Daily Reading for Personal Growth, 40 Days with God
8 Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin. 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay. 10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan. 11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya