Chronological
Daahirkii Xerada
5 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay. 3 Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay. 4 Oo reer binu Israa'iilna sidaasay yeeleen, oo iyagii xerada dibaddeeday geeyeen, oo sidii Rabbigu Muuse kula hadlay ayaa reer binu Israa'iil yeeleen.
Magdhawgii Xadgudubka
5 Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 6 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato, 7 markaas waa inay qirtaan dembigoodii ay sameeyeen. Oo wixii uu ku xadgudbay waa inuu dhammaan u magdhabaa, oo weliba ku sii daraa shan meelood meesheed, oo siiyaa kii uu ku xadgudbay. 8 Laakiinse ninku hadduusan lahayn xigto xadgudubkii mag laga siiyo, markaas magta xadgudubka ee Rabbiga loo bixiyo waxaa lahaan doona wadaadka; oo weliba waxaa wehliya wanka kafaaraggudka oo isaga aawadiis loogu kafaaro gudo. 9 Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa. 10 Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.
Imtixaamiddii Naagta Aan Aamminka Ahayn
11 Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 12 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto, 13 oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii, 14 oo markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin, 15 markaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto. 16 Markaas wadaadku waa inuu iyada soo dhoweeyaa oo Rabbiga hortiisa keenaa. 17 Oo markaas wadaadku waa inuu biyo quduus ah weel dhoobo ah ku qaadaa, oo ciidda taambuugga dhulkiisa taalna waa in wadaadku qaadaa oo biyaha ku shubaa, 18 oo markaas waa in wadaadku naagta keenaa Rabbiga hortiisa, oo naagta timaheeduna ha furfurnaadaan, oo qurbaankii xusuuseedna gacmaheeda ha ku rido, kaasoo ah qurbaankii masayrka. Wadaadkuna gacanta ha ku haysto biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo. 19 Oo markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo, 20 laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane, 21 markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar, 22 oo biyahan habaarka kiciyaa way ku geli doonaan, oo calooshaaday bararin doonaan, bowdadaadana way hilib beelin doonaan. Oo naagtuna waa inay tidhaahdaa, Aamiin, Aamiin. 23 Oo wadaadkiina waa inuu habaarradaas buug ku qoraa, oo uu biyaha qadhaadhka ah ku baabbi'iyaa. 24 Oo waa inuu naagta cabsiiyaa biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciya, oo biyaha habaarka kiciyaa ayaa iyada geli doona oo qadhaadh bay noqon doonaan. 25 Oo markaas wadaadku waa inuu qurbaankii masayrka naagta gacanteeda ka qaadaa oo Rabbiga hortiisa ku ruxruxaa, oo markaas waa inuu meesha allabariga keenaa. 26 Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa cantoobo muggeed oo qurbaanka xusuuseed ah, oo waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, oo haddana naagta biyaha cabsiiyaa. 27 Oo markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar. 28 Laakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa. 29 Kanu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo, 30 ama haddii masayr ku soo dego nin, oo uu naagtiisa ka masayro, de markaas waa inuu naagta Rabbiga hor keenaa, oo wadaadku waa inuu iyada sharcigaas oo dhan ku oofiyaa. 31 Oo markaas ninku dembi xor buu ka ahaanayaa, oo naagtaasuna dembigeeda way qaadan doontaa.
Dhawristii Nidirka Khaaska Ah
6 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu galo nidar khaas ah, kaasoo ah nidarka Nadiirka, inuu Rabbiga gooni isugu sooco, 3 waa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona. 4 Maalmaha isa-soociddiisa oo dhan waa inuusan cunin innaba wax laga sameeyey canab tan iyo inta hoose iyo diirka sare. 5 Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa. 6 Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan. 7 Oo waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis ama hooyadiis ama walaalkiis ama walaashiis markay dhintaan; waayo, waxaa isaga saaran soociddii uu Ilaah isu soocay. 8 Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga. 9 Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa. 10 Oo maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka. 11 Oo markaas wadaadku waa inuu mid u bixiyaa qurbaan dembi, midka kalena qurbaan la gubo, oo waa inuu isaga u kafaaro gudaa, waayo, wuu ku dembaabay meyd, oo isla maalintaas waa inuu madaxiisa quduus ka dhigaa. 12 Oo waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday.
13 Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka, 14 oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa, 15 iyo dambiil ah kibis aan khamiir lahayn taasoo ah moofo ah bur saliid lagu daray iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah. 16 Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo. 17 Oo waa inuu Rabbiga allabari ah qurbaanno nabaadiino ugu bixiyaa wanka iyo dambiisha kibista aan khamiirka lahayn. Oo weliba wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah. 18 Oo Nadiirku waa inuu madaxii isa-soociddiisa ku xiiraa iridda teendhada shirka agteeda oo markaas waa inuu qaadaa timihii madaxii isa-soociddiisa, oo waa inuu ku shubaa dabka ka hooseeya allabariga qurbaannada nabaadiinada ah. 19 Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa wanka garabkiisa karsan, oo dambiishana ha ka soo bixiyo xabbad moofo ah oo aan khamiir lahayn iyo xabbad canjeero ah oo aan khamiir lahayn, oo iyaga ha saaro gacanta Nadiirka markuu madaxii isa-soociddiisa xiiro dabadeed. 20 Oo wadaadku waa inuu ruxruxaa iyaga inay ahaadaan qurbaan lagu ruxruxo Rabbiga hortiisa. Intaasu waa u quduus wadaadka oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaadona way raacaan, oo markaas dabadeed Nadiirku khamri wuu cabbi karaa. 21 Kaasu waa sharciga Nadiirkii nidar gala, iyo qurbaankiisa uu Rabbiga ugu bixiyo isa-soociddiisa, iyo weliba wixii uu isagu heli karo; oo isagu siduu nidarkiisa u nidray waa inuu u sameeyaa, sidii sharciga isa-soociddiisa.
Ducadii Wadaaddada
22 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 23 Haaruun iyo wiilashiisa la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaad sidan reer binu Israa'iil ugu ducaysaan, oo waxaad midkood kasta ku tidhaahdaan,
24 Rabbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro.
25 Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.
26 Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.
27 Oo sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya