah baan u noqday,
Oo halqabsi baan u ahay.
10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan,
Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
11 Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay,
Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
12 Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq,
Oo cagtaydana way iska riixaan,
Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
13 Jidadkayga way halleeyaan,
Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda;
Oo mid caawiyaana ma jiro.
14 Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan,
Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
15 Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn,
Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale.
Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
17 Habeenkii lafahaygaa i muda,
Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday,
Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda,
Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid,
Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay,
Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha,
Oo waxaad i fuushisaa dusheeda,
Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho,
Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo?
Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin?
Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta,
Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa,
Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka,
Iyo saaxiibka gorayada.
30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa,
Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho,
Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.

1 Korintos 16

Wax-u-Ururinta Masaakiinta Yeruusaalem

16 Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela. Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin. Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan. Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.

Bawlos Arrimihiisii Iyo Nabadgelyaynta

Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa. Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono. Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo. Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste. Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.

10 Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale. 11 Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco. 12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

13 Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba. 14 Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.

15 Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa 16 inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda. 17 Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray. 18 Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

19 Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba. 20 Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

21 Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa. 22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa. 23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto. 24 Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya