Chronological
Magaalooyinka La Siiyo Reer Laawi
35 Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya. 3 Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan. 4 Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah. 5 Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.
Magaalooyinkii Magangalka
6 Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo. 7 Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba. 8 Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.
9 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 10 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan, 11 waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo. 12 Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin. 13 Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah. 14 Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah. 15 Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo. 16 Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa. 17 Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa. 18 Amase hadduu ku dhufto hub qori ah oo uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa. 19 Oo aardoonka dhiigga doonayaa qudhiisu ha dilo gacankudhiiglaha. Markuu isaga helo ha dilo. 20 Oo hadduu nacayb aawadiis u riixdo, ama intuu u gabbado uu wax ku tuuro, oo uu markaas dhinto, 21 amase hadduu cadownimo aawadeed gacanta ugu dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, kii wax ku dhuftay hubaal waa in la dilaa, waayo, isagu waa gacankudhiigle, oo aardoonka dhiigga doonayaa gacankudhiiglaha ha dilo markuu helo. 22 Laakiinse hadduu kama' u riixo isagoo aan cadownimo ku jirin, amase uu wax ku tuuro isagoo aan u gabban, 23 amase hadduu ku dhufto dhagax qof u dhiman karo, oo isagoo aan arkayn uu ku tuuro, oo uu sidaas ku dhinto, oo hadduusan cadowgiis ahayn ama uusan waxyeelladiisa doondoonayn, 24 markaas kii wax dilay iyo kan ah aardoonka dhiigga doonayo, shirku waa inuu ugu kala garsooraa sida xukummadanu yihiin. 25 Oo shirku waa inuu gacankudhiiglaha ka samatabbixiyaa gacanta kan ah aardoonka dhiigga doonayo, oo shirku waa inuu isaga ku celiyaa magaaladiisii uu magangalay, oo uu ku cararay, oo isagu waa inuu halkaas degganaado jeer uu dhinto wadaadka sare oo lagu subkay saliiddii quduuska ahayd. 26 Laakiinse gacankudhiigluhu mar kasta ha ahaatee hadduu ka gudbo soohdinta magaaladiisii uu magangalay oo uu ku cararay, 27 oo markaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo uu ka helo meel dibadda ka ah soohdinta magaaladiisii uu magangalay, kolkaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo hadduu gacankudhiiglaha dilo, isagu ma ahaan doono mid dhiig qaba, 28 waayo, waxaa isaga waajib ku ahaa inuu iska joogo magaaladiisii uu magangalay ilamaa uu wadaadka sare dhinto, laakiinse markuu wadaadka sare dhinto gacankudhiigluhu waa inuu markaas dabadeed ku noqdo dalkiisii hantida u ahaa. 29 Oo waxyaalahanu waa inay qaynuun xukun ah degmooyinkiinna oo dhan idiinku ahaadaan ab ka abkiin. 30 Ku alla kii qof dila, gacankudhiiglaha waa in la dilaa markii lagu marag furo, laakiinse qofnaba yaan lagu dilin markhaati keliya maragfurkiis. 31 Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa. 32 Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto. 33 Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane. 34 Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.
Dhaxalkii Gabdhihii Selaafexaad
36 Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil, 2 oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso. 3 Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga. 4 Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo. 5 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen. 6 Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen. 7 Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis. 8 Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis. 9 Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa. 10 Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen, 11 waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood. 12 Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.
13 Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya