Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Yexesqeel 20-21

Caasinimadii Reer Binu Israa'iil

20 Oo sannaddii toddobaad, bisheedii shanaad, maalinteedii tobnaad ayaa odayaashii reer binu Israa'iil qaarkood u yimaadeen inay Rabbiga wax weyddiistaan, oo hortayday fadhiisteen. Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, odayaasha reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad u timaadeen inaad wax i weyddiisataan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan waxaad i weyddiisataan maqlayn. Wiilka Aadamow, ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Bal iyaga waxyaalihii karaahiyada ahaa ee awowayaashood ogeysii, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waagii aan reer binu Israa'iil doortay, oo aan gacantayda kor ugu qaaday oo aan u dhaartay farcanka reer Yacquub, oo aan iyaga dalkii Masar dhexdiisa isku baray, oo aan ugu dhaartay anigoo ku leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan, oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro. Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan iyaga isbaray, markaan dalkii Masar ka soo bixiyey. 10 Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay. 11 Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo. 12 Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga. 13 Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo. 14 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey. 15 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan, 16 maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii. 17 Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn. 18 Oo waxaan carruurtoodii ku idhi intii ay cidladii dhex joogeen, Qaynuunnada aabbayaashiin ha ku soconina, oo xukummadoodana ha dhawrina, oo sanamyadoodana ha isku nijaasaynina. 19 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya, 20 oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 21 Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda. 22 Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey. 23 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono, 24 maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood. 25 Oo weliba iyagaan siiyey qaynuunno aan wanaagsanayn, iyo xukummo ayan ku noolaan karayn, 26 oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.

27 Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen. 28 Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen. 29 Markaasaan ku idhi, Meesha sare oo aad tagtaan maxay tahay? Ilaa maantadan la joogo waxaa magaceeda la yidhaahdaa [a]Baamaah.

Xukun Iyo Dib U Soo Celin

30 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale? 31 Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan. 32 Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno. 33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay, 34 oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay. 35 Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa. 36 Sidii aan awowayaashiin cidladii dalka Masar ugula xaajooday oo kale ayaan idinkana idiinla xaajoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 37 Oo waxaan idin soo marin doonaa usha hoosteeda, oo axdigaan idinku xidhi doonaa. 38 Markaasaan idinka dhex sooci doonaa caasiyiinta iyo kuwa igu xadgudba. Waxaan iyaga ka soo bixin doonaa dalka ay qariib ahaanta u joogaan, laakiinse dalka reer binu Israa'iil sooma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 39 Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna. 40 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa. 41 Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda. 42 Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo. 43 Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan. 44 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Dhanka Koonfureed

45 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 46 Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga koonfureed u sii jeedi, oo hadal xagga koonfureed ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa kaynta duurka xagga koonfureed ku taal; 47 oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa. 48 Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono. 49 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waxay iga yidhaahdaan, Sow isagu masaalooyin kuma hadlin?

Baabuloon Oo Ah Seeftii Xukunka Rabbiga

21 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil. Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa. Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba. Oo binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto. Haddaba Wiilka Aadamow, taah. Qalbijab iyo si qadhaadh hortooda ugu taah. Oo markay kugu yidhaahdaan, War maxaad la taahaysaa? waxaad ugu jawaabtaa, Waxaan la taahayaa warka soo socda aawadiis. Qalbi kastaaba waa dhalaali doonaa, oo gacan kastaaba way taag gabi doontaa, oo naf kastaaba way qalbi jabi doontaa, oo qof kasta jilbihiisu sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, way soo socotaa, wayna ahaanaysaa.

Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey. 10 Waxaa loo afeeyey inay aad wax u layso, oo waxaa loo safeeyey inay sida hillaac u dhalaasho. Haddaba miyaynu rayraynaa? Usha wiilkaygu waxay quudhsataa geed kasta. 11 Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya. 12 Wiilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax. 13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa jira tijaabin, oo maxaa jiri doona xataa hadday usha wax quudhsata aanay mar dambe sii jiri doonin? 14 Haddaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda. 15 Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed! 16 Dadka ururi, xagga midigta u jeeso, dagaal isu diyaari, xagga bidixdana u jeeso, wejigaaga dhinac kasta u jeedi. 17 Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

18 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 19 Weliba Wiilka Aadamow, waxaad taswiir ku tilmaantaa laba jid oo ay seefta boqorka Baabuloon ku iman karto, oo labadooduba waa inay isku dal ka soo baxaan. Meel ku calaamadee, oo waxaad u yeeshaa calaamad ku taal madaxa jidka magaalada soo gala. 20 Waxaad taswiirtaa jid ay seeftu ugu iman karto Rabbaahda reer Cammoon iyo Yeruusaalemta dhufayska leh oo dalka Yahuudah ku dhex taal. 21 Waayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey. 22 Midigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto. 23 Oo kuwa dhaarta ku dhaartay waxay hortooda ku noqon doontaa sida faal aan waxtar lahayn oo kale, laakiinse isagu xumaantuu soo xusuusan doonaa, si iyaga lagu qabto aawadeed.

24 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku xumaantiinnii waxaad ka dhigteen in la soo xusuusto, oo saasaa xadgudubyadiinnii loo soo bandhigay, oo sidaasaa dembiyadiinnu falimihiinna oo dhan uga muuqdaan, maxaa yeelay, waa laydin soo xusuustay, oo sidaas daraaddeed gacantaa laydinku qaban doonaa. 25 Oo amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow, 26 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii. 27 Anigu waan afgembiyi, oo afgembiyi, oo afgembiyi doonaa iyada, oo mar dambena siima ay ahaan doonto, ilaa uu yimaado kan xaqa u lahu, oo isaga ayaan siin doonaa.

28 Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso, 29 inta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo. 30 Galkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay. 31 Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan. 32 Xaabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya