M’Cheyne Bible Reading Plan
Beertii Naabood Ee Canabka Ahayd
21 Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya. 2 Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah. 3 Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo. 4 Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno. 5 Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday? 6 Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo. 7 Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah. 8 Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa. 9 Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya. 10 Oo hortiisana waxaad fadhiisisaan laba nin oo waxmatarayaal ah, oo iyana isaga ha ku marag fureen, oo ha ku yidhaahdeen, Adigu waxaad cayday Ilaah iyo boqorka. Markaas isaga dibadda u bixiya oo dhagaxyo la dhaca si uu u dhinto. 11 Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay. 12 Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen. 13 Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay. 14 Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay. 15 Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay. 16 Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.
17 Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh, 18 War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato. 19 Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan. 20 Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso. 21 Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan. 22 Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis. 23 Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa. 24 Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada. 25 (Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel. 26 Oo wax aad karaahiyo u ah ayuu sameeyey markuu sanamyo raacay oo uu u wada sameeyey siday sameeyeen reer Amor kii Rabbigu ka tuuray dadka Israa'iil hortooda.) 27 Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday. 28 Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi, 29 War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.
Waano
4 Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan. 2 Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin. 3 Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan, 4 in midkiin kastaaba garto siduu weelkiisa ugu hayn lahaa quduusnaan iyo maamuus, 5 mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin; 6 inaan ninna xadgudbin oo walaalkiis xaalkan ku xumayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa mid ka aarguda waxyaalahan oo dhan sidaannu mar hore idiinku dignay oo idiinku sii sheegnay. 7 Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan. 8 Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.
9 Laakiinse xagga jacaylka walaalaha loo qabo uma aad baahnidin in wax laydiin soo qoro, maxaa yeelay, idinka qudhiinnaba Ilaah baa idin baray in midkiinba midka kale jeclaado. 10 Waayo, sidaasaad jeceshihiin kulli walaalaha jooga Makedoniya oo dhan. Laakiin waxaannu idinku waaninaynaa, walaalayaalow, inaad intaas aad uga sii badisaan, 11 oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay; 12 inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.
Imaatinka Rabbiga
13 Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn. 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga. 15 Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay. 16 Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, 17 dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa. 18 Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.
Ekaanta Muuqaalka Dabka Iyo Ololka Foornada
3 Boqor Nebukadnesar wuxuu sameeyey ekaan dahab ah, oo jooggeedu lixdan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna lix dhudhun yahay, oo wuxuu qotomiyey bannaankii Duuraa oo ku yaal gobolka Baabuloon. 2 Markaasaa Boqor Nebukadnesar wuxuu cid u diray amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumay oo dhan, inay u yimaadaan furitaanka ekaanta uu Boqor Nebukadnesar qotomiyey. 3 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumi jiray oo dhammu u wada yimaadeen furitaankii ekaantii Boqor Nebukadnesar qotomiyey, oo waxay hor istaageen ekaantii uu Nebukadnesar qotomiyey. 4 Markaasaa naadiye aad u dhawaaqay, oo yidhi, Dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahow, waxaa laydinku amray, 5 in markii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo u sujuuddaan ekaanta dahabka ah oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey, 6 oo mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, isla saacaddiiba waxaa lagu dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. 7 Haddaba markii dadkii oo dhammu maqleen codkii buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah ayaa dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu hoos u dhaceen oo u sujuudeen ekaantii dahabka ahayd oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey. 8 Haddaba wakhtigaas kuwo reer Kaldayiin ah ayaa soo dhowaaday oo Yuhuuddii dacweeyey. 9 Oo intay u jawaabeen bay ku yidhaahdeen Boqor Nebukadnesar, Boqorow, weligaaba noolow. 10 Boqorow, amar baad ku bixisay in nin kastaaba markuu maqlo codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, uu hoos u dhaco oo u sujuudo ekaanta dahabka ah, 11 iyo in mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, lagu dhex tuuri doono foorno dab ah oo ololaysa. 12 Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 13 Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii. 14 Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey? 15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa? 16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan. 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow. 18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray. 20 Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa. 21 Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 22 Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. 23 Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 24 Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow. 25 Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada. 26 Markaasaa Nebukadnesar wuxuu ag yimid foornadii dabka ahayd oo ololaysay afkeedii, oo intuu hadlay buu yidhi, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ilaaha ugu Sarreeya addoommadiisow, soo baxa, oo halkan kaalaya. Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo dabkii ka soo dhex bexeen. 27 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin. 28 Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane. 29 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa. 30 Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.
Kitaabka Shanaad
Sabuurrada 107-150
107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
4 Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah,
Mana ay helin magaalo ay degaan.
5 Way gaajoodeen, wayna harraadeen,
Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
6 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
7 Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan,
Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
8 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
9 Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa,
Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah,
Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
12 Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey,
Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
14 Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
15 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
16 Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey,
Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
17 Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis,
Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
18 Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta,
Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
19 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
20 Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga,
Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
21 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
22 Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen,
Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara,
Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa,
Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka,
Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka,
Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan,
Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka,
Si ay hirarkiisu u xasillaan.
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin,
Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa,
Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
33 Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo,
Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
34 Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh,
Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.
35 Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah,
Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
36 Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa,
Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,
37 Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan,
Oo ay u helaan midho tiro badan.
38 Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan,
Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
39 Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan
Dulmi iyo dhib iyo murug.
40 Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho,
Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
41 Oo weliba kan baahanna dhibaatada ayuu ka sara mariyaa,
Oo wuxuu u yeelaa qolooyin ah sidii adhi oo kale.
42 Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan,
Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.
43 Ku alla kii caqli lahu wuu dhawri doonaa waxyaalahan,
Oo iyana way ka fiirsan doonaan Rabbiga naxariistiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya