Chronological
Dharkii Wadaadka Sare
28 Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun. 2 Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood. 3 Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 4 Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 5 Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
Eefodka
6 Oo eefodka ha ka sameeyeen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo daabacna ha lagu sameeyo. 7 Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii. 8 Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 9 Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil; 10 magacyadooda lix waa inaad isku dhagax ku dhigtaa, oo lixda magac oo hadhayna waa inaad dhagaxa kale ku dhigtaa, siday u kala hor dhasheen. 11 Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa. 12 Oo labada dhagax waa inaad ku dhejisaa eefodka garbihiisa inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, oo Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa magacyadooda ku qaadaa garbihiisa xusuus ahaan aawadeed.
13 Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah, 14 oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada.
Laabgashigii
15 Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 16 Waa inuu ahaadaa afargeesood oo isku laalaaban; dhererkiisuna ha ahaado taako, ballaadhkiisuna ha ahaado taako. 17 Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya; 18 safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman; 19 safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos; 20 safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah. 21 Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda. 22 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah. 23 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood. 24 Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood. 25 Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore. 26 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga. 27 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah. 28 Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka. 29 Oo magacyada reer binu Israa'iil waa in Haaruun ku qaadaa laabgashiga xukumaadda oo qalbigiisa saaran markuu galo meesha quduuska ah, inay xusuus noqdaan Rabbiga hortiisa had iyo goor. 30 Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba.
Khamiiskii Wadaadka Sare
31 Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug. 32 Oo waa inuu meel daloosha oo madaxu maro ku lahaadaa; oo waa inuu ahaado sida dhar leh tolmo wanaagsan oo daloolkiisa ku wareegsan inuusan dillaacin aawadeed. 33 Oo khamiiska daraftiisa hoose waxaad u yeeshaa rummaanno oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo ku wada wareeji daraftiisa hareeraheeda oo dhan; oo dawanno dahab ahna dhexdooda geli oo ku wareeji. 34 Dawan dahab ah iyo rummaan, haddana dawan dahab ah iyo rummaan, waa inaad ku wareejisaa khamiiska daraftiisa. 35 Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.
36 Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA. 37 Oo waa inaad ku xidhaa shalash buluug ah, oo ku dhejisaa duubka, oo duubka intiisa hore ha ku taallo. 38 Oo ha ku taallo Haaruun fooddiisa, Oo Haaruun baa qaadi doona dembiga alaabta quduuska ah, oo ay reer binu Israa'iil quduus kaga dhigi doonaan hadiyadahooda quduuska ah; oo mar kasta waxay ku oolli doontaa fooddiisa, in iyaga laga aqbalo Rabbiga hortiisa. 39 Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.
Dharkii Wadaaddada Kale
40 Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux. 41 Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada. 42 Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda; 43 Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.
Caleemasaarkii Wadaaddada
29 Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn, 2 iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah. 3 Oo waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan. 4 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa. 5 Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka; 6 oo duubkana waa inaad madaxiisa saartaa, oo taajka quduuska ahna duubka saar. 7 Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo madaxiisa ku shub, oo ugu subag isaga. 8 Oo waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli. 9 Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa. 10 Oo dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa. 11 Oo dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka. 12 Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda. 13 Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub. 14 Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey. 15 Oo haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa. 16 Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga. 17 Oo markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba. 18 Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga. 19 Oo haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa. 20 Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga. 21 Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga. 22 Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda. 23 Oo dambiisha hor taal Rabbiga oo ay ku jirto kibista aan khamiirka lahaynu waxaad kala soo baxdaa xabbad kibis ah, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah; 24 oo kulligood waxaad saartaa gacmaha Haaruun, iyo gacmaha wiilashiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux inay ahaadaan qurbaanka la ruxruxo. 25 Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga. 26 Oo waxaad qaaddaa Haaruun wankiisa quduuskadhigidda sakaarkiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux sidii qurbaanka la ruxruxo, oo wuxuuna noqon doonaa qaybtaada. 27 Oo waa inaad quduus ka dhigtaa sakaarka qurbaanka la ruxruxo, iyo bowdada qurbaanka sare loo qaado, oo la ruxruxo, oo sarena loo qaado, ee wanka quduuskadhigidda, xataa qaybta Haaruun iyo qaybta wiilashiisaba, 28 oo intaas waa inay Haaruun iyo wiilashiisu amar ahaan uga lahaadaan reer binu Israa'iil weligoodba, waayo, waa qurbaan sare loo qaado; waana inay ahaato qurbaan sare loo qaado, oo ay reer binu Israa'iil bixiyaan markay ku allabaryaan qurbaannadooda nabaadiinada. Waa qurbaankooda sare loogu qaado Rabbiga. 29 Oo dharka Haaruun oo quduuska ah waxaa qaadan doona wiilashiisa isaga dabadiis, si loogu subko oo quduus looga dhigo iyagoo gashan. 30 Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah. 31 Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah. 32 Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka. 33 Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus. 34 Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus. 35 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa. 36 Maalin walba waa inaad dibiga qurbaanka dembiga u bixisaa kafaaraggud aawadiis, oo meesha allabarigana waa inaad daahirisaa markaad u kafaaro gudaysid, oo waa inaad subagtaa inaad quduus ka dhigtid. 37 Oo toddoba maalmood waa inaad meesha allabariga u kafaaro guddaa oo quduus ka dhigtaa, oo meesha allabarigu waa inay ugu wada quduusnaataa, oo wax kasta oo meesha allabariga taabtaa quduus wuu noqon doonaa. 38 Haddaba waxanu waa wixii aad meesha allabariga ku dul bixin lahayd; maalin walba had iyo goor waa inaad laba wan oo sannad jira ku bixisaa. 39 Wan waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa. 40 Oo bur wanaagsan oo hiin rubuceed oo saliid saafi ah lagu daray toban meelood oo meel waa inaad wanka la bixisaa, iyo weliba hiin rubuceed oo khamri ah oo ah qurbaankii cabniinka. 41 Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo waxaad u bixisaa sida qurbaanka hadhuudhka ah oo subaxda, iyo qurbaanka cabniinka oo subaxda, caraf udgoon ha lahaado hana ahaado qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo. 42 Oo wuxuu ka ab ka ab ahaan doonaa qurbaan joogto ah oo Rabbiga hortiisa lagu gubo xagga iridda taambuugga shirka, oo ah meesha aan kugula kulmi doono inaan kula hadlo aawadeed. 43 Oo halkaas reer binu Israa'iil ayaan kula kulmi doonaa; oo taambuugguna wuxuu quduus ku noqon doonaa ammaantayda. 44 Oo waxaan quduus ka dhigi doonaa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo Haaruun iyo wiilashiisana quduus baan ka dhigi doonaa, inay hawsha wadaadnimada iiga adeegaan. 45 Oo anigu waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo waxaan ahaan doonaa Ilaahood. 46 Oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahood ah oo iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey inaan iyaga dhex joogo. Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaahood.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya