Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 14-16

14 Ninkii naagu dhashaba
Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa,
Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa?
Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara?
Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya,
Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
Bal ha nastee isaga ka sii jeeso,
Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo,
Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo,
Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa,
Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
10 Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa,
Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
11 Biyuhu badda way ka dhammaadaan,
Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
12 Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco,
Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan,
Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
13 Hahe bal maad She'ool igu qarisid,
Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto,
Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!
14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa?
Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa
Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
15 Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa;
Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
16 Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga,
Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
17 Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay,
Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
18 Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa,
Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan,
Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka,
Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
20 Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa,
Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
21 Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga;
Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
22 Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa,
Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

Eliifas

15 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn,
Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?
Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn,
Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?
Cabsida waad baabbi'isaa,
Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.
Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada,
Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.
Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha;
Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.
War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay?
Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?
War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay?
Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?
War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn?
Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?
10 Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn,
Oo aabbahaa ka sii fil weyn.
11 Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah
Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?
12 Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa?
Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?
13 Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa,
Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?
14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado?
Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?
15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah,
Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha.
16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah,
Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
17 Bal i maqal, wax baan ku tusayaa,
Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;
18 (Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen,
Oo ayan qarin,
19 Kuwaasoo dalka keligood la siiyey,
Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)
20 Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan,
Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.
21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha,
Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.
22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono,
Iyo inay seeftu isaga sugayso.
23 Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday?
Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.
24 Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi,
Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey,
25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay,
Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.
26 Wuxuu kula ordaa madax adag
Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.
27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay,
Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,
28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah,
Iyo guryo aan lagu hoyan,
Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.
29 Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo,
Oo dhulkana ku sii waari maayo.
30 Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo,
Oo laamihiisa olol baa qallajin doona,
Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.
31 Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya,
Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.
32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa,
Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.
33 Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa,
Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.
34 Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin,
Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.
35 Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan,
Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.

Ayuub

16 Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah.
Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa?
Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda,
Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale,
Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa,
Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa,
Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado,
Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
Laakiinse haatan wuu i daaliyey,
Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah,
Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey,
Wuuna igu ilko jirriqsaday,
Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
10 Iyagu afkay ii kala qaadeen,
Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen,
Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
11 Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha,
Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
12 Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey,
Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey,
Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
13 Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya,
Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa,
Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
14 Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa;
Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
15 Korkayga waxaan ku tolay joonyad,
Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
16 Wejigaygii oohin buu la beddelmay,
Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
17 In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga,
Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
18 Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin,
Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
19 Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada,
Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
20 Saaxiibbaday way igu qoslaan,
Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
21 Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla,
Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
22 Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan,
Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya