Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 29-31

29 Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore,
Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay,
Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
Markii aan xoog lahaan jiray,
Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray,
Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen,
Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray,
Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen,
Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
Amiirraduna intay hadalka joojiyaan,
Ayay afka gacanta saari jireen.
10 Ragga gobta ahuna way aamusi jireen,
Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.
11 Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay,
Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.
12 Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya,
Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
13 Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay,
Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.
14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay,
Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
15 Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray,
Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
16 Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan,
Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
17 Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray,
Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
18 Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa,
Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.
19 Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa,
Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.
20 Sharaftaydu way igu cusub tahay,
Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.
21 Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray,
Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.
22 Weligood igama ay daba hadlin,
Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.
23 Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale,
Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
24 Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan,
Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.
25 Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray,
Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya,
Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.

30 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar
Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
Nimanka xooggoodu dhammaaday
Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar,
Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal,
Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
Iyaga dadka waa laga dhex eryaa,
Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka,
Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda,
Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood,
Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
Oo haatan gabay cay ah baan u noqday,
Oo halqabsi baan u ahay.
10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan,
Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
11 Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay,
Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
12 Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq,
Oo cagtaydana way iska riixaan,
Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
13 Jidadkayga way halleeyaan,
Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda;
Oo mid caawiyaana ma jiro.
14 Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan,
Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
15 Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn,
Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale.
Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
17 Habeenkii lafahaygaa i muda,
Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday,
Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda,
Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid,
Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay,
Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha,
Oo waxaad i fuushisaa dusheeda,
Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho,
Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo?
Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin?
Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta,
Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa,
Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka,
Iyo saaxiibka gorayada.
30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa,
Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho,
Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.

31 Waxaan axdi la dhigtay indhahayga,
Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?
Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga,
Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?
Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran,
Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?
Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan?
Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan?
Haddaan hawo been ah ku socday,
Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay,
(Ha laygu miisaamo miisaan siman,
Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )
Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay,
Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay,
Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,
Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno,
Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo.
Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay,
Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,
10 Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo,
Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.
11 Waayo, kaasu waa dembi baas,
Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,
12 Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo,
Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.
13 Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday,
Markay ila mudacayeen,
14 Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado?
Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?
15 Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin?
Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?
16 Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay,
Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,
17 Amase haddaan quudkayga keligay cunay,
Oo ayan agoontu wax ka cunin,
18 (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale,
Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )
19 Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya,
Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,
20 Hadduusan uurka iiga ducayn,
Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,
21 Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed,
Haddaan agoon gacantayda u qaaday,
22 Markaas garabkaygu ha kala fakado,
Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.
23 Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay,
Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.
24 Haddaan dahab rajo ka dhigtay,
Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,
25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis,
Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
26 Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa,
Ama dayaxa oo iftiin ku socda,
27 Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay,
Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,
28 Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen,
Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.
29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa,
Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,
30 (Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo
Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)
31 Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan,
Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?
32 Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin,
Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray,
33 Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale,
Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,
34 Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay,
Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey,
Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.
35 Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla!
(Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;)
Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!
36 Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa,
Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.
37 Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay;
Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.
38 Haddii dalkaygu uu iga qayliyo,
Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,
39 Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay,
Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,
40 Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo,
Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo.

Ayuub erayadiisii way dhammaadeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya