Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Labaad 15

Casaryaah, Boqorkii Yahuudah

15 Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday. Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem. Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare. Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya. Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam.

Sekaryaah, Boqorkii Israa'iil

Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah. Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey. 10 Oo waxaa isagii shirqoolay Shalluum ina Yaabeesh, oo wax buu ku dhuftay dadka hortiisii, wuuna dilay, markaasuu meeshiisiina boqor ka noqday. 11 Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil. 12 Kanu wuxuu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Yeehuu, ee uu ku yidhi, Farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil. Oo saasay noqotay.

Shalluum, Boqorkii Israa'iil

13 Oo Shalluum ina Yaabeesh wuxuu boqor noqday Cusiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad, oo muddo bil ah ayuu Samaariya boqor ku ahaa. 14 Markaasaa Menaxeem ina Gaadii ayaa ka kacay Tirsaah, oo wuxuu tegey Samaariya, markaasuu Shalluum ina Yaabeesh ku dilay Samaariya oo meeshiisii boqor ka noqday. 15 Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil. 16 Haddaba Menaxeem wuu wada laayay Tifsax iyo wixii ku jiray oo dhan, iyo soohdimaheedii marka Tirsaah laga bilaabo, maxaa yeelay, way ka furi waayeen, sidaas daraaddeed buuna u laayay; oo naagihii uurka lahaa oo magaalada ku jiray oo dhan wuu wada dooxay.

Menaxeem, Boqorkii Israa'iil

17 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad ayaa Menaxeem ina Gaadii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo Samaariya ayuu toban sannadood boqor ku ahaa. 18 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah; oo isagu wakhtigiisii oo dhan kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey. 19 Markaasaa waxaa waddankii ku kacay Fuul oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Menaxeem ayaa Fuul kun talanti oo lacag ah siiyey inuu gacan ku siiyo si ay boqortooyadu ugu xoogaysato. 20 Oo Menaxeem wuxuu lacagtii saaray dadkii taajiriinta ahaa oo dalka Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku amray in nin waluba konton sheqel oo lacag ah bixiyo si loo siiyo boqorka Ashuur, sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur dib buu u noqday oo dalkiina siima uu joogin. 21 Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil? 22 Markaasaa Menaxeem dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Fiqaxyaah.

Fiqaxyaah, Boqorkii Israa'iil

23 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kontonaad ayaa Fiqaxyaah ina Menaxeem dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood. 24 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey. 25 Oo waxaa isagii shirqoolay sirkaalkiisii Feqax ina Remalyaah ahaa oo wuxuu isagii qalcaddii guriga boqorka kula dilay Argob iyo Aryaah; oo waxaa isaga la jiray konton nin oo reer Gilecaad ah; oo markuu isagii dilay ayuu meeshiisii boqor ka noqday. 26 Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

Feqax, Boqorkii Israa'iil

27 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood. 28 Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey. 29 Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay. 30 Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah. 31 Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

Yootam, Boqorkii Yahuudah

32 Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday. 33 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq. 34 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale. 35 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna bay ku shidi jireen meelihii sarsare. Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo gurigii Rabbiga. 36 Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 37 Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah. 38 Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

Tiitos 1

WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY
TIITOS

Salaan

Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada, iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood, laakiinse wakhtiyadiisii goonida ahaa uu hadalkiisii ku muujiyey wacdigii laygu ammaaneeyey sida Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu u amray, waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

Waayeellada La Doorto

Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray, hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabshad iyo caasinimo lagu dacwaynin. Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan, laakiinse waa inuu ahaado mid martida soo dhoweeya, oo wanaag jecel, oo feeyigaan, oo xaq ah, oo quduus ah, oo iscelin kara; isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah.

Macallimiin Been Ah

10 Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan. 11 Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan. 12 Mid iyaga ka mid ahaa oo nebigoodii ahaa ayaa wuxuu yidhi, Reer Kereetee weligood waa beenaalayaal, iyo dugaag xun, iyo kuwo cir weyn oo caajisiin ah. 13 Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan 14 iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya. 15 Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen. 16 Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.

Hoosheeca 8

Israa'iil Oo Goosanaya Ufo

Buunka afkaaga saar. Cadowgu sidii gorgor buu u imanayaa guriga Rabbiga, maxaa yeelay, dadku axdigaygay jebiyeen, oo sharcigaygiina way ku xadgudbeen. Way ii qayshan doonaan, iyagoo leh, Ilaahayow, annagoo dadka Israa'iil ahu waannu ku naqaan. Dadka Israa'iil way iska xooreen wixii wanaagsanaa, oo iyaga cadowgu waa eryan doonaa. Boqorray boqradeen, laakiinse iyagu ma aha kuwa aan amray, waxayna doorteen amiirro laakiinse anigu ma aan aqoonsan. Lacagtoodii iyo dahabkoodiiba ayay sanamyo ka samaysteen, oo sidaas darteed ayaa loo baabbi'in doonaa. Samaariyey, weyshaadii wuu diiday isagoo leh, Cadhadaydii aad bay ugu kululaatay iyaga. Ilaa goormayan karayn inay daahir noqdaan? Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa. Waayo, waxay beertaan dabaysha, oo dabaysha cirwareenta ah ayay soo goosan doonaan. Hadhuudh taagan ma leh, baalkuna midho ma dhali doono, oo hadduu dhalona, shisheeyaa cuni doona. Dadka Israa'iil waa la liqay, oo haatan waxay quruumaha u dhex joogaan sidii weel aan la doonayn. Waayo, iyagu waxay u keceen dalka Ashuur, oo waa sidii dameer banjoog ah oo keligiis jooga. Reer Efrayim waxay soo kiraysteen kuwa caashaqa. 10 In kastoo ay quruumaha dhexdooda dad ka soo kiraystaan, haatan waan soo ururin doonaa iyaga, oo waxay bilaabayaan inay la yaraadaan sabab ka kacday culaabtii uu boqorkii amiirradu iyaga saaray. 11 Reer Efrayim waxay badiyeen meelo allabari, wayna ku dembaabeen, oo sidaas daraaddeed meelaha allabarigu waxay iyaga u noqdeen wax iyaga dembaajiya. 12 In kastoo aan iyaga u qoraa kumanyaalka amar ee sharcigayga, haddana waxaa lagu tiriyaa sida wax qalaad oo kale. 13 Oo weliba allabaryadii qurbaannadayda ahaana waxay ku allabaryaan hilib, wayna iska cunaan, laakiinse Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodiina wuu ciqaabi doonaa, oo Masar bay ku noqon doonaan. 14 Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.

Sabuurradii 123-125

Gabayga meelokoridda.

123 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow,
Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda,
Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda
Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah,
Ilaa uu noo naxariisto.
Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso,
Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
Naftayadii waxaa aad uga batay
Qosolka kuwa istareexsan
Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

124 Haddaan Rabbigu inala jirin
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Haddaan Rabbigu inala jirin,
Markii dadku inagu kacay,
Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,
Markay aad inoogu cadhoodeen,
Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
Waxaa mahad leh Rabbiga
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga
Sameeyey samada iyo dhulkaba.

Gabayga meelokoridda.

125 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya