Chronological
33 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa. 2 Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 3 U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag. 4 Oo markii dadkii warkaas xun maqlay, ayay wada calool xumaadeen, oo midkoodna ma xidhan wixii uu isku sharrixi jiray. 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinku waxaad tihiin dad madax adag, oo haddii aan daqiiqad qudh ah dhexdiinna imaado, waan idin baabbi'in; haddaba wixii aad isku sharrixi jirteen, iska fura, bal inaan ogaado waxaan idinku sameeyo. 6 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Buur Xoreeb ka bilaabeen inay iska furaan wixii ay isku sharrixi jireen.
Taambuuggii Shirka
7 Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa. 8 Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay. 9 Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay. 10 Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga. 11 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin.
Muuse Iyo Ammaantii Rabbiga
12 Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay. 13 Haddaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, oo bal fiiri in quruuntanu tahay dadkaaga. 14 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa. 15 Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn. 16 Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?
17 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weliba waxan aad ku hadashay waan kuu samayn doonaa; waayo, raalli baan kaa ahay, oo magacaagana waan kugu aqaan. 18 Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus. 19 Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto. 20 Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo. 21 Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn, 22 oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo; 23 oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.
Looxyadii Cusbaa Ee Dhagaxa Ahaa
34 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay. 2 Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay. 3 Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin. 4 Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah. 5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga. 6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba. 8 Markaasaa Muuse intuu dhaqsaday u sujuuday oo caabuday. 9 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado. 10 Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan. 11 Waxaad dhawrtaa waxaan maanta kugu amrayo; oo bal ogow, hortaada waxaan ka eryayaa reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 12 Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna, 13 laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah, 14 waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr[a] waa Ilaah masayr ah; 15 waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan, 16 oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda. 17 Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah. 18 Waa inaad dhawrtaan Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo toddoba maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi ee bishii Aabiib ahayd, maxaa yeelay, bishii Aabiib ayaad Masar ka soo baxday. 19 Kulli intii maxal furta anigaa iska leh, iyo kulli xoolahaaga intooda lab oo ah curadyada dibida iyo wananka oo dhan. 20 Oo dameerka curadka ah waa inaad wan yar ku furataa, oo haddaanad furanin, de waa inaad qoorta ka jebisaa. Oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad furataa. Oo hortayda midna yuusan iman isagoo faro madhan. 21 Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan. 22 Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa. 23 Sannaddiiba saddex goor waa inay labkiinna oo dhammu ka hor yimaadaan Rabbiga Ilaaha ah, Ilaaha reer binu Israa'iil. 24 Waayo, anigu quruumaan hortiinna ka eryi doonaa, oo soohdimihiinnana waan ballaadhin doonaa; oo ninnaba dalkiinna ma damci doono markii aad sannaddiiba saddex goor u baxdaan inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka hor tagtaan. 25 Waa inaydnaan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh, oo waa inaan allabariga Iidda Kormaridda ilaa subaxda la gaadhsiin. 26 Dhulkiinna midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahiinna ah geeysaan. Waa inaydnaan waxar caanaha hooyadiis ku karin. 27 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan. 28 Oo halkaasuu Rabbiga la joogay afartan habeen iyo afartan maalmood, waxbana ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. Oo looxyadiina wuxuu ku qoray erayadii axdiga, kuwaas oo ah tobanka qaynuun.
Dhalaalkii Wejiga Muuse
29 Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis. 30 Oo markay Haaruun iyo reer binu Israa'iil oo dhammu Muuse arkeen, bal eeg, dubka wejigiisu waa dhalaalayay, wayna ka cabsadeen inay u dhowaadaan. 31 Markaasaa Muuse iyagii u yeedhay; Haaruun iyo taliyayaashii shirka oo dhammuna way ku soo noqdeen; Muusena wuu la hadlay. 32 Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay. 33 Oo markuu Muuse dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay ayuu indho shareertay. 34 Laakiinse markii Muuse Rabbiga u galay oo uu is-hor taagay inuu la hadlo ayuu indhashareertii iska fayday ilaa uu soo baxay; kolkaasuu soo baxay, oo wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay wixii lagu amray, 35 oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.
Qaynuunnadii Sabtida
35 Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan. 2 Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa. 3 Oo maalin kasta oo sabti ah waa inaydnaan innaba dab ku shidin rugihiinna oo dhan.
Qalabka Taambuugga
4 Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh, 5 Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas, 6 iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, 7 iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah, 8 iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon, 9 iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga. 10 Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan; 11 waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, 12 iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah, 13 iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta, 14 iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis, 15 iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga, 16 iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda, 17 iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda, 18 iyo musmaarradii taambuugga, iyo musmaarradii barxadda, iyo xadhkahooda, 19 iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada.
20 Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka tageen Muuse hortiisii. 21 Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa. 22 Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah. 23 Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay. 24 Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed. 25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 26 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad. 27 Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga. 28 Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon. 29 Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.
Besaleel Iyo Aaholii'aab
30 Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah; 31 oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah, 32 iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, 33 iyo inuu qoro dhagaxyo saldhigyo lagu dhejinayo, oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah. 34 Oo wuxuu qalbigiisii geliyey inuu wax baro, isaga iyo Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan. 35 Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya