Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Read the Gospels in 40 Days

Read through the four Gospels--Matthew, Mark, Luke, and John--in 40 days.
Duration: 40 days
Somali Bible (SOM)
Version
Luukos 13-14

Toobadkeen Baa Lagu Waaniyey

13 Wakhtigaas qudhiisa waxaa joogay qaar wax uga sheegay dadka reer Galili oo Bilaatos dhiiggooda ku daray allabarigooda. Kolkaasaa Ciise u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Ma waxay idinla tahay in kuwii reer Galili ahaa ay ka dembi badnaayeen kuwii kale oo reer Galili oo dhan waxyaalahaas ay ku silceen aawadood? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan. Ama siddeed iyo tobankii oo munaaradda Siloo'am ay ku soo dhacday oo ay dishay, ma waxay idinla tahay, inay ka gef badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.

Masaalka Ku Saabsan Geedkii Berdaha Ahaa Oo Aan Waxba Dhalin

Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin. Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa? Markaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, sannaddanna daa ilaa aan hareerihiisa qodqodo oo aan digeeyo. Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.

Maalin Sabti Ah Naag Baa La Bogsiiyey

10 Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay. 11 Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso. 12 Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay. 13 Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay. 14 Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah. 15 Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo? 16 Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas? 17 Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay.

18 Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?

Masaalka Ku Saabsan Iniin Khardal Ah Iyo Masaalka Ku Saabsan Khamiir(A)

19 Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbirraha cirkuna laamaheeday ku degeen. 20 Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa? 21 Waxay u eg tahay khamiir naag intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.

Iridda Cidhiidhiga Ah Ee Nolosha Laga Galo(B)

22 Oo wuxuu dhex marayay magaalooyin iyo tuulooyin isagoo wax baraya, Yeruusaalemna ayuu ku socday. 23 Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow, ma yar yihiin kuwa badbaadayaa? 24 Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan. 25 Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen. 26 Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay. 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya. 28 Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray. 29 Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah. 30 Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.

Herodos Cadownimadiisii

31 Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa. 33 Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.

Ciise Waa U Ooyay Yeruusaalem(C)

34 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 35 Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

Ninkii Uurweynaadka Qabay Ayaa Sabti La Bogsiiyey

14 Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen. Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba. Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya? Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay. Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin? Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.

Is-hoosaysiinta Iyo Marti-soo-dhowaynta

Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho, oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato. 10 Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda. 11 Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

12 Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa. 13 Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha, 14 oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

Masaalka Ku Saabsan Iidda Weyn

15 Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah. 16 Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay, 17 oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar. 18 Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 19 Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 20 Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo. 21 Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada. 22 Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan. 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo. 24 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

Xernimada Micneheeda

25 Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo. 27 Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo. 28 Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale? 29 Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan, 30 iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay. 31 Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya? 32 Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo. 33 Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo. 34 Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? 35 Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya