M’Cheyne Bible Reading Plan
Yacquub Oo Barakeeyey Wiilashiis
49 Markaasuu Yacquub wiilashiisii u yeedhay; oo wuxuu ku yidhi, Isa soo urursada, aan idiin sheego waxyaalaha maalmaha ugu dambeeya idinku dhici doona.
2 Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla,
Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.
3 Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa,
Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.
4 Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid,
Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa;
Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.
5 Simecoon iyo Laawi waa walaalo,
Seefahoodu waa hub dirireed.
6 Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda,
Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey;
Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen,
Oo qushigooday dibi ku boqno jareen.
7 Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd,
Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn.
Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin.
8 Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan.
Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda,
Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,
9 Yahuudah waa libaax dhashiis.
Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay.
Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar,
Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?
10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah,
Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto;
Ilaa Shiiloh yimaado;
Dadkuna isagay addeeci doonaan.
11 Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah,
Dameerkiisa yarna canabka la doorto,
Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri,
Lebiskiisana dhiig canab.
12 Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri,
Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano.
13 Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda.
Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha,
Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda.
14 Isaakaar waa dameer xoog weyn,
Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.
15 Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay,
Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay;
Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado,
Oo addoon buu u noqday hawshii.
16 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa
Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood.
17 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta,
Iyo jilbis waddada dhex yaal,
Oo fardaha cedhbaha ka qaniina,
Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.
18 Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada.
19 Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda;
Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa.
20 Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa,
Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan.
21 Naftaali waa cawl la furay,
Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.
22 Yuusuf waa laan midho leh,
Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal;
Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.
23 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay,
Wayna toogteen oo silciyeen;
24 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay,
Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey
Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub,
(Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
25 Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona,
Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona
Barakooyinka samada sare,
Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa,
Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.
26 Barakooyinkii aabbahaa
Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay
Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara;
Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf,
Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.
27 Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada;
Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday,
Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.
28 Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.
Dhimashadii Yacquub
29 Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed. 33 Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.
Dhalashadii Ciise Masiix(A)
2 Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro. 2 Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya. 3 Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii. 4 Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud, 5 in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd. 6 Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen, 7 waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
8 Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya. 9 Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen. 10 Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. 11 Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah. 12 Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal. 13 Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,
14 Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya,
Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
15 Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey. 16 Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa. 17 Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga. 18 Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen. 19 Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay. 20 Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.
21 Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.
Ciisaa Rabbiga Loogu Dhiibay Macbudka Dhexdiisa
22 Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan 23 (siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga), 24 iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.
Simecoon Iyo Gabaygiisii Ammaanta Ahaa
25 Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay. 26 Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin. 27 Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan, 28 markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
29 Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago,
Sida hadalkaagu ahaa,
30 Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
31 Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
32 Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo,
Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
33 Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga. 34 Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo, 35 si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
Anna
36 Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed. 37 Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay. 38 Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
Ciise Carruurnimadiisii
39 Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.
40 Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.
41 Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda. 42 Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd. 43 Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn, 44 laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen. 45 Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen. 46 Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya. 47 Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii. 48 Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay. 49 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo? 50 Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay. 51 Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.
52 Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.
Eliifas
15 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn,
Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?
3 Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn,
Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?
4 Cabsida waad baabbi'isaa,
Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.
5 Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada,
Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.
6 Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha;
Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.
7 War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay?
Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?
8 War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay?
Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?
9 War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn?
Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?
10 Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn,
Oo aabbahaa ka sii fil weyn.
11 Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah
Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?
12 Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa?
Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?
13 Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa,
Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?
14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado?
Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?
15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah,
Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha.
16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah,
Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
17 Bal i maqal, wax baan ku tusayaa,
Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;
18 (Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen,
Oo ayan qarin,
19 Kuwaasoo dalka keligood la siiyey,
Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)
20 Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan,
Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.
21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha,
Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.
22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono,
Iyo inay seeftu isaga sugayso.
23 Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday?
Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.
24 Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi,
Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey,
25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay,
Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.
26 Wuxuu kula ordaa madax adag
Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.
27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay,
Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,
28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah,
Iyo guryo aan lagu hoyan,
Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.
29 Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo,
Oo dhulkana ku sii waari maayo.
30 Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo,
Oo laamihiisa olol baa qallajin doona,
Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.
31 Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya,
Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.
32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa,
Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.
33 Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa,
Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.
34 Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin,
Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.
35 Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan,
Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.
Iskala-Qaybinta Waa Laga Digay
3 Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix. 2 Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan. 3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn? 4 Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn? 5 Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga. 6 Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey. 7 Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa. 8 Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd. 9 Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
Macallimiinta Mas'uuliyaddooda
10 Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo. 11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix. 12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal, 13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona. 14 Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa. 15 Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
16 Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro? 17 Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
18 Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa, 20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin. 21 Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh, 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh. 23 Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya