Historical
Baryadii Daanyeel
9 Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin, 2 sannaddii kowaad oo boqornimadiisa ayaan anigoo Daanyeel ahu kitaabbadii ka gartay intay ahaayeen sannadihii Ilaah kala hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa wakhtiga la dhammaystirayo baabbi'inta wax la baabbi'inayo Yeruusaalem, waxayna ahaayeen toddobaatan sannadood. 3 Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya. 4 Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra; 5 waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii, 6 oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan. 7 Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis. 8 Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay. 9 Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay; 10 mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa. 11 Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay. 12 Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale. 13 Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno. 14 Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii. 15 Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay. 16 Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan. 17 Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay. 18 Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa. 19 Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
Toddobaatan Toddobaad
20 Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay, 21 intii aan ducaysanayay ayaa ninkii Jibriil ahaa, oo aan markii hore riyada ku arkay, degdeg iigu soo duulay, wakhtigii qurbaankii fiidkii la bixiyey, oo i taabtay. 22 Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan. 23 Markaad baryootankaagii bilowday ayaa amarku soo baxay, oo waxaan u imid inaan kuu sheego; waayo, aad baa laguu jecel yahay, haddaba sidaas daraaddeed xaalka ka fiirso, oo riyada garo. 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan. 25 Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi. 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay. 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
Daanyeel Oo Ku Riyooday Wax Qof U Eg
10 Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay. 2 Waayahaas anigan Daanyeel ahu saddex toddobaad oo dhan ayaan barooranayay. 3 Cunto wanaagsan ma aan cunin, hilib iyo khamrina afkayga ma gelin, mana subkan marnaba ilaa ay saddexdii toddobaad dhammaadeen. 4 Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo labaatanaad, anoo taagan webiga weyn oo Xiddeqel ah agtiisa, 5 ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay; 6 jidhkiisuna wuxuu u ekaa berullos, wejigiisuna wuxuu u ekaa hillaac, indhihiisuna waxay u ekaayeen laambado dab ah, gacmihiisa iyo cagihiisuna waxay midabka uga ekaayeen naxaas la safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa dad faro badan buuqood. 7 Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan. 8 Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay. 9 Oo codkiisiina waan maqlay, oo markaan maqlay codkiisii ayaan hurdo culus wejiga ula dhacay, wejigana dhulkaan saaray. 10 Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay. 11 Oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, ninka aad loo jecelyahayow, bal garo erayada aan kugula hadlayo, oo istaag, waayo, hadda adaa lay soo kaa diray, oo markuu hadalkaas igula hadlay ayaan istaagay anigoo gariiraya. 12 Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood. 13 Laakiinse boqortooyada Faaris amiirkeedii ayaa kow iyo labaatan maalmood iga hor joogsaday, laakiinse Mikaa'iil, oo ah amiirrada sare midkood, ayaa ii yimid inuu i caawiyo, oo halkaasaan kula hadhay boqorradii reer Faaris. 14 Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay. 15 Oo markuu igula hadlay erayada sidan ah ayaan xagga dhulka u jeestay, waanan hadli kari waayay. 16 Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay. 17 Anoo addoonkaaga ahu sidee baan kuula hadli karaa, sayidkaygiiyow? Imminka aniga xoog iguma hadhin, neefuna iguma jirto. 18 Markaasaa haddana waxaa i taabtay mid binu-aadmiga u eg, wuuna i xoogeeyey. 19 Markaasuu igu yidhi, Ninkii aad loo jeclaayow, ha cabsan, nabadu ha kuu ahaato, xoog yeelo, oo xoog yeelo. Oo markuu ila hadlay ayaan xoogaystay, oo waxaan idhi, Sayidkaygiiyow, hadal, waayo, waad i xoogaysay. 20 Markaasuu igu yidhi, Haddaba ma og tahay waxa aan kuugu imid wuxuu yahay? Oo hadda waxaan u noqonayaa inaan la diriro amiirka reer Faaris, oo markaan tago waxaa iman doona amiirkii dalka Gariigta. 21 Laakiinse waxaan kuu sheegayaa waxa lagu qoray qorniinka runta; mana jiro mid aniga kuwaas iga celiyaa, amiirkiinna Mikaa'iil mooyaane.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya