Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 10-13

10 Naftaydu noloshadayday la daallan tahay,
Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa,
Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine.
Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid
Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada,
Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi,
Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa?
Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa,
Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn,
Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay,
Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey,
Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
10 War sow sidii caano iima aadan daadin,
Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11 Waxaad i huwisay harag iyo hilib,
Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12 Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo,
Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
13 Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay;
Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14 Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa,
Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15 Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay,
Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo
Anigoo ceeb ka buuxa
Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16 Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale,
Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
17 Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub,
Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa,
Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18 Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday?
Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19 Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin,
Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
20 War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa
Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
21 Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn,
Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
22 Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah,
Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn,
Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.

Soofar

11 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan?
Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?
Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa?
Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?
Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir,
Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.
Bal muu Ilaah hadlo!
Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!
Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah,
Waayo, way badan yihiin.
Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer?
Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?
Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa?
Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?
Qiyaasteeduna waa ka sii dheer tahay dhulka, waana ka sii ballaadhan tahay badda oo dhan.
10 Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho,
Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?
11 Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah,
Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?
12 Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay,
Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,
13 Haddaad qalbigaaga hagaajisid,
Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,
14 Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee,
Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.
15 Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn;
Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,
16 Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa,
Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,
17 Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii,
Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.
18 Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta,
Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.
19 Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan;
Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.
20 Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan.
Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan,
Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.

Ayuub

12 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

Shakila'aan waxaad tihiin dadkii,
Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale,
Oo weliba idinkama aan liito.
Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto,
Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay,
Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada,
Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan,
Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan,
Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan,
Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa,
Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn
Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
10 Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool
Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
11 War sow dhegtu erayada ma kala soocdo,
Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
12 Odayaashu waxay leeyihiin xigmad,
Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
13 Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog,
Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
14 Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa,
Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo,
Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
15 Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan,
Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan,
Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
17 Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay,
Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
18 Wuxuu furaa boqorrada xidhan,
Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa,
Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
20 Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa,
Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
21 Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho,
Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
22 Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer,
Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
23 Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa,
Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
24 Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka,
Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
25 Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn,
Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.

13 Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay,
Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale,
Anigu idinkama liito innaba.
Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo,
Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
Bal maad iska aamustaan!
Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
Haddaba bal xaajadayda maqla,
Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan,
Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
War ma isagaad u eexanaysaan?
Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho?
Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
10 Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan
Isagu wuu idin canaanan doonaa.
11 War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso?
Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
12 Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah,
Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
13 Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee,
Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
14 Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa,
Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa,
Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
16 Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda,
Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
17 Hadalkayga aad u dhegaysta,
Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
18 Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey,
Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
19 Bal yuu yahay kan ila doodayaa?
Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.
20 Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn,
Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
21 Gacantaada iga fogee,
Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.
22 Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa,
Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.
23 Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa?
Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
24 Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa,
Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
25 Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa?
Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
26 Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa,
Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.
27 Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa,
Cagahaygana xad baad u dhigtaa.
28 Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya,
Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya