Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 12-15

Wiciddii Aabraam

12 Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac. Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako; oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan. Markaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey. Aabraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan. Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen. Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday. Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay. Kolkaasaa Aabraam socdaalay, isagoo weli xagga koonfureed u sii socda.

Aabraam Oo Joogay Masar

10 Kolkaasaa dhulkii abaari ka dhacday: markaasuu Aabraam Masar tegey; inuu halkaas qariib ku ahaado, waayo, abaartii aad bay dhulkii ugu xumayd. 11 Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan, 12 oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan. 13 Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato. 14 Oo waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay. 15 Oo amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon. 16 Isaguna Aabraam si wanaagsan buu u qabtay iyada aawadeed: wuxuuna lahaa ido, iyo dibiyo, iyo dameerro lab, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo dameerro dhaddig iyo geel. 17 Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed. 18 Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii? 19 Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag. 20 Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.

Aabraam Iyo Luud Oo Kala Guuray

13 Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed. Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka. Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii; ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay. Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin. Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin. Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen. Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo. Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa. 10 Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar. 11 Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen. 12 Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom. 13 Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen. 14 Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba; 15 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin. 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa. 17 Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa. 18 Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

Aabraam Oo Badbaadiyey Luud

14 Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim, inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar). Kuwanu waxay kulligood isugu yimaadeen Dooxo Siddiim (oo iyana ahayd Baddii Cusbada). Laba iyo toban sannadood bay Kedorlaacomer u adeegeen, markaasay sannaddii saddex iyo tobnaad ku caasiyoobeen. Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim, reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada. Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar. Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan Kedorlaacomer oo ahaa boqorkii Ceelaam, iyo Tidcaal oo ahaa boqorkii Goyiim, iyo Amraafel oo ahaa boqorkii Shincaar, iyo Aryoog oo ahaa boqorkii Ellaasaar. Waxay ahaayeen afar boqor oo shantii boqor ka gees ah. 10 Haddaba Dooxo Siddiim waxaa ka buuxay boholo waaweyn oo dhoobo ah; oo boqorradii Gomora iyo Sodom way carareen, oo halkaasay ku dhaceen, intii kalena waxay u carareen xagga buurta. 11 Oo waxay qaateen alaabtii Sodom iyo Gomora oo dhan, iyo cuntadoodii oo dhan, wayna iska tageen. 12 Oo waxaa kaloo ay la tageen Luud, oo ahaa wiilkii Aabraam walaalkiis, oo Sodom degganaa, iyo alaabtiisii oo dhan, wayna iska tageen. 13 Oo waxaa yimid mid soo baxsaday, oo wuxuu u warramay Aabraam kii ahaa Cibraaniga isagoo ag deggan dhirtii Mamre kii ahaa reer Amor, oo Eshkol iyo Caaneer walaalkood ahaa. Kuwaasu Aabraam bay gaashaanbuur la ahaayeen. 14 Oo Aabraam markuu maqlay in walaalkiis maxbuus ahaan loola tegey ayuu soo kaxaystay raggiisii la tababbaray oo gurigiisa ku dhashay, iyagoo ah saddex boqol iyo siddeed iyo toban nin, oo wuxuu raacdo ku jiray ilaa Daan. 15 Oo habeennimo ayuu raggiisii u kala qaybiyey, isaga iyo addoommadiisiiba, oo waxay laayeen colkii, oo ay raacdaysteen ilaa Xoobah, oo Dimishaq xagga bidixda ka ah. 16 Oo alaabtii oo dhan buu soo celiyey, oo waxaa kale oo uu soo celiyey walaalkiis Luud, iyo alaabtiisii, iyo naagihii, iyo dadkiiba. 17 Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka. 18 Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya. 19 Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam. 20 Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. 21 Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado. 22 Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka, 23 inaanan qaadanin miiq ama kab yeelmeheed ama wax adigu aad leedahay, waayo, waaba intaasoo aad tidhaahdaa, Anaa Aabraam hodan ka dhigaye. 24 Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda.

Axdigii Ilaah La Dhigtay Aabraam

15 Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya. Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid. Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaan ku ogaadaa inaan dhaxli doono? Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar. 10 Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn. 11 Haad baana hilibkii ku soo degtay, laakiinse Aabraam baa ka eryay. 12 Oo kolkii qorraxdu sii dhacaysay, ayaa hurdo aad u weynu Aabraam ku soo dhacday; oo bal eeg, cabsi gudcur weyn leh baa ku soo degtay. 13 Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa; 14 oo weliba quruuntaas ay u adeegi doonaan, xukun baan ku ridi doonaa; oo dabadeedna way ka soo bixi doonaan iyagoo xoolo badan wata. 15 Laakiinse adigu nabad baad ugu tegi doontaa awowayaashaa, oo waxaa lagu xabaali doonaa adigoo cimri dheer gaadhay. 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma. 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii. 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon, 20 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, 21 iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya