Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 43-45

Safarkii Labaad Ee Masar

43 Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd. Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya. Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane. Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa, laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane. Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin? Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena? Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba. Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay, 10 waayo, haddaannan raagin, hubaal hadda mar labaad waannu soo noqon lahayn. 11 Markaasaa aabbahood Israa'iil wuxuu iyagii ku yidhi, Hadday haatan saas tahay, bal tan yeela, haddaba midhaha ugu fiican oo dalka weelashiinna ku qaada, oo bal ninkii hadiyad ugu geeya, wuxoogaa beeyo ah, iyo wuxoogaa malab ah, iyo xawaash iyo malmal, iyo lows iyo yicib; 12 gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay. 13 Walaalkiinna kaxeeya, oo kaca, oo bal haddana ninkii u taga, 14 oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.

15 Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf. 16 Oo markii Yuusuf arkay Benyaamiin oo iyaga la jira ayuu wakiilkii gurigiisa ku yidhi, Nimanka guriga soo geli, dabadeedna neef qal oo diyaari, waayo, duhurka nimanku anigay ila qadayn doonaan. 17 Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf. 18 Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato. 19 Markaasay waxay u soo dhowaadeen wakiilkii guriga Yuusuf, oo waxay isagii kula hadleen albaabkii guriga, 20 waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno, 21 oo markii aannu meel aannu ku hoyanno gaadhnay ayaannu furnay joonyadahayagii, oo bal eeg, nin walba lacagtiisii waxay ugu jirtay joonyaddiisa afkeeda, waxay ahayd lacagtayadii oo miisaankeedii dhan yahay; oo haddana gacantayadaannu ku soo celinnay. 22 Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii. 23 Isna wuxuu yidhi, Nabad ha idiin ahaato, ee ha cabsanina. Ilaahiinna ah Ilaaha aabbihiin ayaa maal idiinku riday joonyadihiinnii. Anigu waan helay lacagtiinnii. Markaasuu Simecoon dibadda ugu soo bixiyey iyagii. 24 Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey. 25 Markaasay diyaariyeen hadiyaddii intuusan Yuusuf duhurkii iman; waayo, waxay maqleen inay halkaas wax ka cuni doonaan. 26 Oo markii Yuusuf gurigii yimid ayay gurigii ugu keeneen hadiyaddii gacantooda ku jirtay, markaasay u wada sujuudeen oo wejiga dhulka saareen. 27 Isna markaasuu nabdaadiyey iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii duqa ahaa oo aad sheegteen oo aabbihiin ahaa ma ladan yahay? Weli miyuu nool yahay? 28 Markaasay yidhaahdeen, Addoonkaagii aabbahayo ahaa waa ladan yahay, welina wuu nool yahay. Kolkaasay madaxa foororiyeen, oo ay u sujuudeen. 29 Markaasuu intuu indhihiisii kor u taagay wuxuu arkay Benyaamiin oo ahaa walaalkiisii hooyo, oo wuxuu yidhi, Kanu ma walaalkiinnii idiinku yaraa oo aad ii sheegteen baa? Oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, Ilaah ha kuu roonaado. 30 Markaasuu Yuusuf dhaqsaday, oo goobtay meel uu ku ooyo, waayo, walaalkiis buu u beernuglaaday oo wuxuu galay qowladdiisii, oo halkaasuu ku ooyay. 31 Kolkaasuu intuu fooldhaqday soo baxay; oo intuu adkaystay ayuu wuxuu yidhi, Cunto noo soo dhiga. 32 Markaasay isagii gooni ahaantiis ugu dhigeen, iyagiina gooni ahaantood, Masriyiintii isaga la cuntayna gooni ahaantood; maxaa yeelay, Masriyiintu lama ay cuni karin Cibraaniyada, waayo, taasu Masriyiinta karaahiyo bay u ahayd. 33 Oo waxay hor fadhiisteen isagii, curadka sidii curadnimadiisii ahayd buu u fadhiistay, kii ugu yaraana yaraannimadiisii; markaasaa nimankii midba midka kale eegay oo ay wada yaabeen. 34 Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.

Koob Lacag Ah Oo Jawaan Ku Jiray

44 Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid. Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay. Oo markii waagii beryay ayaa nimankii la diray, iyagii iyo dameerradoodiiba. Oo markay magaaladii dibadda uga baxeen, oo ayan weli fogaan, ayaa Yuusuf ku yidhi wakiilkiisii, Kac oo ka daba tag nimankii, oo markaad gaadhid, waxaad ku tidhaahdaa, Maxaad wanaag xumaan noogu abaalguddeen? Miyuusan kanu ahayn koobka sayidkaygu wax ku cabbo, oo uu ku faaliyo? Wax xun baad samayseen markaad saas yeesheen. Kolkaasuu gaadhay, oo uu hadalkan kula hadlay. Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno. Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab? Ku alla kii addoommadaada ka mid ah oo laga helo, kaasu ha dhinto, annaguna addoommo baannu kuu noqon doonnaa, sayidkaygiiyow. 10 Markaasuu yidhi, Waa yahay, oo haatan sidaad tidhaahdeen ha noqoto. Kii laga helo addoon buu ii noqon doonaa, idinkuna waad eedla'aan doontaan. 11 Markaasay degdegeen, oo nin waluba joonyaddiisii buu dhulka dhigay, dabadeedna nin waluba joonyaddiisii buu furay. 12 Kolkaasuu baadhay, oo wuxuu ka bilaabay kii ugu weynaa, oo wuxuu ku dhammeeyey kii ugu yaraa; oo koobkiina waxaa laga helay joonyaddii Benyaamiin. 13 Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen. 14 Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen. 15 Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo? 16 Markaasaa Yahuudah ku yidhi, Maxaannu kuugu jawaabnaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaannu ku hadalnaa? Ama sidee baannu ku eed baxnaa? Ilaah waa soo saaray dembigayagii annagoo ah addoommadaada; bal eeg, sayidkaygiiyow, waxaannu nahay addoommadaada, annaga iyo kii gacantiisa koobka laga helayba. 17 Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.

18 Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale. 19 Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin? 20 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga. 21 Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree. 22 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa. 23 Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan. 24 Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow. 25 Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya. 26 Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin. 27 Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil; 28 oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii. 29 Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan. 30 Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka, 31 oo wuu dhiman doonaa markuu arko inuusan yarkii nala jirin; oo annagoo ah addoommadaada ayaannu aabbahayaga addoonkaaga ah cirradiisa caloolxumo qabriga la gelin doonnaa. 32 Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow. 33 Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco. 34 Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

Yuusuf Oo Isu Muujiyey Walaalihiis

45 Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay. Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen. Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa. Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay. Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo. Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin. Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada. Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan. Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin; 10 oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba; 11 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba. 12 Oo bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya. 13 Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena. 14 Markaasuu walaalkiis Benyaamiin qoortiisa dhab yidhi, wuuna ku dul ooyay, Benyaamiinna qoortiisuu ku ooyay. 15 Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.

16 Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba. 17 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca; 18 oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka. 19 Haddaba waa lagu amray, Sidan yeela. Gaadhifardood dalka Masar uga kaxaysta dhallaankiinna, iyo dumarkiinna; oo aabbihiin keena, oo kaalaya. 20 Oo alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh. 21 Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey. 22 Dhammaantoodna wuxuu nin kasta siiyey dhar iskujoog ah; laakiinse Benyaamiin wuxuu siiyey saddex boqol oo xabbadood oo lacag ah, iyo shan iskujoog. 23 Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa. 24 Markaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina. 25 Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub. 26 Markaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii. 27 Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday. 28 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya