M’Cheyne Bible Reading Plan
Eliiyaah Oo Samada Loo Qaaday
2 Oo markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa. 2 Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel. 3 Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa. 4 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo. 5 Oo haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa. 6 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen. 7 Oo waxaa tegey konton nin oo qoonkii nebiyada ahaa ah, oo waxay istaageen meel hortooda ah oo cabbaar ka fog; oo labadoodiina waxay istaageen Webi Urdun agtiisa. 8 Markaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan. 9 Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego. 10 Isna wuxuu yidhi, Wax aad u adag baad i weyddiisatay; habase yeeshee haddaad i aragtid markii layga kaa qaado, sidaasay kuu ahaanaysaa, haddii kalese saas ahaan mayso. 11 Oo intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada. 12 Oo Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay. 13 Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa. 14 Oo wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay. 15 Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen. 16 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War waannu ku baryaynaaye annagoo addoommadaada ah waxaa nala jira konton nin oo xoog leh, haddaba iyagu ha tageen oo sayidkaagii ha dooneen, waayo, waaba intaasoo Ruuxa Rabbigu isagii qaaday, oo uu ku xooray buur dusheed ama dooxo. Oo isna wuxuu yidhi, Waa inaydaan cid dirin. 17 Oo way ku sii adkeeyeen ilaa uu xishooday, kolkaasuu yidhi, Dira. Sidaas daraaddeed waxay direen konton nin; oo waxay isagii doondoonayeen saddex maalmood, laakiinse sooma ay helin. 18 Markaasay u soo noqdeen isagoo weli Yerixoo iska jooga; oo wuxuu ku yidhi, Sow idinkuma odhan, Ha tegina?
Bogsiintii Biyaha
19 Markaasaa dadkii magaaladu waxay Eliishaa ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye bal eeg, meeshay magaaladanu taal way wanaagsan tahay sidaad aragto, sayidkayagow, laakiinse biyuhu way xun yihiin, oo dhulkuna si wanaagsan wax uma bixiyo. 20 Isna wuxuu yidhi, Waxaad ii keentaan weel cusub oo cusbo ku soo shuba. Oo iyana way u keeneen. 21 Oo isna wuxuu tegey ishii biyaha, oo intuu cusbadii ku tuuray ayuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Biyahan waan bogsiiyey. Oo hadda ka dib ma yeelan doonaan dhimasho iyo waxbixinla'aan toona. 22 Sidaas daraaddeed biyihii way bogsadeen ilaa maantadan la joogo, oo way noqotay sidii eraygii Eliishaa ku hadlay.
Eliishaa Oo Lagu Majaajilooday
23 Markaasuu halkaas uga kacay Beytel, oo intuu jidka sii socday ayaa carruur yaryaru magaaladii ka soo baxday oo ku majaajiloodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Bidaar weyne bax, bidaar weyne bax. 24 Oo isna markaasuu gadaashiisa dhugtay oo arkay iyagii, oo magicii Rabbiga ayuu ku habaaray. Markaasaa dhirtii waxaa ka soo baxay laba orso oo dhaddig oo waxay dildillaacsadeen laba iyo afartan carruurtii ka mid ahaa. 25 Oo isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.
Ninka Dembiga Oo Ilaah Isku Sheegi Doono
2 Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, 2 inaan caqligiinnu dhaqso u qasmin ama aydnaan ku argaggixin ruux, ama hadal, ama warqad sida mid annagu aannu soo dirnay, sidii iyadoo maalintii Rabbigu hadda joogto. 3 Sinaba yaan laydiin khiyaanayn, waayo, maalintaasu ma iman doonto ilamaa horta Ilaah laga fallaagoobo, oo la muujiyo ninka dembiga oo ah wiilka halaagga, 4 kan ka geesta ah oo iska sarraysiiya wax alla waxa Ilaah la yidhaahdo oo dhan iyo waxa la caabudo oo dhan, oo sidaasuu u dhex fadhiistaa macbudka Ilaah isagoo qudhiisu Ilaah iska dhigaya. 5 Miyeydnaan xusuusnayn inaan waxyaalahan idiin sheegay markii aan weli idinla joogay? 6 Haatan waad garanaysaan waxa joojinaya in isaga wakhtigiisa la muujiyo. 7 Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga. 8 Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono. 9 Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan. 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan, 12 in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.
Waxaa Laydiin Doortay Badbaado
13 Laakiin waxaa nagu waajib ah inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, walaalayaasha Rabbigu jecel yahayow, waayo, waxaa Ilaah bilowgii idiin doortay badbaado ka timaada Ruuxa quduus idinka dhigaya, iyo rumaysadka runta, 14 tan uu idiinku yeedhay injiilkayaga inaad heshaan ammaanta Rabbigeenna Ciise Masiix. 15 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, xoogaysta, oo cilmigii laydin baray xajista, ha noqoto wixii hadal laydinku baray ama wixii warqaddayada laydinku baraye.
16 Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan, 17 qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.
Daanyeel Oo Ku Jiray Bohoshii Libaaxyada
6 Daariyus waxaa la wanaagsanaa inuu boqortooyadiisa u yeelo boqol iyo labaatan amiir, oo boqortooyada oo dhan wada gaadha; 2 oo wuxuu iyagii ka sara mariyey saddex taliye, oo Daanyeel ka mid ahaa; inay amiirradu iyaga la xisaabtamaan, oo aan boqorka khasaare ku dhicin. 3 Markaasaa Daanyeel laga soocay taliyayaashii iyo amiirradii, maxaa yeelay, waxaa isaga ku jiray ruux aad u wanaagsan; boqorkiina wuxuu ku fikiray inuu talada boqortooyada oo dhan u dhiibo. 4 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii waxay doondooneen sabab ay Daanyeel ku dacweeyaan oo xagga boqortooyada ku saabsan; laakiinse way waayeen sabab iyo xumaan toona; maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa aamin, oo qalad iyo xumaan toona lagama helin. 5 Markaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa. 6 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow. 7 Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada. 8 Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale. 9 Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii. 10 Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray. 11 Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis. 12 Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin. 13 Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa. 14 Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo. 15 Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso. 16 Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona. 17 Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel. 18 Dabadeedna boqorkii baa gurigiisii tegey, oo habeenkaas wuu soomanaa: alaabtii muusikadana looma keenin, hurdadiina waa ka duushay. 19 Boqorkii intuu aroor hore kacay ayuu degdeg u tegey bohoshii libaaxyada. 20 Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo? 21 Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow. 22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin. 23 Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey. 24 Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.
25 Markaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato. 26 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta. 27 Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada. 28 Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.
112 Rabbiga ammaana.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada,
Oo aad ugu farxa amarradiisa.
2 Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka,
Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo,
Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
4 Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa,
Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya,
Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono,
Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun,
Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono,
Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa,
Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba,
Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa,
Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa,
Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
113 Rabbiga ammaana.
Rabbiga addoommadiisow, ammaana.
Rabbiga magiciisa ammaana.
2 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
3 Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh
Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
4 Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,
Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,
Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
6 Oo hoos u eega
Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,
Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
8 Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,
Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
9 Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,
Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.
Rabbiga ammaana.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya