Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sharciga Kunoqoshadiisa 17-20

17 Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba, oo intuu taga u adeega ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin, haddii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah, kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan. Oo kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin. Oo markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

Garsoorka Sharciga

Oo haddii dhexdiinna ka kaco xaal garsoorid ah oo idinku adag oo ku saabsan dhiig, ama gar, ama dhaawac, oo xaalalkaas irdihiinna gudahooda lagaga murmo, kolkaas waa inaad kacdaan oo tagtaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Oo waa inaad u tagtaan wadaaddada reer Laawi iyo xaakinka wakhtigaas joogi doono, oo waa inaad xaalkaas haybisaan oo iyana waxay idiin sheegi doonaan xukunkaas garsooriddiisa. 10 Oo waa inaad u samaysaan sida xukunka garsooriddiisu tahay, taasoo ay idiinka sheegi doonaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo waa inaad dhawrtaan oo wada samaysaan waxa ay idin bari doonaan oo dhan. 11 Oo siduu yahay sharciga ay idin bari doonaan, iyo siduu yahay xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaad u samaysaan. Xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaydaan uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona. 12 Oo ninkii kibra oo diidaa inuu maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka, ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan. 13 Markaasay dadka oo dhammu maqli doonaan, oo cabsan doonaan, oo kibir dambena ma samayn doonaan.

Boqorka

14 Oo markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale, 15 si kastaba ha ahaatee waa inaad boqrataan kii Rabbiga Ilaahiinna ahu doorto. Oo mid aad walaalihiinna kala soo dhex baxdaan waa inaad boqrataan. Waa inaydaan shisheeye aan walaalkiin ahayn boqor ka dhigan. 16 Laakiinse isagu waa inuusan fardo badsan, oo dadkana uusan Masar dib ugu celin si uu fardo u badsado, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku yidhi, Hadda ka dib jidkaas waa inaydaan dib ugu noqon. 17 Oo naagona waa inuusan badsan si aan qalbigiisu Rabbiga uga leexan, oo lacag iyo dahabna waa inuusan aad u badsan. 18 Oo markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal, 19 oo naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan, 20 si uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan reer binu Israa'iil dhexdooda.

Intii Qurbaannada Wadaaddada Iyo Reer Laawi Cuni Karaan

18 Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa. Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay. Oo dadka allabariga bixiya waxaa ku waajib ah inay wadaadka siiyaan, hadday dibi bixiyaan iyo hadday wan bixiyaanba, garabka iyo labada daan iyo caloosha. Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna. Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa isaga ka dhex doortay qabiilooyinkiinna oo dhan inuu isagu istaago oo ku adeego magaca Rabbiga, isaga iyo carruurtiisuba weligood.

Oo haddii mid reer Laawi ahu uu ka soo baxo magaalooyinkiinna middood, taasoo ah meeshuu dalka Israa'iil ka degganaa, oo isagoo aad u doonaya inuu yimaado meesha Rabbigu uu dooranayo, markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu. Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.

Samaynta Karaahiyada Ah

Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan. 10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala, 11 ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla. 12 Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa. 13 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan.

Nebiga Oo Kici Doona

14 Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan. 15 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan, 16 sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman. 17 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen. 18 Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan. 19 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa. 20 Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa. 21 Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin? 22 Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.

Magaalooyinkii Magangalka

19 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu wada gooyo quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dalkooda idin siinayo oo aad meeshooda gashaan ee aad degtaan magaalooyinkooda iyo guryahooda, markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan. Oo waa inaad jidka hagaagsataan oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo. Oo gacankudhiiglaha halkaas ku cararayo oo noolaanayo waa caynkan: oo waa kii deriskiisa kama' ku dilay isagoo aan hore u necbayn, sida markii nin deriskiis duurka ugu raaco inay qoryo soo jaraan, oo gacantiisu ay faaska qaadato inuu geedka ku jaro, oo markaas birtu intay daabka ka siibato ku dhacdo kii deriskiisa ahaa ee uu saas ku dhinto, markaas isagu waa inuu ku cararaa magaalooyinkaas middood si uu ku noolaado, waaba intaasoo ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin, maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn. Oo sidaas daraaddeed waxaan idinku amrayaa oo idinku leeyahay, Waa inaad saddex magaalo gaar ka dhigataan. Haddii Rabbiga Ilaahiinna ahu u ballaadhiyo soohdimihiinna, siduu awowayaashiin ugu dhaartay, oo uu idin wada siiyo dalkii uu awowayaashiin u ballanqaaday inuu iyaga siinayo oo dhan, oo haddaad xajisaan oo wada yeeshaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad weligiin jidadkiisa ku socotaan, kolkaas saddex magaalo oo kale oo aan saddexdan ahayn waa inaad ku darsataan, 10 si aan dhiig aan xaq qabinu loogu dhex daadin dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waaba intaasoo dhiig idin saarnaadaa. 11 Laakiinse haddii nin deriskiisa neceb yahay ee uu isaga meel ugu gabbado oo uu markaas ku soo boodo oo uu ku dhufto nabar uu u dhinto, kolkaas hadduu u cararo magaalooyinkaas middood, 12 waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee. 13 Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si aad u nabdoonaataan.

14 Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.

Markhaatiyaal

15 Qof keliyahu yuusan nin ugu marag furin xumaan ama dembi uu dembaabay toona, laakiinse wax kastaba ha lagu adkeeyo afka laba markhaati ama saddex markhaati. 16 Haddii markhaati aan xaq ahaynu uu nin ku kaco oo uu ku marag furo inuu xumaan sameeyey, 17 markaas labada nin oo muranku ka dhexeeyaa waa inay soo istaagaan Rabbiga hortiisa iyo wadaaddada iyo xaakinnada waagaas jiri doono hortooda, 18 oo xaakinnadu waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay, 19 markaas waa inaad ku samaysaan siduu damcay inuu walaalkiis ku sameeyo, oo sidaas waa inaad dhexdiinna sharka uga saartaan. 20 Oo kuwa hadhay xaalkaas way maqli doonaan oo cabsan doonaan, oo markaas ka dibna innaba dhexdiinna shar dambe oo caynkaas ah kuma samayn doonaan. 21 Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.

Geliddii Dagaalka

20 Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar. Oo markaad dagaalka ku soo dhowaataan, wadaadku waa inuu dadka u soo dhowaadaa oo la hadlaa, oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo. Oo saraakiishu dadka ha la hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa guri cusub dhistay oo aan weli u ducaysan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale u ducaystaaye. Oo ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye. Oo ninkee bay naagu u doonan tahay, oo aan weli guursan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale guursadaaye. Oo saraakiishu weliba dadka ha la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u baqaa sida qalbigiisoo kale. Oo markay saraakiishu dadka lahadliddiisa dhammeeyaan waa inay doortaan saraakiil ciidameed inay dadka madax u noqdaan.

10 Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed. 11 Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan. 12 Oo hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan, 13 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan, 14 laakiinse dumarka iyo dhallaanka iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey. 15 Oo sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka quruumahan. 16 Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin, 17 illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray, 18 si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

19 Oo markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin baa oo aad saas darteed u weerartaan? 20 Waxaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya