M’Cheyne Bible Reading Plan
Aakiish Oo Daa'uud Ku Celiyey Siiqlag
29 Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel. 2 Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen. 3 Markaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan? 4 Laakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda? 5 Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh,
Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii,
Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
6 Markaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha. 7 Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne. 8 Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow? 9 Markaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo. 10 Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga. 11 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba aroor hore keceen, si ay subaxdii u tagaan, oo ay ugu noqdaan dalkii reer Falastiin. Oo kuwii reer Falastiinna kor bay ugu sii baxeen xagga Yesreceel.
Daa'uud Oo Laayay Reer Camaaleq
30 Oo maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen; 2 oo waxay la tageen dumarkii iyo kuwii magaalada ku jiray oo dhan yar iyo weynba. Waxba kama ay layn, laakiinse way la tageen oo iska baxeen. 3 Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan. 4 Markaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan. 5 Oo Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah. 6 Oo Daa'uudna aad buu u dhibtooday, waayo, dadku waxay ku wada hadleen inay dhagxiyaan, maxaa yeelay, dadkii wuxuu u wada calool xumaaday nin waluba wiilashiisii iyo gabdhihiisii, laakiinse Daa'uud wuxuu isku sii dhiirriyey Rabbiga Ilaahiisa ah.
7 Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay. 8 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa. 9 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen. 10 Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor. 11 Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen. 12 Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday. 14 Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay. 15 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa. 16 Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba. 17 Oo Daa'uudna wuxuu laynayay iyagii fiidkii ilaa fiidkiisii kale, oo nin iyagii ahuna ma baxsan, afar boqol oo dhallinyaro ah oo intay awr fuuleen ku carartay mooyaane. 18 Oo Daa'uudna wuu soo wada dhiciyey waxay reer Camaaleq la tageen oo dhan; oo labadiisii naagoodna Daa'uud waa soo badbaadiyey. 19 Oo waxba kama maqnayn iyagii, wax yar iyo wax weyn toona, ama wiilal iyo gabdho toona, ama booli iyo wixii ay la tageen oo dhan toona; oo Daa'uudna wuu soo wada celiyey kulligood. 20 Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud. 21 Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey. 22 Markaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen. 23 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray. 24 Haddaba bal yaa waxaa idinka maqlaya? Ka dagaalka u baxaa siduu qayb u helo ayuu ka alaabta ku hadhaana qayb u helayaa; isku si waa inay u qaybsadaan. 25 Maalintaas intay ka bilaabanto ilaa maantadan la joogo, wuxuu taas uga dhigay reer binu Israa'iil, qaynuun iyo amar.
26 Oo Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay, 27 oo wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay, 28 iyo kuwii Carooceer joogay, iyo kuwii Sifmood joogay, iyo kuwii Eshtemooca joogay, 29 iyo kuwii Raakaal joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Yeraxme'eel joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Qeyn joogay, 30 iyo kuwii Xormaah joogay, iyo kuwii Koor Caashaan joogay, iyo kuwii Cataag joogay, 31 iyo kuwii Xebroon joogay, oo xataa wuu u wada diray kuwii joogay meelihii Daa'uud iyo raggiisu ku noqnoqon jireen oo dhan.
Digniin Laga Garto Taariikhda Reer Binu Israa'iil
10 Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen, 2 iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba, 3 iyo siday dhammaantood u wada cuneen isku cunto ruuxa ah, 4 oo dhammaantoodna ay u wada cabbeen isku cabbid ruuxa ah, waayo, waxay ka cabbeen dhagaxa ruuxa ah oo ka daba imanayay iyaga, dhagaxuna wuxuu ahaa Masiixa. 5 Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada. 6 Waxyaalahaasi waxay inoo noqdeen masaallo si aynaan waxyaalaha sharka ah u damcin siday iyagu u damceen. 7 Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan. 8 Oo yeynan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen. 9 Oo yeynan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabbi'iyeen. 10 Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey. 11 Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay. 12 Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin. 13 Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.
Sanamcaabudidda Waa In Laga Cararo
14 Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara. 15 Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay. 16 Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn islawadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn islawadaagidda jidhka Masiix? 17 Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha. 18 Eega reer binu Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga? 19 Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah? 20 Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan. 21 Iskuma wada cabbi kartaan koobka Rabbiga iyo koobka jinniyada. Kama wada qayb geli kartaan miiska Rabbiga iyo miiska jinniyada. 22 Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?
23 Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan. 24 Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon. 25 Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 26 Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba. 27 Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 28 Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed. 29 Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis? 30 Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo? 31 Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa. 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.
Sanam Yaal Macbudka
8 Oo sannaddii lixaad, bisheedii lixaad, maalinteedii shanaad intii aan gurigaygii dhex fadhiyeyey, oo ay odayaashii dalka Yahuudah i hor fadhiyeyeen ayaa gacantii Sayidka Rabbiga ahu igu soo kor degtay. 2 Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa. 3 Oo isna wax gacan u eg buu igu soo taagay, oo wuxuu igu dhegay timahayga, oo ruuxii ayaa dhulka iyo samada dhexdooda kor iigu qaaday, oo waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu iigu keenay Yeruusaalem, iyo iridda gudaha ku taal albaabkeeda xagga woqooyi u sii jeeda, oo halkaas waxaa yiil kursigii sanamkii hinaasada, kaasoo hinaasada kiciya. 4 Oo bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale. 5 Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan. 6 Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn. 7 Oo haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal. 8 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haddana derbiga qod, oo markaan derbigii qoday waxaan arkay albaab. 9 Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan. 10 Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan. 11 Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa. 12 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey. 13 Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 14 Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya. 15 Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 16 Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta. 17 Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen. 18 Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waa gabay lagu luuqeeyo Calaamood
46 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna,
Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo,
Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan,
Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah,
Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
5 Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto,
Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen,
Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
7 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
8 Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga,
Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa,
Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa,
Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay,
Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5 Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya