Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baroorashadii Yeremyaah 3:37-5:22

37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
38 Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
39 Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
40 Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.
41 Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
42 Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
43 Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.
44 Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
45 Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.
46 Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.
47 Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.
48 Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.
49 Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan
50 Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.
51 Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.
52 Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.
53 Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.
54 Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.
55 Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
56 Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
57 Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.
58 Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
59 Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.
60 Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.
61 Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,
62 Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.
63 Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.
64 Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.
65 Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
66 Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.

Dahabkii sidee buu u dhalaal beelay! Dahabkii ugu wada saafiyaysnaase sidee buu u beddelmay!
Dhagxantii meesha quduuska ahna waxaa lagu daadshay rukunka jid kasta.
Wiilashii Siyoon ee qaaliga ahaa oo dahabka saafiga ah la mid ahaa
Sidee baa loogu tiriyey dheryo dhoobo ah oo uu dheryasameeyuhu gacmaha ku sameeyey oo kale!
Xataa dawacooyinku naasahay soo bixiyaan, oo dhallaankooda way nuujiyaan,
Laakiinse dadkaygu way u naxariis darnaadeen sida gorayada cidlada joogta.
Caanonuugga carrabkiisu wuxuu dhabxanagga ugu dhegaa oon daraaddiis
Carruurta yaryaruna kibis bay baryaan, laakiinse ciduna uma gooyso.
Kuwii cunto macaan cuni jiray jidadkay ku baabba'aan.
Kuwii dharka cas ku soo korayna meesha digaday ku dhegaan.
Ciqaabta xumaanta dadkaygu way ka sii weyn tahay ciqaabtii dembigii Sodom,
Taasoo daqiiqad qudha lagu afgembiyey iyadoo aan ciduna far saarin.
Kuweedii ahaa Nadiir Ilaah loo soocay barafka cad way ka sii daahirsanaayeen, oo caanahana way ka sii caddaayeen,
Oo jidhkooduna murjaanta cas wuu ka sii guduudnaa, oo midabkooduna wuxuu ahaa sidii safayr oo kale.
Jaahoodu dhuxul wuu ka sii madow yahay, oo markay jidadka marayaanna lama garto.
Haraggoodii lafuhuu ku dhegaa oo waa engegay, oo wuxuu noqday sidii qori oo kale.
Kuwa seefta lagu laayo waa ka roon yihiin kuwa gaajada u le'da,
Waayo, kuwanu way caatoobaan oo abaar bay u bakhtiyayaan iyagoo midhihii beeraha waayay.
10 Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii,
Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.
11 Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey.
Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.
12 Boqorrada dhulka iyo dadka dunida deggan oo dhammuba ma ay rumaysteen
In cadowga iyo nacabku ay irdaha Yeruusaalem geli doonaan.
13 Sababteeduna waxay ahayd dembiyadii nebiyadeeda iyo xumaatooyinkii wadaaddadeeda
Kuwaasoo dhexdeeda dhiiggii kuwa xaqa ah ku daadshay.
14 Sidii iyagoo indha la' ayay jidadka iska daba wareegaan oo dhiig bay ku nijaasaysan yihiin,
Sidaas daraaddeed dharkooda lama taaban karo.
15 Waxaa iyaga loogu qayliyey, War taga, nijaas yahay! Taga, taga, oo hana taabanina.
Markay carareen oo ay iska daba wareegeen ayaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Iyagu halkan innaba sii degganaan maayaan.
16 Rabbigu cadhadiisuu ku kala firdhiyey, oo mar dambe fiiro u lahaan maayo.
Wadaaddadii lama sharfin, oo odayaashiina looma nixin.
17 Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen.
Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.
18 Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno.
Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.
19 Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.
20 Kii sankayaga neefta u ahaa oo ahaa kii Rabbigu subkay ayaa godadkoodii lagu qabtay,
Kaasoo aannu nidhi, Quruumaha dhexdooda ayaannu hooskiisa ku sii degganaanaynaa.
21 Reer Edom oo dalka Cuus degganow, farax oo reyree.
Koobku adiguu kuu soo gudbi doonaa, waanad sakhraami doontaa, oo waad isqaawin doontaa.
22 Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay.
Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo.
Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa,
Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.

Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay.
Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal.
Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin,
Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
Biyahayagii lacag baannu ku cabnay,
Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
Kuwii na eryanayayna way na gaadheen,
Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta
Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan,
Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
Addoommaa noo taliya,
Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno,
Waana seefta cidlada aawadeed.
10 Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale,
Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
11 Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday,
Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
12 Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay,
Oo odayaashiina lama sharfin.
13 Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen,
Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
14 Odayaashii iridday ka joogsadeen,
Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
15 Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay,
Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
16 Taajkii madaxayaguu ka dhacay.
Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday.
Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
18 Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday,
Oo dawacooyin baa ku dul socda.
19 Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa,
Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
20 Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa,
Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
21 Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa.
Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
22 Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday.
Oo aad baad noogu cadhootay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya