Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Daily Reading for Personal Growth, 40 Days with God

40 daily Scripture readings that illustrate the character of God and the nature of faith.
Duration: 40 days
Somali Bible (SOM)
Version
Efesos 2:4-10

Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn, oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen. Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix, si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix. Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin. 10 Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya