Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 44-48

Reer Binu Israa'iil Ee La Doortay

44 Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla. Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina. Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal. Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.

Addeeca Rabbiga Oo Keliya

Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen. Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo. Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan. 10 Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn? 11 Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan. 12 Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa. 13 Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo. 14 Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa. 15 Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa. 16 Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay. 17 Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga. 18 Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan. 19 Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis? 20 Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto? 21 Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo. 22 Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay. 23 Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.

Yeruusaalem Waa La Degi Doonaa

24 Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya. 25 Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga, 26 kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa. 27 Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa, 28 kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.

45 Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin: Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa, oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha. Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon. Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon, in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro. Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.

Samooyinkow, xagga sare ka soo tiftifqa, oo daruuruhuna xaqnimo ha soo shubeen, dhulkuna ha furmo, oo badbaadada iyo xaqnimaduna ha isla soo wada baxaan. Aniga Rabbiga ah ayaa uumay.

Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh? 10 Waxaa iska hoogay kii aabbe ku yidhaahda, War maxaad dhalaysaa? Amase naag ku yidhaahda, Na maxaad ku foolanaysaa? 11 Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan? 12 Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray. 13 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro. 15 Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya. 16 Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan. 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

18 Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro. 19 Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman. 20 Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh. 21 Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro. 22 Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro. 23 Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa. 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan. 25 Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.

Ilaahyadii Baabuloon

46 Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa. Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.

Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla. Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa. Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno? Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan. Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.

Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada. Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro. 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa. 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa. 12 Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla! 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.

Dhiciddii Baabuloon

47 Gabadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan. Dhagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub. Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono. Bixiyahayaga magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka. Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay. Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.

Haddaba bal waxyaalahan maqal, taada iska raaxaysata oo istareexa ku joogtoy. Waxaad qalbiga iska tidhaahdaa, Anigaa ah oo aniga mooyaane cid kale ma jirto, anigu innaba carmal ma noqon doono, oo ma gablami doono. Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay. 10 Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto. 11 Haddaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon. 12 Haddaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay. 13 Waxaad ku daashay talooyinkaagii tirada badnaa, haddaba xiddigayaqaannada, iyo xiddigasheegyada, iyo xilliyasheegyaduba ha sara joogsadeen, oo ha kaa badbaadiyeen waxyaalaha kugu soo degi doona. 14 Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto. 15 Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

Caasinimadii Reer Binu Israa'iil

48 Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla. Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada. Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen. Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay, sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay. Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon. Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin. Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen. Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed. 10 Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada. 11 Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!

Reer Binu Israa'iil Oo La Xoreeyey

12 Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya. 13 Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan. 14 Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin. 15 Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa. 16 Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa. 17 Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen. 18 Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale, 19 oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.

20 Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub. 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen. 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya