Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Labaad 17

Hoosheeca, Boqorkii Ugu Dambeeyey Ee Israa'iil

17 Aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Hoosheeca ina Eelaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa sagaal sannadood. Oo wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, laakiinse uma uu samayn sidii boqorradii dalka Israa'iil oo isaga ka horreeyey. Oo waxaa isagii ku kacay Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Hoosheeca addoon buu u noqday isagii, oo wuxuu u keenay gabbaro. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Hoosheeca ka gartay shirqool, waayo, wuxuu wargeeyayaal u dirtay Soowa oo boqorkii Masar ahaa, oo boqorkii Ashuurna gabbaro ma uu siin siduu sannad kasta yeeli jiray; sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur wuu xidhay oo xabsi ku riday. Markaasaa boqorkii Ashuur dalkii oo dhan dhex maray, oo wuxuu yimid Samaariya, oo intii saddex sannadood ah ayuu hareereeyey. Oo Hoosheeca sannaddiisii sagaalaad ayaa boqorkii Ashuur qabsaday Samaariya, oo dadkii Israa'iilna wuxuu u kaxaystay Ashuur, oo wuxuu dejiyey Xalax, iyo Xaaboor oo webigii Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday.

Reer Binu Israa'iil Oo Dembigooda Loo Masaafuriyey

Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale, wayna ku socon jireen qaynuunnadii quruumaha kale, kuwaasoo Rabbigu ka eryay dadka Israa'iil hortooda, iyo kuwii ay boqorradii dadkii Israa'iil samaysteenba. Oo dadkii Israa'iil waxay Rabbiga Ilaahooda ah si qarsoon ugu samayn jireen waxyaalo aan qummanayn, oo magaalooyinkooda oo dhan waxay ka dhisan jireen meelo sarsare tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd. 10 Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah. 11 Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen. 12 Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina. 13 Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa. 14 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah. 15 Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin. 16 Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen. 17 Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen. 18 Sidaas daraaddeed Rabbigu aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu hortiisa ka fogeeyey; oo iyagii waxba kama hadhin qabiilkii Yahuudah oo keliya mooyaane. 19 Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen. 20 Oo Rabbigu wuxuu nacay farcankii reer binu Israa'iil oo dhan, oo intuu dhibay ayuu gacanta u geliyey kuwii dhacay ilaa uu hortiisa ka tuuray. 21 Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn. 22 Oo dadkii Israa'iil waxay ku socdeen kulli dembiyadii Yaaraabcaam sameeyey oo dhan, oo kuwaasna kama ay tegin 23 ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.

Dad La Dejiyey Samaariya

24 Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen. 25 Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay. 26 Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas. 27 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas. 28 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen. 29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen. 30 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa, 31 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim. 32 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare. 33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen. 34 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey, 35 kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina; 36 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya; 37 oo qaynuunnadii, iyo xukummadii, iyo sharcigii, iyo amarkii uu idiin qoray waa inaad dhawrtaan oo aad weligiinba samaysaan, oo waa inaydnaan ka cabsan ilaahyo kale. 38 Oo axdigii aan idinla dhigtayna waa inaydnaan illoobin, oo aydnaan ilaahyo kale ka cabsan; 39 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan. 40 Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd. 41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.

Tiitos 3

Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan, oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen. Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay. Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah, oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix; inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla. Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan. Laakiin ka fogow su'aalaha nacasnimada ah, iyo abtirsiinyada, iyo murannada, iyo ilaaqda sharciga ku saabsan, waayo, waxtar iyo micne toona ma leh. 10 Haddaad nin bidci ah mar iyo laba waanisid dabadeed ka leexo, 11 adigoo garanaya in ninka caynkaas ahu qalloocan yahay oo dembaabo isagoo isxukumay.

Farriinta Iyo Nabadgelyaynta

12 Markaan kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos aad ugu dadaal inaad iigu timaado Nikobolis, waayo, waxaan goostay inaan xilliga qabow meeshaas joogi doono. 13 Ku dadaal inaad Seenaas kan sharciga yaqaan iyo Abolloos soo ambabbixisid si ayan waxba ugu baahan. 14 Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.

15 Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel.

Nimco ha idinla wada jirto.

Hoosheeca 10

10 Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon. Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa. Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya? Waxay ku hadlaan erayo aan waxba ahayn, iyagoo si been ah ugu dhaaranaya markay axdiyo gelayaan. Sidaas daraaddeed xukunku wuxuu u soo bixi doonaa sidii dacarmariid ka soo baxa beerta jeexjeexeeda. Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay. Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda. Oo weliba Samaariyana boqorkeedii wuxuu u baabba'ay sida xumbada biyaha dul sabbayso. Oo weliba meelaha sare ee Aawen ku yaal oo dembiga dadka Israa'iil ahna waa la wada dumin doonaa. Meelahooda allabarigana waxaa ka soo kor bixi doona qodxan iyo yamaarug. Waxay buuraha ku odhan doonaan, War na qariya. Oo gumburahana waxay ku odhan doonaan, Nagu soo dhaca. Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin. 10 Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood. 11 Oo reer Efrayim waa sidii qaalin lo'aad oo la tababbaray, taasoo jecel inay hadhuudhka ku tumato, laakiinse anigu waan u tudhay surkeedii qurxoonaa. Reer Efrayim waxaan korkooda saari doonaa mid iyaga fuula. Dadka Yahuudah dhulkay jeexi doonaan, reer Yacquubna waxay burburin doonaan ciidda qallalan. 12 Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo. 13 Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan. 14 Haddaba sidaas daraaddeed buuq baa dadkiinna ka dhex kici doona, oo qalcadihiinna oo dhanna waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii Shalman Beytarbeel maalintii dagaalka u baabbi'iyey oo kale. Hooyada iyo carruurteediiba ayaa dhulka lagu tuuray. 15 Sidaas oo kalaa Beytel laydinkaga samayn doonaa, waana sharnimadiinna weyn daraaddeed. Markii waagu beryo ayaa boqorka dalka Israa'iil dhammaantiis la baabbi'in doonaa.

Sabuurradii 129-131

Gabayga meelokoridda.

129 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Laakiinse igama ay adkaan.
Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
Rabbigu waa xaq,
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
Inta Siyoon neceb oo dhammu,
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa
Oo engega intaanu korin,
Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.

Gabayga meelokoridda.

130 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
Sayidow, codkayga maqal,
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon
Codka baryootankayga.
Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,
Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,
In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
Waxaan sugaa Rabbiga,
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa
Dembiyadooda oo dhan.

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

131 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,
Ama waxyaalihii igu yaab badan.
Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya