Chronological
Maalintii Kafaaraggudka
16 Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay, 2 oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka. 3 Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah. 4 Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa. 5 Oo ururka reer binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo. 6 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa. 7 Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow. 8 Oo markaas Haaruun waa inuu labada orgi saami u kala ridaa, oo saami kan Rabbiga ha ahaado, saamiga kalena kan Casaaseel ha ahaado. 9 Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa, oo qurbaan dembi u bixiyaa. 10 Laakiinse orgigii saamigu ugu dhacay Casaaseel waa in isagoo nool Rabbiga hortiisa la taagaa si kafaaraggud looga kor sameeyo, oo Casaaseel aawadiis cidlada loogu eryo. 11 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo. 12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa. 13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane. 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer. 15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba. 16 Oo isagu waa inuu meesha quduuska ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda. 17 Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa'iil oo dhan. 18 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda. 19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil. 20 Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa. 21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan. 22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda. 23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa, 24 oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba. 25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa. 26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa. 27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa. 28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.
29 Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba, 30 waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa. 31 Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira. 32 Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah. 33 Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan. 34 Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Cabbidda Dhiigga Oo La Mamnuucay
17 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi, 3 Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi, 4 isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa, 5 oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah. 6 Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon. 7 Oo iyagu waa inayan mar dambe allabaryadooda u bixin orgiyada ay caabudaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo. Kaasu qaynuun weligiis ah buu ab ka ab u ahaan doonaa iyaga.
8 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari, 9 isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
10 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa. 11 Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.
13 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa. 14 Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa. 15 Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa. 16 Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.
Galmada Aan Sharciga Ahayn
18 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 3 Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon. 4 Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 5 Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
6 Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 7 Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 8 Oo waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa. 9 Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba. 10 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii. 11 Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 12 Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow. 13 Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow. 14 Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa. 15 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 16 Waa inaadan qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa. 17 Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar. 18 Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda qaawin intay naagtaadu nooshahay. 19 Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay. 20 Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin. 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 22 Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo. 23 Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan.
24 Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale. 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa. 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya