Daily Reading for Personal Growth, 40 Days with God
WARQADDII
YACQUUB
Rumaysadka Iyo Is-hoosaysiinta
1 Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
2 Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada, 3 idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento. 4 Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.
5 Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye. 6 Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. 7 Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono. 8 Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
9 Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa, 10 kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska. 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
Waa In Jirrabaadda Loo Adkaysto
12 Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya