Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 38-39

Hadalkii Rabbiga Ee Ayuub

38 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah,
oo wuxuu ku yidhi,
Waa kuma kan talada ku madoobeeya
Erayada aan aqoonta lahayn?
Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay?
Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray?
Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey?
Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen,
Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay
Sidii wax maxal ka soo baxay,
Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay,
Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 Oo aan hareeraheeda xad u amray,
Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin,
Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
12 Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay?
Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13 Si uu u qabsado dhulka darfihiisa,
Oo sharrowyada looga hurgufo?
14 Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa,
Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15 Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday,
Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16 Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay?
Miyaadse moolka salkiisa martay?
17 Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey?
Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18 Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa?
Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19 Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee?
Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20 Si aad soohdintiisa u martid,
Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21 Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd
Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
22 Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo?
Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23 Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada,
Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24 Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa?
Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah,
Amase hillaaca onkodka,
26 Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin,
Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27 Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah,
Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28 Roobku ma aabbuu leeyahay?
Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29 Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay?
Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30 Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale,
Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31 Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo?
Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32 Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto?
Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33 Miyaad taqaan amarrada samooyinka?
Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34 Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa,
Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35 Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan,
Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36 Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey?
Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37 Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara?
Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38 Markii boodhku taallooyin noqdo,
Oo ciidduna ay isku dhegto?
39 Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid?
Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40 Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan,
Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya,
Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan,
Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

39 War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho?
Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo?
Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan,
Oo fooshoodana way iska saaraan.
Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan,
Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey?
Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada,
Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa,
Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa,
Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego?
Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
10 Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo?
Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
11 Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa?
Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
12 Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno,
Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?
13 Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa,
Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?
14 Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa,
Oo ciidday ku diirisaa,
15 Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso,
Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.
16 Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn,
Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,
17 Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday,
Oo waxgarashona ma uu siin.
18 Oo markay kor isu qaaddo inay carartona,
Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.
19 War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey?
Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
20 War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo?
Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
21 Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa,
Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
22 Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo,
Oo seeftana dib ugama noqdo.
23 Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye,
Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
24 Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho,
Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.
25 Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu “Haw” yidhaahdaa,
Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa,
Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.
26 Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa?
Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?
27 Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa?
Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?
28 Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal,
Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
29 Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa,
Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.
30 Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan,
Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya