Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Kowaad 8

Sanduuqii Axdiga Oo Macbudka La Keenay

Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd. Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo. Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen. Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan. Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin. Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda. Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba. Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan. Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane. 10 Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga, 11 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed; waayo, Rabbiga ammaantiisii ayaa ka buuxsantay gurigii Rabbiga.

12 Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso. 13 Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso. 14 Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen. 15 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh, 16 Tan iyo maalintii aan dadkayga reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, laakiinse Daa'uud baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo. 17 Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 18 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd. 19 Habase yeeshee adigu guri ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona. 20 Oo Rabbigu wuu adkeeyey eraygiisii uu ku hadlay; waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday; oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa. 21 Oo halkaasna meel baan uga sameeyey sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu awowayaasheen la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar.

Ducadii Sulaymaan

22 Markaasaa Sulaymaan hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, oo intuu gacmihiisii xagga samada u kala bixiyey, 23 ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan. 24 Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay. 25 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale. 26 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo. 27 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa! 28 Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo, 29 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacaygu halkaasuu ku jiri doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo. 30 Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi. 31 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal, 32 de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay. 33 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan, 34 de markaas samada ka maqal oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad awowayaashood siisay. 35 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas aawadeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid, 36 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay. 37 Oo hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadowgoodu ku hareereeyo dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee, 38 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa, 39 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo yeel, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira;) 40 inay kaa cabsadaan cimrigooda oo dhan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay. 41 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, 42 (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa, 43 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho. 44 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 45 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel. 46 Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee; 47 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 48 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 49 markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel; 50 oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan, 51 maxaa yeelay, iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad ka soo bixisay dalkii Masar iyo foornadii birta dhexdeeda; 52 oo dhegahaagu ha maqleen baryootanka addoonkaaga iyo baryootanka dadkaaga reer binu Israa'iil si aad u maqashid mar alla markay kuu qayshadaanba, 53 waayo, Sayidow, Rabbiyow, iyagaad uga soocatay dadkii dunida oo dhan inay ahaadaan dhaxalkaagii, siduu ahaa eraygaagii aad u soo dhiibtay addoonkaagii Muuse, markaad awowayaashayo ka soo bixisay dalkii Masar.

54 Oo markii Sulaymaan dhammeeyey tukashadan iyo baryootankan uu Rabbiga baryay oo dhan ayuu ka kacay meeshii Rabbiga allabariga loogu bixin jiray horteeda iyo jilbajooggii uu jilbo joogay isagoo gacmaha xagga samada u fidinaya. 55 Markaasuu istaagay oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ugu duceeyey, oo yidhi, 56 Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse. 57 Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin; 58 si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray. 59 Oo erayadaydan aan Rabbiga hortiisa ku baryay, habeen iyo maalinba ha gaadheen Rabbiga Ilaaheenna ah, si uu u yeelo dacwaddayda anoo addoonkiisa ah iyo dacwadda dadkiisa reer binu Israa'iil, sida maalin walba laga doonayo, 60 si ay dadka dunida jooga oo dhammu u ogaadaan in Rabbigu Ilaah yahay oo aan mid kale jirin. 61 Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.

Macbudkii Oo Gooni Laga Dhigay

62 Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey. 63 Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga. 64 Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada. 65 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri. 66 Oo maalintii siddeedaad ayuu dadkii diray, oo iyana intay boqorkii u duceeyeen ayay teendhooyinkoodii tageen iyagoo faraxsan oo qalbigoodu kaga rayraynaya wanaaggii oo dhan oo uu Rabbigu u sameeyey addoonkiisii Daa'uud iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

Efesos 5

Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay. Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon. Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo, iyo ceeb, iyo hadal nacasnimo ah, iyo kaftan bilaash ah, oo aan idinku habboonayn, laakiinse waxaa idinku wacan mahadnaqid. Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah. Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada. Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur, haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka, waayo, midhaha nuurku waxay ku wada jiraan wanaag iyo xaqnimo iyo run oo dhan. 10 Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo, 11 oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa; 12 waayo, waxay qarsoodiga ku sameeyaan waa ceeb xataa in laga hadlo. 13 Laakiinse wax kastaba markii la kashifo ayaa lagu muujiyaa nuurka; waayo, wax alla wixii la muujiyaaba waa nuur. 14 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Kaaga hurdow toos, oo kuwii dhintay ka kac, oo Masiixuna waa ku iftiimin doonaa.

15 Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh. 16 Wakhtiga ka faa'iidaysta, maxaa yeelay, maalmuhu shar bay leeyihiin. 17 Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay. 18 Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo. 19 Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya. 20 Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix. 21 Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.

Nolosha Masiixiyiinta Iyo Xaasaskooda(A)

22 Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan. 23 Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka. 24 Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba. 25 Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed, 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn. 28 Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa; 29 maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda; 30 waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa. 31 Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh. 32 Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda. 33 Habase yeeshee idinka midkiin waluba afadiisa ha u jeclaado sida naftiisa oo kale, oo afaduna ninkeeda ha maamuusto.

Yexesqeel 38

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Juuj

38 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye. Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita, iyagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita, iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira. Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo. Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan. Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba. 10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah, 11 oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo, 12 inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan. 13 Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

14 Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid? 15 Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh. 16 Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya. 17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono? 18 Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 19 Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn, 20 oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa. 21 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis. 22 Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud. 23 Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Sabuurradii 89

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.

89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga,
Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa?
Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah,
Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow?
Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
Adigaa u taliya badda kibirkeeda,
Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
10 Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay,
Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
11 Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh,
Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray,
Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
13 Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn,
Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad,
Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh,
Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga,
Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda,
Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga,
Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho,
Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan,
Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa,
Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa,
Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono,
Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa,
Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan,
Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda,
Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga,
Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda,
Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara,
Carshigiisana sida wakhtiga samada.
30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan,
Oo aanay ku socon xukummadayda,
31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan,
Oo aanay amarradayda dhawrin,
32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul,
Xumaantoodana jeedal.
33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono,
Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
34 Axdigayga ma jebin doono,
Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda,
Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa,
Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa,
Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
38 Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday,
Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
39 Axdigii addoonkaaga waad nacday,
Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
40 Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay,
Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan,
Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
42 Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay,
Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
43 Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa,
Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
44 Iftiinkiisii waad demisay,
Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.
45 Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay,
Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb. (Selaah)
46 Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?
47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay,
Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin,
Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)
49 Sayidow, meeday naxariistaadii hore,
Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?
50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada,
Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,
51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen,
Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
52 Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba.
Aamiin, iyo aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya