Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Samuu'eel Labaad 18

Dhimashadii Absaaloom

18 Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya. Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa. Laakiinse dadkii waxay yidhaahdeen, Waa inaanad bixin, waayo, annagu haddaannu cararno dan nagama ay lahaan doonaan; oo xataa haddii nuskayo dhintona dan nagama ay lahaan doonaan; laakiinse adigu waad ka qiimo weyn tahay toban kun oo naga mid ah; sidaas daraaddeed haatan waxaa wanaagsan inaad adoo diyaar ah iska joogtid oo aad xagga magaalada naga caawidid. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun. Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan. Saas daraaddeed dadkii dibadday u baxeen oo waxay reer binu Israa'iil kaga hor tageen duurka, oo dagaalkiina wuxuu ka dhacay kayntii reer Efrayim. Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin. Oo dagaalkiina wuxuu ku faafay waddankii oo dhan, oo maalintaas waxaa kayntii cuntay dad ka sii badan intii seeftu cuntay. Absaaloomna si kedis ah ayuu uga hor yimid addoommadii Daa'uud. Absaaloomna baqashiisii ayuu fuushanaa, oo baqashiisii waxay hoos martay geed weyn laamihiis, kolkaasaa geedkii madaxiisii qabsaday, oo wuxuu ka lalmaday meel cirka iyo dhulka u dhaxaysa; oo baqashii ku hoos jirtayna way iska socotay. 10 Markaasaa nin arkay, oo Yoo'aab u soo sheegay, oo wuxuu ku yidhi, War, waxaan soo arkay Absaaloom oo geed ka lalmada. 11 Yoo'aabna wuxuu ninkii u soo warramay ku yidhi, Oo haddaad aragtay maxaad isaga halkaas ugu dili weyday? Oo anna waxaan ku siin lahaa toban gogo' oo lacag ah iyo dhex-xidh. 12 Markaasaa ninkii Yoo'aab ku yidhi, In kastoo aan heli lahaa kun gogo' oo lacag ah, weliba ma aanan yeeleen inaan gacantayda wiilka boqorka u qaado, waayo, annagoo maqlayna ayaa boqorku idinku amray, adiga iyo Abiishay iyo Itay, oo idinku yidhi, Iska jira oo yaan ninna taaban ninka dhallinyarada ah ee Absaaloom ah. 13 Ama haddaan saas samayn lahaa naftaydaan been kula macaamiloon lahaa, waayo, boqorka waxba kama qarsoona, adiga qudhaaduna waad igu kici lahayd. 14 Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira. 15 Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen. 16 Markaasaa Yoo'aab buunkii afuufay, oo dadkiina waxay ka soo noqdeen eryadkii ay reer binu Israa'iil eryanayeen, waayo, Yoo'aab baa u diiday. 17 Oo Absaaloom bay qaadeen oo ku tuureen yamays dheer oo kaynta ku dhex yiil, oo waxay dusha kaga tuuleen dhagaxyo faro badan, oo reer binu Israa'iilna dhammaantood mid waluba teendhadiisii buu ku cararay. 18 Oo Absaaloomna intuu noolaa ayuu yidhi, Wiil magacayga lagu soo xusuusto ma aan lihi. Sidaas daraaddeed wuxuu qaaday tiir oo dhex qotomiyey dooxadii boqorka; oo tiirkiina wuxuu ku magacaabay magiciisii, oo ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa taalladii Absaaloom.

Daa'uud Oo Baroortay

19 Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii. 20 Kolkaasaa Yoo'aab wuxuu ku yidhi, Adigu maanta ahaan maysid kan warka qaadaya, laakiinse maalin kalaad qaadi doontaa, illowse adigu maanta waxba war qaadi maysid, maxaa yeelay, boqorka wiilkiisii baa dhintay. 21 Markaasaa Yoo'aab wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Tag oo boqorkii u sheeg wixii aad aragtay. Oo kii reer Kuushna intuu Yoo'aab u sujuuday ayuu orday. 22 Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq ayaa mar kale Yoo'aab ku yidhi, Wax kastaba ha dhaceene, waan ku baryayaaye, i daa aan kii reer Kuush ka daba ordee. Oo Yoo'aabna wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, adigoon waxba ku helayn warkan, bal maxaad u ordaysaa? 23 Wuxuuse yidhi, Wax kastaa ha dhacee, waan ordayaa. Kolkaasuu ku yidhi, Orod. Markaasaa Axiimacas wuxuu qaaday waddadii Bannaanka, oo kii reer Kuushna wuu ka dheereeyey.

24 Oo Daa'uudna wuxuu fadhiyey labada irdood dhexdooda, waardiyihiina wuxuu fuulay iridda saqafkeeda ilaa derbigii, markaasuu wax fiiriyey, oo arkay nin keligiis soo ordaya. 25 Kolkaasaa waardiyihii dhawaaqay, oo boqorkii buu u sheegay. Boqorkiina wuxuu yidhi, Hadduu keligiis yahay, war buu sidaa. Oo isna wuu soo orday, wuuna soo dhowaaday. 26 Markaasaa waardiyihii arkay nin kale oo soo ordaya; kolkaasaa waardiyihii u dhawaaqay iridjoogihii oo ku yidhi, Bal eeg, nin kalaa keligiis soo ordaya. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Isna war buu sidaa. 27 Markaasaa waardiyihii wuxuu yidhi, Waxaan u malaynayaa inuu ninka hore orodkiisu u eg yahay orodkii Axiimacas ina Saadooq. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Isagu waa nin wanaagsan, wuxuu soo wadaa war wanaagsan. 28 Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow. 29 Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan. 30 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay. 31 Markaasaa kii reer Kuush yimid, oo yidhi, War baan kuu wadaa, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu maantuu kaaga soo aarguday kuwii kugu kacay oo dhan. 32 Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay. 33 Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

2 Korintos 11

Waxyaalo Uu Bawlos Xaq U Lahaa Rasuulnimadiisii Aawadeed

11 Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan. Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah. Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale. Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan. Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn. Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa. Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan? Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego. Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa. 10 Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya. 11 Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan. 12 Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.

13 Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.

Bawlos Oo Ku Dhibaatooday Rasuulnimadiisii

16 Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano. 17 Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa. 18 Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa. 19 Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh. 20 Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo. 21 Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabardaran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay, aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa). 22 Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer binu Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay. 23 Iyagu ma Masiix bay u adeegaan? Si ka sii badan ayaan ugu adeegaa. Sidii qof waalan ayaan u hadlayaa. Waan ka hawlo badnaa, waanan ka xabsi badnaa, karbaashyo tirola'aan ahna waa laygu dhuftay, marar badanna dhimashaan ku dhowaaday. 24 Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'. 25 Saddex goorna ulaa laygu dhuftay, marna waa lay dhagxiyey, saddex goor doonni baa ila jabtay, habeen iyo maalinna waxaan ku jiray badda. 26 Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay. 27 Waxaanna ku jiray dhib iyo daal, marar badanna hurdola'aan iyo gaajo iyo harraad, marar badanna cuntola'aan iyo qabow iyo arrad. 28 Waxyaalahaas dibadda ahna waxaa ii dheeraad ah waxaa maalin walba i dhiba ee ah kawelwelidda kiniisadaha oo dhan. 29 Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban? 30 Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda. 31 Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin. 32 Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto. 33 Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.

Yexesqeel 25

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Reer Cammoon

25 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg, oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen, sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan. Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya, oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Moo'aab

Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin. Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim, 10 oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan, 11 oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Reer Edom

12 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay, 13 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa. 14 Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Reer Falastiin

15 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan, 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa. 17 Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Sabuurradii 73

Kitaabka Saddexaad

Sabuurrada 73-89

Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.

73 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil,
Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay,
Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn,
Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
Waayo, geeridoodu xanuun ma leh,
Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale,
Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan,
Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin,
Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan,
Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka,
Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan,
Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan?
Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh,
Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay,
Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay,
Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa,
Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado,
Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah,
Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah,
Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah!
Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay
Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
21 Waayo, qalbigaygu wuu murugooday,
Oo waxaa layga muday kelyaha,
22 Waxaan ahaa doqon iyo jaahil,
Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa,
Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada,
Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane?
Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen,
Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan,
Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado,
Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga,
Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya