Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sharciga Kunoqoshadiisa 14-16

Cuntada Daahirka Ah Iyo Midda Nijaasta Ah

14 Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina. Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.

Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah. Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha, iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta, iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka. Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan. Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas, oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.

Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh cuna, 10 laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.

11 Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan. 12 Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha, 13 iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda, 14 iyo cayn kasta oo tuke ah, 15 iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag ah, 16 iyo guumaysta yar, iyo guumaysta weyn, iyo guumaysgeesaleyda, 17 iyo cantalyaaga, iyo gorgorka, iyo xeebajoogta, 18 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta. 19 Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin. 20 Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

21 Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.

22 Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan. 23 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba. 24 Oo haddii jidku kugu dheer yahay, oo aad u qaadi kari weydo, meesha kaa fog aawadeed oo uu Rabbiga Ilaahaaga ahu u dooranayo inuu magiciisa dhigo, markii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku barakeeyo, 25 markaas waa inaad lacag u beddeshaa, oo aad lacagta gacanta ku qabsataa, oo markaas waa inaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu dooranayo, 26 oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan. 27 Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.

28 Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda. 29 Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

Sannaddii Cafinta Qaamaha

15 Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan. Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii. Kii shisheeye ah waad ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin ku jira waa inaad saamaxdaan. Si kastaba ha ahaatee mid miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan,) haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan. Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.

Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.

Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan. Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa. 10 Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba. 11 Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.

Xorreynta Addoommada

12 Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa. 13 Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan. 14 Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid. 15 Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa. 16 Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo, 17 kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee. 18 Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.

Curaddada Xoolaha

19 Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga. 20 Sannad kasta adiga iyo reerkaaguba waa inaad kuwaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbigu dooranayo. 21 Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin. 22 Waa inaad irdahaaga gudahooda ku cuntaa, oo qofkii daahir ah iyo kii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen sida cawsha iyo deerada oo kale. 23 Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaa sida biyo oo kale.

Iidda Kormaridda

16 Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar. Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo. Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen. Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin. Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen. Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan. Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.

Iidda Toddobaadyada

Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad. 10 Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo. 11 Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo. 12 Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.

Iidda Waababka

13 Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah. 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna. 15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan. 16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan. 17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

Xaakinnada

18 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah. 19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa. 20 Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

Caabudidda Ilaahyo Kale

21 Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona. 22 Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya