Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 22

Tijaabadii Ibraahim

22 Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono. Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay. Maalintii saddexaad ayuu Ibraahim indhihiisa kor u taagay, markaasuu meeshii oo ka fog arkay. Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa. Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen. Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa? Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen. Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda. 10 Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo. 11 Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan. 12 Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah. 13 Markaasaa Ibraahim indhihiisii kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu dabadiisa ku arkay wan geesaha kayn kula jira. Markaasaa Ibraahim tegey oo wankii soo kaxeeyey, oo wuxuu u bixiyey allabari guban meeshii wiilkiisa. 14 Ibraahimna meeshaas wuxuu u bixiyey [a]Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa. 15 Kolkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay, 16 oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda; 18 oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday. 19 Haddaba Ibraahim wuxuu ku noqday raggiisii dhallinyarada ahaa, markaasay kaceen oo waxay wada tageen Bi'ir Shebac, Ibraahimna wuxuu iska degay Bi'ir Shebac.

Wiilashii Naaxoor

20 Oo waxaa dhacay waxyaalahaas dabadood, in Ibraahim loo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, Milkah carruur bay u dhashay walaalkaa Naaxoor. 21 Waxay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis; 22 iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el. 23 Betuu'elna wuxuu dhalay Rebeqah. Siddeeddan bay Milkah u dhashay Naaxoor, oo ahaa Ibraahim walaalkiis. 24 Addoontiisii la odhan jiray Re'uumah waxay iyana u dhashay Tebah, iyo Gaham, iyo Tahash, iyo Macakah.

Matayos 21

Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem(A)

21 Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena, oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa. Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

Gabadha Siyoon u sheega,
Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa,
Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan
Iyo qayl dameereed.

Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen. Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay. Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, [a]Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya. 10 Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay? 11 Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasared tii Galili.

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(B)

12 Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo. 14 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey. 15 Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen 16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga? 17 Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.

Geedka Berdaha Ah Oo Aan Waxba Dhalin(C)

18 Aroortii goortuu magaaladii ku soo noqonayay, wuu gaajaysnaa. 19 Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay. 20 Xertii goortay arkeen way yaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Geedkii berdaha ahaa sidee buu kolkiiba u engegay? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur, way noqonaysaa. 22 Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan.

Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(D)

23 Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey? 24 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Masaalka Ku Saabsan Labada Wiil

28 Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.

Masaalka Ku Saabsan Beerta Canabka Ah(E)

33 Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey. 34 Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan. 35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen. 37 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee. 39 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. 40 Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa? 41 Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda. 42 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin,

Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Wuxuu noqday madaxa rukunka.
Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga?

43 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya. 44 Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

45 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii goortay masaalladiisii maqleen waxay garteen inuu iyagu ka hadlay. 46 Goortay dooneen inay qabtaan ayay dadkii badnaa ka baqeen, waayo, waxay u haysteen nebi.

Nexemyaah 11

Dadkii Cusbaa Ee Degay Yeruusaalem

11 Oo dadka amiirradiisii waxay degeen Yeruusaalem, oo dadka intiisii kalena waxay saami u riteen inay tobankii qofba mid ka soo bixiyaan inuu dego magaalada quduuska ah oo Yeruusaalem, oo sagaalka qof oo kalena ay degaan magaalooyinka kale. Oo dadkiina waxay u duceeyeen dadkii ikhtiyaarkooda isu bixiyey inay Yeruusaalem degganaadaan. Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan. Oo Yeruusaalemna waxaa degay kuwo reer Yahuudah ah, iyo kuwo reer Benyaamiin ah. Kuwii reer Yahuudah waxay ahaayeen: Cataayaah, oo ahaa ina Cusiyaah ina Sekaryaah, ina Amaryaah, ina Shefatyaah, ina Mahalaleel, oo ahaa reer Feres, iyo Macaseeyaah oo ahaa ina Baaruug, ina Kaalxoseh, ina Xasaayaah, ina Cadaayaah, ina Yooyaariib, ina Sekaryaah oo ahaa kii uu dhalay kii reer Shiilonii. Raggii reer Feres oo Yeruusaalem degganaa oo dhammu waxay ahaayeen afar boqol iyo siddeed iyo lixdan nin oo xoog leh. Oo intanuna waa kuwii reer Benyaamiin: Sallu oo ahaa ina Meshullaam, ina Yooceed, ina Fedaayaah, ina Qoolaayaah, ina Macaseeyaah, ina Iitii'eel, ina Yeshacyaah. Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Gabbay, iyo Sallay, oo waxay ahaayeen sagaal boqol iyo siddeed iyo labaatan. Oo waxaa madax u ahaa Yoo'eel oo ahaa ina Sikrii; oo Yahuudah oo ahaa ina Hasenu'aahna wuxuu ahaa kan labaad oo magaalada u taliya. 10 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen Yedacyaah oo ahaa ina Yooyaariib iyo Yaakiin, 11 iyo Seraayaah oo ahaa ina Xilqiyaah, ina Meshullaam, ina Saadooq, ina Meraayood, ina Axiituub oo u talin jiray guriga Ilaah, 12 iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah, 13 iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer; 14 iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim. 15 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah, ina Bunnii; 16 iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray, 17 iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sabdii, ina Aasaaf, oo ahaa madaxda mahadnaqidda tukashada, iyo Baqbuqyaah oo ahaa kan labaad walaalihiis dhexdooda, iyo Cabdaa oo ahaa ina Shammuuca, ina Gaalaal, ina Yeduutuun. 18 Kuwii reer Laawi oo dhan oo magaalada quduuska ah joogay waxay ahaayeen laba boqol iyo afar iyo siddeetan. 19 Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan. 20 Oo intii ka hadhay reer binu Israa'iil oo ahaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay joogeen magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan, oo mid waluba wuxuu degganaa dhulkii uu dhaxalka u helay. 21 Laakiinse kuwii reer Netiiniim waxay degeen Cofel, oo waxaa reer Netiiniim madax u ahaa Siixaa iyo Gishfaa. 22 Oo kuwii reer Laawi oo Yeruusaalem joogayna waxaa madax u ahaa Cusii oo ahaa ina Baanii, ina Xashabyaah, ina Matanyaah, ina Miikaa, oo ka mid ahaa reer Aasaaf oo ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo u talin jiray hawsha guriga Ilaah. 23 Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen. 24 Oo Fetaxyaah oo ahaa ina Mesheysabeel oo ahaa reer Serax, ina Yahuudah, boqorkuu wakiil uga ahaa wax alla wixii dadka xaalkiisa ku saabsan. 25 Xagga tuulooyinkii iyo beerahooda qaar reer Yahuudah ah waxay degganaayeen Qiryad Arbac iyo magaalooyinkeedii, iyo Diibon iyo magaalooyinkeedii, iyo Yeqabseel iyo tuulooyinkeedii, 26 iyo Yeeshuuca, iyo Molaadaah, iyo Beytfeled, 27 iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac iyo magaalooyinkeedii, 28 iyo Siiqlag, iyo Mekonaah iyo magaalooyinkeedii, 29 iyo Ceyn Rimmoon, iyo Sorcaah, iyo Yarmuud, 30 iyo Saanoo'ax, iyo Cadullaam, iyo tuulooyinkoodii, iyo Laakiish iyo beeraheedii, iyo Caseeqaah iyo magaalooyinkeedii. Sidaasay u degeen Bi'ir Shebac ilaa dooxadii Xinnom. 31 Oo reer Benyaamiinna waxay degeen inta laga bilaabo Gebac, iyo Mikmaash, iyo Cayaa, iyo Beytel iyo magaalooyinkeeda, 32 iyo Canaatood, iyo Nob, iyo Cananyaah, 33 iyo Xaasoor, iyo Raamaah, iyo Gitayim, 34 iyo Xaadiid, iyo Seboyim, iyo Neballaad, 35 iyo Lod, iyo Oonoo oo ahayd dooxadii kuwa sancada badan. 36 Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.

Falimaha Rasuullada 21

Bawlos Baa Ka Tegey Mileetos Oo Wuxuu U Dhoofay Turos

21 Oo waxaa dhacday, markaannu iyagii ka tagnay oo dhoofnay dabadeed, inaannu toos u nimid Koos, maalintii dambena waxaannu nimid Rodos, meeshaasna waxaannu ka aadnay Batara; oo markaannu helnay doonni Foynike u sii dhaafaysa ayaannu fuulnay oo ku dhoofnay. Oo kolkii Qubrus noo muuqatay, ayaannu dhinaca bidixda ka marnay oo u dhoofnay Suuriya, oo waxaannu ku degnay Turos, maxaa yeelay, meeshaasaa doonnidu shixnaddeedii ku dejin lahayd. Oo markaannu xertii ka helnay, ayaannu meeshaas joognay toddoba maalmood; oo kuwaasu waxay Ruuxa ugu sheegeen Bawlos inaanu Yeruusaalem cag saarin. Oo markii maalmahaasu noo dhammaadeen ayaannu ka tagnay oo sii soconnay; oo dhammaantood, iyaga iyo dumarkoodii iyo carruurtoodiiba, ayay na sii ambabbixiyeen ilaa magaalada dibaddeeda; markaasaannu xeebta ku jilba joogsannay oo tukannay, oo isnabadgelyaynay; kolkaasaannu doonnidii fuulnay, iyaguse guryahoodii bay ku noqdeen.

Bawlos Oo Kaysariya Tegey

Oo markii dhoofkii aannu Turos ka soo dhoofnay noo dhammaaday, waxaannu nimid Botolemays; markaasaannu walaalihii soo salaannay oo maalin la joognay iyagii. Maalintii dambena waannu ka tagnay, oo waxaannu nimid Kaysariya; markaasaannu galnay gurigii Filibos oo ahaa kii wax wacdiyi jiray oo toddobadii ka mid ahaa, oo isagaannu la joognay. Ninkanu wuxuu lahaa afar gabdhood oo bikrado ah oo wax sheegi jiray. 10 Kolkaannu maalmo badan meeshaas joognay, waxaa Yahuudiya ka yimid nebi la odhan jiray Agabos. 11 Oo markuu noo yimid ayuu qaatay Bawlos dhex-xidhkiisii oo ku xidhxidhay gacmihiisii iyo cagihiisii isagoo leh, Ruuxa Quduuska ahu sidaasuu leeyahay, Yuhuudda Yeruusaalem joogtaa sidaasay u xidhi doonaan ninka dhex-xidhkan leh, oo waxay isagii u gacangelin doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn. 12 Annaga iyo kuwii meeshaas joogayba, markaannu waxyaalahaas maqalnay, waxaannu isagii ka barinnay inuusan Yeruusaalem tegin. 13 Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis. 14 Oo markii la yeelsiin waayay, waannu iska daynay, oo waxaannu nidhi, Rabbiga doonistiisu ha noqoto.

Bawlos Oo Yeruusaalem Tegey

15 Maalmahaas dabadeedna, alaabtayadii baannu diyaarsannay, oo waxaannu tagnay Yeruusaalem. 16 Oo waxaa na raacay qaar ka mid ahaa xerta Kaysariya iyagoo wada mid Manasoon la odhan jiray oo reer Qubrus ahaa oo xertii hore ka mid ahaa, kaasoo aannu u hoyan lahayn. 17 Markaannu Yeruusaalem nimidna walaalihii farxad bay nagu soo dhoweeyeen.

Bawlos Wuxuu Isku Dayay Inuu Masiixiyiintii Yuhuudda Ahayd La Heshiiyo

18 Maalintii ku xigtayna Bawlos oo nala socda ayaannu waxaannu u tagnay Yacquub; waayeelladii oo dhammuna way joogeen. 19 Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa. 20 Iyaguna, kolkay taas maqleen, ayay Ilaah ammaaneen; oo waxay ku yidhaahdeen isagii, Walaalow, waad aragtaa intay yihiin kumanyaalka rumaystay oo Yuhuudda ku dhex jira; kulligoodna sharcigay ku kulul yihiin. 21 Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon. 22 Haddaba waa maxay? Way wada maqli doonaan inaad timid. 23 Sidaas darteed waxaannu kuu sheegayno yeel. Waxaa nala jooga afar nin oo nidar galay; 24 kuwaas kaxee oo isla daahiri oo kharashka iyaga ka bixi inay madaxa xiirtaan; markaasay dhammaan waxay wada ogaan doonaan inaanay waxba ahayn waxyaalihii lagaa sheegay, laakiin inaad adiga qudhaadu si hagaagsan u socotid oo aad sharciga dhawrtid. 25 Laakiin wax ku saabsan dadkii aan Yuhuudda ahayn oo rumaystay ayaannu qornay, annagoo ku amrayna inay iska ilaaliyaan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiigga, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. 26 Markaasaa Bawlos nimankii kaxeeyey, oo maalintii dambena intuu iyagii isla daahiriyey ayuu macbudka galay, isagoo caddaynaya maalmihii isdaahirinta dhammaadkoodii, ilaa intii sadqada loo sadqeeyey mid kasta oo iyagii ka mid ahaa.

Rabshad Baa Yeruusaalem Ka Dhacday, Oo Bawlos Waa La Xidhay

27 Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii, 28 iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay. 29 Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay. 30 Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay. 31 Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay. 32 Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen. 33 Markaasaa sirkaalkii sare ku soo dhowaaday oo qabtay isagii, oo wuxuu ku amray in lagu xidho laba silsiladood; waana weyddiiyey ninkuu yahay iyo wuxuu sameeyey. 34 Qaar waxay ku qayliyeen wax, qaarna wax kale, dadkii badnaa dhexdiis, oo markuu runtii garan kari waayay rabshaddii aawadeed ayuu ku amray in qalcaddii la geeyo. 35 Oo markii Bawlos sallaankii fuulay, waxaa dhacay in askartii kor u qaadday isagii dadkii badnaa xooggooda aawadiis, 36 waayo, dadkii faraha badnaa waa daba socday, iyagoo qaylinaya oo leh, Naga fogeeya.

37 Markay u dhowayd in Bawlos qalcaddii la keeno ayuu sirkaalkii sare ku yidhi, Ma ii suurtowdaa inaan wax ku idhaahdo? Markaasuu ku yidhi, Af Gariig ma taqaan? 38 Haddana miyaanad ahayn Masrigii maalmahan hortoodii rabshad kiciyey oo afarta kun oo nin oo dhiigqabayaal ah cidlada u kaxeeyey? 39 Laakiin Bawlos wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo reer Tarsos ah taasoo Kilikiya ku taal, oo waxaan ahay magaalo aan yarayn waddanigeed. Waxaan kaa baryayaa inaad ii fasaxdid inaan dadka la hadlo. 40 Oo kolkuu fasaxayna, Bawlos isagoo sallaankii taagan, ayuu dadkii gacan u taagay; oo markii aad loo aamusay, ayuu af Cibraaniga kula hadlay iyagii, isagoo leh,

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya