Chronological
3 Haddaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan; 2 inay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin. 3 Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad. 4 Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale. 5 Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 6 Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
Cotnii'eel
7 Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah. 8 Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood. 9 Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa. 10 Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim. 11 Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
Eehuud
12 Oo reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun. 13 Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka. 14 Oo reer binu Israa'iil waxay boqorkii reer Moo'aab oo Cegloon ahaa u adeegayeen siddeed iyo toban sannadood. 15 Laakiinse markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu u kiciyey badbaadiye, kaasoo ahaa Eehuud ina Geeraa, oo reer Benyaamiin, oo ahaa nin gurran. Isaga ayay reer binu Israa'iil hadiyad ugu soo dhiibeen Cegloon kii ahaa boqorkii reer Moo'aab. 16 Oo Eehuudna wuxuu samaystay seef laba af leh, oo dhererkeedu yahay dhudhun, oo wuxuu ku xidhay meel dharkiisa ka hoosaysa oo ah bowdadiisa midig. 17 Oo wuxuu hadiyaddii u dhiibay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon; Cegloonna wuxuu ahaa nin aad u buuran. 18 Oo markuu dhammeeyey bixintii hadiyadda ayuu diray dadkii hadiyadda siday. 19 Laakiinse Eehuud wuxuu ka soo noqday dhagaxyadii qorqornaa Gilgaal agteeda, oo wuxuu yidhi, Boqorow, anigu waxaan kuu wadaa farriin qarsoon. Markaasuu yidhi, Iska aamus. Oo dadkii hareerihiisa taagnaa oo dhammuna dibadday uga baxeen isagii. 20 Markaasaa Eehuud u yimid isagii; oo isna wuxuu keligiis fadhiyey qowladdii uu ku laydhsan jiray, markaasaa Eehuud wuxuu ku yidhi, Waxaan farriin kaaga wadaa Ilaah. Markaasuu ka soo kacay kursigiisii. 21 Oo Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday, 22 oo xataa daabkiina waa galay afkii dabadiis, oo seefta afkeediina waxaa qariyey xaydhii, waayo, seeftii kama uu soo bixin calooshiisii; oo uus baa ka yimid. 23 Markaasaa Eehuud wuxuu u baxay xagga qolqolka, oo uu soo xidhay qowladda albaabbadeedii, wuuna qufulay. 24 Haddaba markuu tegey waxaa yimid addoommadii Cegloon, markaasay intay wax fiiriyeen arkeen albaabbadii qowladda oo qufulan; kolkaasay waxay isyidhaahdeen, Hubaal wuu isku deday qowladdiisa uu ku laydhsado. 25 Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah. 26 Eehuudna waa baxsaday intay sugayeen, oo wuxuu dhaafay dhagaxyadii qorqornaa, oo wuxuu u fakaday xagga Seciiraah. 27 Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday. 28 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo. 29 Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan. 30 Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.
Shamgar
31 Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.
Debooraah
4 Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed. 2 Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha. 3 Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
4 Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd. 5 Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo. 6 Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun? 7 Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa. 8 Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo. 9 Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh. 10 Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday. 11 Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh. 12 Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor. 13 Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon. 14 Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan. 15 Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay. 16 Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
17 Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn. 18 Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday. 19 Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii. 20 Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya. 21 Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay. 22 Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay. 23 Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda. 24 Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.
Gabaygii Debooraah
5 Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,
2 Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay,
Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen,
Taas aawadeed Rabbiga ammaana.
3 Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow,
Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga;
Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
4 Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday,
Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom,
Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day,
Daruurihiina biyay soo daadsheen.
5 Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis,
Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
6 Wakhtigii Shamgar ina Canaad,
Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen,
Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.
7 Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil,
Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay,
Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
8 Waxay doorteen ilaahyo cusub;
Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay.
Afartan kun oo reer binu Israa'iil
Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
9 Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil,
Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa.
Rabbiga ammaana.
10 Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan,
Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan,
Iyo kuwiinna jidka marow.
11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda,
Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa,
Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil.
Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
12 Toos, toos, Debooraahoy;
Toos, toos, oo gabay ku gabay;
Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.
13 Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen;
Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.
14 Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq;
Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira,
Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal,
Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.
15 Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah;
Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa;
Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda.
Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa
Wax weyn baa lagu goostay.
16 Maxaad xeryaha idaha u fadhiday,
Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya?
Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa
Aad baa qalbiyo loogu baadhay.
17 Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa;
Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay?
Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda,
Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.
18 Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey,
Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.
19 Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen,
Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen
Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo:
Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.
20 Waxay kala dirireen xagga samada,
Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.
21 Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon,
Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo.
Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.
22 Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen,
Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.
23 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara,
Oo aad u habaara dadka deggan,
Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan
Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.
24 Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel
Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa,
Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.
25 Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano;
Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.
26 Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii,
Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya;
Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay,
Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.
27 Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday:
Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay:
Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
28 Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay,
Shabaggay ka qaylisay oo tidhi,
Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay?
Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?
29 Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen,
Oo iyana way isu jawaabtay.
30 Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan?
Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood;
Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah,
Oo miyaanu helin daabac kala midab ah,
Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?
31 Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen;
Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo.
Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya