Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Read the Gospels in 40 Days

Read through the four Gospels--Matthew, Mark, Luke, and John--in 40 days.
Duration: 40 days
Somali Bible (SOM)
Version
Markos 15-16

Ciise Oo Hor Taagan Bilaatos Oo Ahaa Taliyaha Reer Rooma(A)

15 Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos. Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi. Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen. Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan. Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.

Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen. Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday. Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray. Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda? 10 Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen. 11 Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga. 12 Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda? 13 Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob. 14 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob. 15 Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

Askartii Baa Ciise Ku Majaajilootay(B)

16 Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray [a]Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan. 17 Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen. 18 Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 19 Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. 20 Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

Ciise Waa Lagu Qodbay Iskutallaabta(C)

21 Waxaa ag marayay nin beeraha ka yimid, oo reer Kuranaya ah, oo Simoon la odhan jiray, oo ahaa aabbihii Aleksanderos iyo Rufus, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado. 22 Oo waxay u soo wadeen meel Golgota la odhan jiray, taasoo micneheedu yahay meeshii dhakada. 23 Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan. 24 Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa. 25 Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen. 26 Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA. 27 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa. 28 Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. 29 Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, 30 isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg. 31 Sidaas oo kalena ayaa wadaaddada sare dhexdooda ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmadaba, oo waxay yidhaahdeen, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. 32 Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.

Ciise Waa Dhintay(D)

33 Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad. 34 Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? 35 Kuwa ag taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen yidhi, Eeg, wuxuu u yeedhayaa Eliyaas. 36 Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo. 37 Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey. 38 Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay. 39 Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah. 40 Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome, 41 oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.

Ciise Waa La Aasay(E)

42 Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay, 43 waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. 44 Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay? 45 Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey. 46 Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn. 47 Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(F)

16 Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga. Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday. Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya? Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa. Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen. Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay. Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi. Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.

Ciise Baa Dad Kale U Muuqday(G)

Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray. 10 Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya. 11 Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.

12 Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya. 13 Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.

14 Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed. 15 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya. 16 Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa. 17 Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan, 18 abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.

Ciise Kor Buu U Baxay(H)

19 Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.

20 Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya