M’Cheyne Bible Reading Plan
7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga. 2 Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan. 3 Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar. 4 Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar. 5 Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga. 6 Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen. 7 Muusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen.
Usha Haaruun Oo Noqotay Abeeso
8 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, 9 Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto. 10 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso. 11 Fircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. 12 Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan. 13 Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.
Belaayadii Dhiigga
14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo. 15 Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay. 16 Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin. 17 Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig. 18 Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan. 19 Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba. 20 Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig. 21 Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan. 22 Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. 23 Kolkaasaa Fircoon noqday oo gurigiisii tegey, waxanna qalbigiisii maba uu gelin. 24 Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen. 25 Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.
Toddobaatankii Xerta Ahaa Shuqulladoodii
10 Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa. 2 Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro. 3 Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira. 4 Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina. 5 Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato. 6 Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa. 7 Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina. 8 Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna. 9 Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay. 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
Waxaa Hoog Leh Dadka Aan Ilaah Rumaysnayn Magaalooyinkooda(A)
13 Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 14 Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 15 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa [a]Haadees. 16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
Toddobaatankii Ayaa Soo Noqday
17 Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan. 18 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan arkay Shayddaankoo sida hillaac samada uga soo dhacaya. 19 Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono. 20 Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.
Ciise Waa Mahadnaqay(B)
21 Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Quduuska ah ku reyreeyey oo yidhi, Waan kugu mahadnaqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay. 22 Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo. 23 Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakaysan indhaha arka waxaad aragtaan; 24 waayo, waxaan idinku leeyahay, Nebiyo iyo boqorro badan ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
Sida Loo Helo Nolosha Weligeed Ah(C)
25 Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah? 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.
Masaalka Ku Saabsan Ninkii Wanaagsanaa Oo Reer Samaariya
29 Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah? 30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah. 31 Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray. 32 Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray. 33 Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay. 34 Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay. 35 Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa. 36 Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay? 37 Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.
Maarta Iyo Maryan
38 Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay. 39 Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay. 40 Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato. 41 Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa. 42 Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
24 Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa?
Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
2 Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya,
Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
3 Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta,
Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
4 Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan,
Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
5 Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga
Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya;
Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
6 Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka,
Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
7 Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan,
Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
8 Waxaa iyaga qoya roobka buuraha,
Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
9 Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada,
Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10 Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin,
Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11 Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda,
Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12 Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan,
Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa,
Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13 Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba,
Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin,
Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14 Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan,
Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15 Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka,
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono,
Oo wuu hagoogtaa.
16 Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan,
Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan,
Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17 Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada,
Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18 Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa,
Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray,
Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19 Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl,
Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.
20 Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga,
Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono,
Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21 Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin;
Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22 Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa;
Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23 Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan,
Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24 Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan;
Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan,
Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
25 Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay,
Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?
11 Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.
Naaguhu Ha Gambaysteen Markay Shirka Kiniisadda Joogaan
2 Waxaan idinku ammaanayaa inaad wax walba igu xusuusataan oo aad u xagsataan cilmiga sidaan idiinku sheegay. 3 Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa. 4 Nin kasta oo tukada ama wax sii sheega isagoo madaxa wax u saaran yihiin, madaxiisuu ceebeeyaa. 5 Oo naag kasta oo tukata ama wax sii sheegta iyadoo aan gambaysnayn, madaxeeday ceebaysaa. Waayo, waxay la mid tahay sidii iyadoo madax xiiran. 6 Naag haddaanay gambaysnayn, timaha ha loo jaro, laakiin hadday ceeb ku tahay naag in loo jaro ama in loo xiiro, ha gambaysato. 7 Nin waa inuusan madaxa dedan, waayo, ninku wuxuu yahay u-ekaanta iyo ammaanta Ilaah; naagtuna waxay tahay ammaanta ninka. 8 Waayo, ninku xagga naagta kama uu iman, laakiin naagtuse xagga ninka ayay ka timid. 9 Maxaa yeelay, ninka looma abuurin naagta aawadeed, laakiin naagtase ninka aawadiis ayaa loo abuuray. 10 Taas aawadeed naagtu waxay leedahay inay madaxeeda ku lahaato astaanta amarka, malaa'igaha aawadood. 11 Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed. 12 Waayo, sida naagtu ninka uga timid ayaa ninkuna naagta uga dhashay, wax kastana xagga Ilaah bay ka yimaadeen. 13 Idinkuba ka fiirsada. Ma u eg tahay naagta inay Ilaah barido iyadoo aan gambaysnayn? 14 Dabiicadda qudheedu miyaanay idin barin in ninku hadduu timo dheer leeyahay ay maamuusdarro u yihiin isaga, 15 laakiin naagtu hadday timo dheer leedahay, waa u sharaf iyada. Waayo, timaha waxaa iyada loo siiyey hagoog. 16 Laakiin haddii nin u eg yahay mid ilaaq jecel, caadadaas oo kale annagu ma lihin, kiniisadaha Ilaahna ma laha.
Maamuusjebinta Cashada Rabbiga
17 Anigoo tan idin faraya, idin ammaani maayo, waayo, isuguma timaadaan waxa roon, ee waxaad isugu timaadaan waxa daran. 18 Horta haddaba waxaan maqlay inaad iskala qaybisaan markaad kiniisadda isugu timaadaan, badhna waan rumaysanahay. 19 Waayo, dhexdiinna waa inay jiraan waxyaalo idinkala sooco in kuwa loo bogay ay idinka dhex muuqdaan. 20 Sidaa daraaddeed markaad isu timaadaan, isuguma timaadaan inaad cashada Rabbiga cuntaan. 21 Waayo, mid kasta cashadiisuu kan kale ka hor cunaa, mid waa gaajaysan yahay, midna waa sakhraansan yahay. 22 Sow ma lihidin guryo aad wax ku cuntaan oo wax ku cabtaan? Mise kiniisadda Ilaah baad fududaysanaysaan, oo aad kuwa aan waxba haysan ceebaynaysaan? Maxaan idinku idhaahdaa? Ma waxanaan idinku ammaanaa? Idinku ammaani maayo!
Cashadii Rabbiga Oo Xusuusta Ahayd(A)
23 Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday, 24 oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan. 25 Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan. 26 Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.
Waa Inaan Cashada Si Aan Istaahilin Loo Qaadan
27 Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan. 28 Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo. 29 Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin. 30 Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen. 31 Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen. 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida. 33 Taa aawadeed, walaalahayow, markaad isugu timaadaan inaad wax cuntaan, isa suga. 34 Nin uun hadduu gaajoodo, gurigiisa wax ha ka soo cuno, inaydnaan xukun isugu iman. Intii kale waxaan hagaajin doonaa markaan imaado.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya