Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Taariikhdii Kowaad 19-20

La Dagaallankii Reer Cammoon

19 Taas dabadeedna Naaxaash oo boqor u ahaa reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii. Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu waxaan u roonaan doonaa Xaanuun ina Naaxaash, maxaa yeelay, aabbihiis baa ii roonaaday. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray wargeeyayaal inay u tacsiyeeyaan aabbihiis. Markaasaa Daa'uud addoommadiisii waxay dalkii reer Cammoon ugu yimaadeen Xaanuun inay isaga u tacsiyeeyaan. Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay Xaanuun ku yidhaahdeen, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Addoommadiisu sow kuuguma iman inay dalka baadhaan oo basaasaan oo afgembiyaan? Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu iyagii u xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay. Markaasaa la tegey oo Daa'uud loo soo sheegay sidii nimankii loo galay. Oo isna wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda. Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayaa Xaanuun iyo reer Cammoon sii dhiibeen kun talanti oo lacag ah inay gaadhifardood iyo rag fardooley ah kaga soo kiraystaan Mesobotamiya, iyo Aram Macakaah, iyo Soobaah. Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen. Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen magaalada iriddeeda, oo boqorradii yimidna duurkay keli ahaantood joogeen. 10 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 11 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan. 12 Oo wuxuu walaalkiis ku yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan ku soo caawin doonaa. 13 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 14 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 15 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid. 16 Oo reer Suuriya markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay wargeeyayaal u direen oo soo kaxeeyeen reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey, iyagoo uu madax u yahay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser. 17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen. 18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil hortooda. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka. 19 Oo markii Hadarceser addoommadiisii arkeen in reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen Daa'uud, wayna u adeegeen, oo reer Suuriyana way diideen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

Qabsashadii Rabbaah

20 Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Yoo'aab kaxaystay xooggii ciidanka oo dhan oo baabbi'iyey dalkii reer Cammoon, oo haddana intuu soo kacay ayuu Rabbaah hareereeyey. Yoo'aab wuxuu dagaal ku dhiftay Rabbaah, wuuna afgembiyey, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay. Markaasaa Daa'uud boqorkoodii madaxiisii taajkii ka qaaday, oo wuxuu ogaaday in miisaankiisu yahay talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa, markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa. Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas. Oo magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan Daa'uud saasuu u wada galay. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.

La Dagaallankii Reer Falastiin

Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Geser lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Sifay, oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa, oo iyagiina waa la jebiyey. Oo haddana reer Falastiin waa lala diriray, oo Elxaanaan ina Yaaciir wuxuu dilay Laxmii oo ahaa Goli'ad kii reer Gad walaalkiis, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa. Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo farihiisa gacmeed iyo farihiisa lugeedna waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo gacan kasta wuxuu ku lahaa lix, cag kastana wuxuu ku lahaa lix, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa. Oo isna markuu reer binu Israa'iil caayay waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcaa ahaa dhalay. Kuwanu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad, oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii iyo gacantii addoommadiisa.

1 Butros 1

WARQADDII KOWAAD EE RASUUL
BUTROS

Salaan

Anigoo ah Butros oo ah rasuulkii Ciise Masiix waxaan warqaddan u qorayaa qariibbada ku kala firidhsan Bontos, iyo Galatiya, iyo Kabbadokiya, iyo Aasiya, iyo Bituniya, oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.

U Mahadnaqidda Rajada Masiixiyiinta Oo Ah Badbaadada

Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Naxariistiisa badan aawadeed ayuu mar kale ina dhalay inaynu rajo nool ku helno sarakiciddii Ciise Masiix ka soo sara kacay kuwii dhintay, oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey. Idinku waxaad tihiin kuwo xoogga Ilaah iyo rumaysadka lagu dhawro ilaa badbaadada diyaarka u ah in wakhtiga ugu dambaysta la muujiyo. Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo. Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh. Waxaadna helaysaan waxa rumaysadkiinnu ku dhammaado oo ah badbaadada naftiinna. 10 Nebiyadii sii sheegay nimcada idiin imanaysa waxay doondooneen oo aad u raadiyeen wax ku saabsan badbaadadaas. 11 Waxayna raadiyeen wixii iyo wakhtigii Ruuxii Masiixa oo iyaga ku jiray uu u tilmaamay markuu horay uga sii markhaati furay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsan doono iyo waxyaalaha ammaanta ah oo iyaga ka daba iman doona. 12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.

Waa In Si Quduus Ah Loo Socdo

13 Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo. 14 Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii; 15 laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada, 16 maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay. 17 Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin. 18 Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka, 19 laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn. 20 Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin, 21 idinkoo isaga aawadiis ku ah kuwa rumaysan Ilaaha isaga ka soo sara kiciyey kuwii dhintay oo ammaanay isaga, in rumaysadkiinna iyo rajadiinnu ay Ilaah ku xidhnaadaan aawadeed. 22 Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada. 23 Idinka mar kale laydinkuma dhalin abuur baabba'aya, laakiinse waxaa laydinku dhalay abuur aan baabba'ayn oo ah erayga Ilaah oo nool oo waara. 24 Waayo,

Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale,
Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale,
Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;

25 Laakiinse erayga Rabbigu weligiisba wuu waaraa. Haddaba kaasu waa eraygii warka wanaagsanaa oo laydinku wacdiyey.

Yoonis 3

Yoonis Oo Tegay Nineweh

Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi, Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo, Sidaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo. Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa. Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.

Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay. Oo wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin. Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira. Bal yaa og in Ilaah ka noqon doono oo cadhadiisa kulul ka jeesan doono iyo in kale, si aynaan u halligmin?

10 Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.

Luukos 8

Dumarkii Ciise U Adeegay

Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii, iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen, iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.

Masaalka Ku Saabsan Beerreyga(A)

Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal. Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay. Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn. Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay. Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Micnayntii Masaalka(B)

Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan? 10 Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan. 11 Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah. 12 Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin. 13 Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan. 14 Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan. 15 Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.

Waxa Ilayska Laga Barto(C)

16 Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan. 17 Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin. 18 Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.

Walaalnimada Runta Ah(D)

19 Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood. 20 Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan. 21 Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela.

Ciisaa Duufaankii Dejiyey(E)

22 Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen. 23 Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen. 24 Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday. 25 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?

Jinnoolihii Reer Gadareni Oo La Bogsiiyey(F)

26 Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili. 27 Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray. 28 Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin. 29 Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray. 30 Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay. 31 Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yamayska tagaan. 32 Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay. 33 Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen. 34 Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. 35 Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen. 36 Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey. 37 Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen. Markaasuu doonni fuulay, waana noqday. 38 Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh, 39 Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.

Yayros Gabadhiis Iyo Naagtii Dhiigbixidda Qabtay(G)

40 Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen. 41 Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo. 42 Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.

43 Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa, 44 ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay. 45 Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya. 46 Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay. 47 Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay. 48 Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.

49 Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin. 50 Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa. 51 Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee. 52 Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa. 53 Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay. 54 Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac. 55 Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada. 56 Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya