Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Tirintii 18-20

Shaqadii Wadaaddada Iyo Dadka Reer Laawi

18 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna. Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan. Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine. Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan. Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga. Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan. Oo adiga iyo wiilashaada kula joogaaba waa inaad wadaadnimadiinna u dhawrtaan waxyaalaha meesha allabariga oo dhan, iyo waxyaalaha daaha ka shisheeya oo dhan, oo waa inaad adeegtaan. Wadaadnimada ayaan idiin siiyey sida hawl hadiyad ah; oo shisheeyihii soo dhowaada waa in la dilaa.

Qurbaannada Loo Bixiyo Wadaaddada Iyo Dadka Reer Laawi

Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed. Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan. 10 Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa. 11 Oo adigaa iska leh qurbaanka sare loo qaado oo hadiyaddooda ah, oo ah qurbaannada la ruxruxo ee reer binu Israa'iil oo dhan. Kuwaas adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga ayaan u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 12 Oo saliidda inteeda ugu wanaagsan oo dhan iyo canabka iyo hadhuudhka intooda ugu wanaagsan oo dhan kuwaasoo ah midhaha ugu horreeya oo ay Rabbiga siiyaanba, ayaan adiga ku siiyey. 13 Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 14 Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan. 15 Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa. 16 Oo kuwa la madax furayo, markay bil jiraan waa inaad ku madax furtaa, sidaad u qiimayso, lacag ah shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah (kaasu waa labaatan geeraah). 17 Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 18 Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh. 19 Oo waxyaalaha quduuska ah oo dhan qurbaannadooda sare loo qaado oo ay reer binu Israa'iil Rabbiga u bixiyaan ayaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo taasu waa axdi cusbo ah oo weligiis Rabbiga ku hor yaal, oo uu idinla dhigtay adiga iyo farcankaaga kula jiraba. 20 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.

21 Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka. 22 Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane. 23 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan. 24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.

25 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 26 Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa. 27 Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka. 28 Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah. 29 Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan. 30 Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal. 31 Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka. 32 Oo idinku taas aawadeed dembi u qaadi maysaan, markaad sare uga qaaddaan inteeda ugu wanaagsan; oo waa inaydaan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

Biyihii Daahirinta

19 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Kanu waa qaynuunkii sharciga Rabbigu idinku amray oo uu idinku yidhi, Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Noo keena qaalin lo'aad oo cas oo aan bar iyo iin lahayn oo aan weligeed harqood la saarin. Oo waxaad iyada siisaan wadaadka Elecaasaar ah, oo isagu iyada ha geeyo xerada dibaddeeda, oo hortiisa waa in lagu gowracaa. Oo markaas wadaadka Elecaasaar ahu waa inuu dhiiggeeda farta ku qaadaa, oo uu dhiiggeeda toddoba jeer ku rusheeya xagga teendhada shirka horteeda. Oo waa in qaalinta hortiisa lagu gubaa. Haraggeeda, iyo hilibkeeda, iyo dhiiggeeda, iyo uuskeedaba waa in la wada gubaa. Oo markaas waa in wadaadku soo qaadaa qoryo ah geed kedar la yidhaahdo, iyo husob, iyo wax guduud ah, oo waa inuu ku dhex tuuro dabka qaalintu ku gubanayso. Oo markaas wadaadku dharkiisa ha maydho, oo jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas ka dib xerada ha soo galo, oo tan iyo fiidkii wadaadku nijaas buu ahaan doonaa. Oo kii qaalinta gubona dharkiisa biyo ha ku maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo isna tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa. Oo markaas nin daahir ahu ha soo ururiyo qaalinta dambaskeedii, oo meel xerada dibaddeeda oo nadiif ah ha dhigo, oo shirka reer binu Israa'iil ha lagu dhigo biyaha nijaasta daahiriya; waayo, iyadu waa dembi qurbaankiis. 10 Oo kii dambaska qaalinta soo ururiyaana dharkiisa ha maydho, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaan doonaa, oo taasu waa inay reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha la degganba u ahaataa qaynuun weligiis jira. 11 Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa. 12 Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono. 13 Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran. 14 Oo tanu waa sharciga markii nin teendho ku dhex dhinto. Mid kasta oo teendhada soo gala, iyo mid kasta oo teendhada ku jirayba, intii toddoba maalmood ah ayay nijaas ahaan doonaan. 15 Oo weel kasta oo furan oo aan lahayn dabool ku xidhan waa nijaas. 16 Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa. 17 Oo nijaasta aawadeed waa in loo qaadaa dambaska qurbaankii dembiga oo la gubay, oo biyo socda waa in weel lagula shubaa, 18 oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga. 19 Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa. 20 Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya. 21 Kaasu wuxuu iyaga u ahaanayaa qaynuun weligiis jira, oo kii rusheeyo biyaha nijaasta daahiriyana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii biyaha nijaasta daahiriya taabtaana nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii. 22 Oo wax alla wixii uu qofka nijaasta ahu taabtana nijaas bay ahaan doonaan, oo qofkii taabtaana tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

Biyo Oo Dhagax Ka Soo Baxay

20 Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay. Oo shirkiina biyo ma haysan, oo markaasay Muuse iyo Haaruun u wada shireen. Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen! Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno? Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko. Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba. Markaasaa Muuse ushii ka qaatay Rabbiga hortiisa, siduu isaga ugu amray. 10 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa? 11 Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen. 12 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey. 13 Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.

Boqorkii Edom Oo Diiday Dhex Mariddii Dalkiisa

14 Markaasaa Muuse kuwa farriin wada Qaadeesh uga diray boqorkii reer Edom, oo wuxuu ku yidhi, Annagoo ah walaalahaa ilma Israa'iil waxaannu kugu leennahay, Waad garanaysaa dhibkii nagu soo dhacay oo dhan, 15 iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba. 16 Oo markaannu Rabbiga u qayshannay, codkayagii wuu maqlay, oo wuxuu noo soo diray malaa'ig, oo Masarna wuu naga soo bixiyey, oo haddana waxaannu joognaa Qaadeesh oo ah magaalo ku taal soohdintaada darafkeeda. 17 Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno. 18 Markaasaa boqorkii Edom wuxuu ku yidhi, Dalkayga waa inaanad soo dhex marin yaanan seef kuula soo bixine. 19 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen, Annagu waddada weyn baannu iska maraynaa, oo annaga iyo lo'dayaduba haddaannu biyo kaa cabno qiimahooda waannu ku siinaynaa, haddaba annagoo aan innaba wax kale samayn aan dalkaaga cagaha ku dhex marno. 20 Oo isna wuxuu yidhi, Dalkayga soo dhex mari maysaan. Markaasaa boqorkii Edom wuxuu u soo baxay reer binu Israa'iil isagoo gacan xoog leh dad badan ku wata. 21 Oo sidaasuu boqorkii Edom ugu diiday reer binu Israa'iil inay soohdintiisa soo dhex maraan, oo saas aawadeed reer binu Israa'iil isagii way ka leexdeen.

Dhimashadii Haaruun

22 Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor. 23 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi, 24 Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen. 25 Haddaba Haaruun iyo wiilkiisa Elecaasaar soo wad, oo waxaad iyaga keentaa Buur Xor. 26 Oo markaas Haaruun dharkiisa ka bixi oo waxaad u gelisaa wiilkiisa Elecaasaar, oo Haaruun dadkiisa wuu ku darman doonaa, oo halkaasuu ku dhiman doonaa. 27 Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan. 28 Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen. 29 Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya