Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Xaakinnada 19-21

Ninkii Reer Laawi Iyo Naagtiisii Addoonta Ahayd

19 Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah. Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah. Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo. Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen. Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye. Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado. Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana. Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen. Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad. 10 Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay. 11 Oo markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno. 12 Kolkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah. 13 Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah. 14 Kolkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen. 15 Markaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan. 16 Oo fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin. 17 Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid? 18 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro. 19 Weliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan. 20 Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan. 21 Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen. 22 Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee. 23 Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan. 24 Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah. 25 Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen. 26 Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay. 27 Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka. 28 Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay. 29 Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh. 30 Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.

Reer Binu Israa'iil Oo La Dagaallamay Reer Benyaamiin

20 Markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu soo wada baxeen, oo shirkiina wuxuu u soo ururay sidii nin qudha, oo waxay ka soo shireen tan iyo Daan iyo xataa Bi'ir Shebac, iyo weliba dalka reer Gilecaad, oo waxay Rabbiga ugu soo shireen Misfaah. Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah. (Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday. Markaasuu kii reer Laawi oo ahaa ninkii qabay naagtii la dilay jawaabay oo yidhi, Waxaan imid magaalada Gibecaah oo reer Benyaamiin ay leeyihiin, oo waxaannu doonaynay inaannu ku hoyanno aniga iyo naagtaydii addoonta ahayd. Markaasay raggii reer Gibecaah igu kaceen, oo habeennimo ayay gurigii igu hareereeyeen, oo waxay damceen inay i dilaan, naagtaydii addoonta ahaydna way kufsadeen, wayna dhimatay. Oo anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan. Hadda kulligiin reer binu Israa'iilow, bal ka tashada oo ka arrinsada. Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii. Laakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa. 10 Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed. 11 Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.

12 Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay? 13 Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa. 14 Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil. 15 Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay. 16 Oo dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.

17 Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah. 18 Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen. 19 Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah. 20 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan. 21 Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin. 22 Markaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen. 23 (Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.)

24 Oo haddana maalintii labaad ayaa reer binu Israa'iil u soo dhowaadeen reer Benyaamiin. 25 Kolkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah. 26 Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. 27 Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah, 28 oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa. 29 Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.

30 Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore. 31 Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah. 32 Markaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn. 33 Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah. 34 Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay. 35 Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah.

36 Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen. 37 Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef. 38 Haddaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada. 39 Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada. 40 Laakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay. 41 Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga. 42 Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay. 43 Oo intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah. 44 Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan. 45 Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin. 46 Sidaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan. 47 Laakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood. 48 Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.

Gabdhaha Ay Reer Benyaamiin Guursadeen

21 Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin. Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen. Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil? Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa. Oo reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil. Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga? Oo waxay isku yidhaahdeen, Qabiilooyinka reer binu Israa'iil qabiilkee baan Rabbiga Misfaah ugu iman? Oo bal eeg, midnaba xeradii shirka ugama iman reer Yaabeesh Gilecaad oo dhan. Waayo, markii dadka la tiriyey bal eeg, halkaas ma joogin ka mid ah dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa. 10 Markaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba. 11 Oo waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba. 12 Markaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.

13 Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad. 14 Oo markaasay reer Benyaamiin soo noqdeen, oo waxaa la siiyey naagihii iyagoo nool Yabeesh Gilecaad laga keenay ee ka hadhay naagihii dalkaas; oo weliba kuma ay filnaan. 15 Oo dadkii waxay u qoomamoodeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Rabbigu dillaac buu u yeelay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.

16 Markaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin? 17 Oo waxay isku yidhaahdeen, Intii reer Benyaamiin ka baxsatay waa inay dhaxal helaan, si aan qabiil uga baabbi'in reer binu Israa'iil. 18 Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin. 19 Oo haddana waxay yidhaahdeen, Bal eeg, sannad ka sannad waxaa jirta iidda Rabbiga ee lagu sameeyo Shiiloh, taasoo woqooyi ka xigta Beytel, oo ah dhanka bari oo waddada weyn oo Shekem aadda oo Beytel ka tagta, iyo Leboonaah xaggeeda koonfureed. 20 Markaasay waxay reer Benyaamiin ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo ku gaada beeraha canabka ah dhexdooda; 21 oo bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin. 22 Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen. 23 Oo reer Benyaamiinna sidii bay yeeleen, oo waxay intii tiradoodu ahaydba naago ka qaateen kuwii cayaarayay, oo way la tageen; oo waxay tageen oo ku noqdeen dalkoodii ay dhaxalka u heleen, oo magaalooyinkiina way dhiseen oo degeen. 24 Oo reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa. 25 Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya