Chronological
17 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday,
Oo qabrigu waa ii diyaar.
2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo,
Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo;
Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay,
Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan,
Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan,
Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin,
Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan,
Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa,
Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya,
Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
11 Cimrigaygii waa dhammaaday,
Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin,
Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale,
Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
15 Bal markaas meeday rajadaydu?
Oo bal yaase rajadayda arki doona?
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool,
Markaannu ciidda wada galno.
Bildad
18 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan?
War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
3 War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa?
Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
4 War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye
Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa?
Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
5 Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa,
Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
6 Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur,
Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
7 Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan,
Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag,
Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
9 Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin,
Oo qool baana qabsan doona.
10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq,
Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi,
Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo,
Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa,
Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo,
Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn,
Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan,
Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
17 Dhulka laguma xusuusan doono,
Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa,
Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona,
Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
20 Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa,
Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.
21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale,
Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.
Ayuub
19 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan
Oo aad erayo igu burburinaysaan?
3 Toban jeer baad i caydeen,
Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
4 Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay,
Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.
5 Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan,
Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,
6 Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey,
Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
7 Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo,
Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
8 Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin,
Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
9 Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey,
Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.
10 Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday,
Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
11 Aad buu iigu cadhooday,
Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.
12 Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan,
Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan,
Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
13 Walaalahay wuu iga fogeeyey,
Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.
14 Ehelkaygii way i dayriyeen,
Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
15 Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye,
Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
16 Waxaan u yeedhaa addoonkaygii,
Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.
17 Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda,
Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.
18 Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan,
Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.
19 Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan,
Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
20 Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga,
Oo dirqi baan ku baxsaday.
21 Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa,
Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
22 Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan?
Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?
23 Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro!
Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
24 Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan
Qalin bir ah iyo rasaas!
25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay,
Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
26 Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed,
Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
27 Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono,
Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn.
Qalbigaygu waa taag daranyahay.
28 Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay,
Bal maxaannu isaga u silcinnaa?
29 Si aad u ogaataan in xukun jiro,
Waxaad ka cabsataan seefta,
Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.
Soofar
20 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
2 Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda,
Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa,
Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
4 Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo
Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay,
Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto,
Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale.
Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan,
War meeh isagii?
8 Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono,
Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
9 Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto,
Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta,
Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada,
Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
12 In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay,
In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
13 In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn,
Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
14 Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa,
Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa,
Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
16 Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada,
Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
17 Oo ma uu fiirin doono webiyada,
Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
18 Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono,
Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta,
Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
20 Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn,
Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
21 Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin,
Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
22 Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa,
Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.
23 Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado,
Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis,
Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah,
Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
25 Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa,
Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda,
Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
26 Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa;
Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona,
Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
27 Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa,
Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
28 Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa,
Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.
29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo,
Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya