Chronological
Nadiifintii Baraska
14 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa. 3 Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay, 4 markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo. 5 Oo wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah. 6 Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay. 7 Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo. 8 Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa. 9 Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye. 10 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah. 11 Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah. 12 Oo wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo. 13 Oo wanka waa inuu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka dembiga iyo qurbaanka la gubo oo ku dhex taal meesha quduuska ah, waayo, sida qurbaanka dembigu uu kii wadaadka u yahay ayaa qurbaanka xadgudubkuna kiisii u yahay. Waa kan ugu quduusan. 14 Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba. 15 Oo wadaadku waa inuu qaadaa loggii saliidda ahaa qaarkiis oo waa inuu calaacasha gacantiisa bidix ku shubaa. 16 Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa. 17 Oo saliidda inteeda kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka. 18 Oo saliidda inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa. 19 Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo, 20 oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.
21 Laakiinse isagu hadduu miskiin yahay oo uusan intaas oo dhan wada heli karin, markaas waa inuu keenaa wan yar oo qurbaankii xadgudubka aawadiis loo ruxruxo si uu kafaaraggud ugu sameeyo, iyo eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah oo saliid lagu daray oo qurbaan hadhuudh ah loo bixiyo, iyo log saliid ah, 22 iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo. 23 Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah. 24 Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo. 25 Oo waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba. 26 Oo waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix. 27 Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa. 28 Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku. 29 Oo saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga hortiisa. 30 Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo. 31 Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa. 32 Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.
Nadiifintii Caaryada
33 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi, 34 Idinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka hantidiinna ah, 35 markaas qofka guriga lahu waa inuu wadaadka u yimaadaa oo u sheegaa isagoo leh, Waxay ila tahay in cuduru guriga ku jiro. 36 Oo wadaadku waa inuu amraa in guriga mid madhan laga dhigo, intaan wadaadku soo gelin markuu cudurka fiirinayo, si aan waxa guriga ku jira oo dhan nijaas looga dhigin, oo dabadeedna wadaadku waa inuu galaa si uu guriga u fiiriyo. 37 Oo waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu ku yaal guriga derbiyadiisa oo ay leeyihiin meelo godgodan oo ah cagaar iyo guduud, iyo haddii muuqashadiisu ay derbiga sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, 38 markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa. 39 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa, 40 markaas wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah. 41 Oo markaas waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah. 42 Oo waa in dhagaxyo kale la soo qaadaa, oo la geliyaa meeshii ay dhagaxyadaas laga bixiyey, oo malaas kale waa inuu keenaa oo guriga ku malaasaa. 43 Oo haddii cudurku mar kale guriga ku soo noqdo oo uu ka soo dhex baxo, markii dhagaxyada laga bixiyey oo guriga oo dhan la xoqay oo la malaasay dabadeed, 44 markaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira, oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay. 45 Oo isagu waa inuu guriga dumiyaa kulli dhagxantiisa, iyo alwaaxdiisa, iyo malaastiisa oo dhanba, oo waa inuu magaalada dibaddeeda u bixiyaa, oo meel nijaas ah ku daadiyaa. 46 Oo weliba gurigu intuu xidhan yahay oo dhan ku alla kii galaaba, nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii. 47 Oo qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa. 48 Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday. 49 Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo. 50 Oo shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah. 51 Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa. 52 Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah. 53 Laakiinse waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah, oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.
54 Kanu waa sharciga ku saabsan cayn kasta oo ah cudurka baraska ah, waana cambaarta, 55 iyo weliba baraska dharka gala iyo kan guriga galaba, 56 iyo bararka iyo qolofta, iyo barta dhalaalaysa. 57 Kanu waa sharciga baraska ku saabsan, oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.
Dheecaannada Wax Nijaaseeya
15 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi, 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas. 3 Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa. 4 Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan. 5 Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 6 Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 7 Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 8 Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 9 Oo kan dheecaanku ka daadanayo koore alla koorihii uu fuulaaba nijaas buu ahaanayaa. 10 Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 11 Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 12 Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa. 13 Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa. 14 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa. 15 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.
16 Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 17 Oo dhar kasta iyo harag kasta oo ay shahwaddiisu ku taalba, waa in biyo lagu maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan. 18 Oo weliba nin hadduu naag la seexdo, labadooduba waa inay biyo ku maydhaan, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
19 Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa. 20 Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan. 21 Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 22 Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 23 Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 24 Oo nin hadduu iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa, oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa.
25 Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay. 26 Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda. 27 Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 28 Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa. 29 Oo maalinta siddeedaadna waa inay laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaadataa oo ay wadaadka ugu keentaa iridda teendhada shirka. 30 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.
31 Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.
32 Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay, 33 iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya