Chronological
Ciise wuxuu xertiisii uga digay labawejiilenimada
12 Markii dadkii badnaa oo tirola'aanta ahaa isa soo tubeen, ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen, wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo, Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah labawejiilenimada. 2 Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin. 3 Sidaa darteed wax kasta oo aad gudcurka ku dhex tidhaahdeen, iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad dhegta iskagala hadasheen qoolal qarsoon ayaa guryaha dushooda lagaga dhawaaqi doonaa.
Kuwii Laga Baqi Lahaa(A)
4 Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin. 5 Laakiin waxaan idinkaga digayaa kaad ka baqi lahaydeen. Ka baqa kan kolkuu dilo dabadeed amar u leh inuu jahannamada ku tuuro. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Kaas ka baqa. 6 Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa. 7 Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan. 8 Weliba waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, ayaa Wiilka Aadanahu ku qiran doonaa malaa'igaha Ilaah hortooda. 9 Laakiin kii igu diida dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu diidi doonaa, 10 oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono. 11 Goortay idin hor keenayaan sunagogyada, iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan, 12 waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.
Damac Badnaanta Iyo Masaalka Ku Saabsan Taajirkii Nacaska Ahaa
13 Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado. 14 Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye? 15 Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay. 16 Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey. 17 Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay? 18 Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan, 19 oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax. 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa? 21 Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
Welwelka, Iyo Aamminaadda Ilaah La Aamino(B)
22 Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan. 23 Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka. 24 Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha! 25 Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara? 26 Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale? 27 Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 28 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow? 29 Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina, 30 waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin. 31 Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa. 32 Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo. 33 Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in. 34 Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.
Soojeedid Baa Loo Baahan Yahay; Masaalka Ku Saabsan Addoommadii Aaminka Ahaa Iyo Kuwii Aan Aamminka Ahayn(C)
35 Dhexdiinnu ha xidhnaato, laambadihiinnuna ha baxaan. 36 Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco. 37 Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa. 38 Hadduu yimaado wakhtigii gaadhka labaad ama kan saddexaad oo uu helo iyagoo sidaas ah, kuwaas ayaa barakaysan. 39 Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo. 40 Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.
41 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, ma annaga ayaad masaalkan nagula hadlaysaa ama dadka oo dhan? 42 Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh, kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda? 43 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 44 Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga. 45 Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo, 46 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn. 47 Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa. 48 Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay, wax ka badan ayaa la weyddiisan doonaa.
Calaamooyinkii Wakhtiyada(D)
49 Waxaan u imid inaan dab dhulka ku tuuro, oo maxaan doonayaa hadduu durba shidan yahay? 50 Anigu waxaan leeyahay baabtiis in laygu baabtiisayo oo sidee lay cidhiidhiyey ilaa uu dhammaado! 51 Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid. 52 Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan, saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah. 53 Waa kala soocmayaan, aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah.
54 Weliba wuxuu dadkii badnaa ku yidhi, Goortaad aragtaan daruur gabbaldhac ka soo baxaysa, kolkiiba waxaad tidhaahdaan, Roob baa soo socda, oo sidaasuu noqdaa. 55 Oo goortaad aragtaan dabayl koonfureed oo dhacaysa waxaad tidhaahdaan, Kulaylku waa iman doonaa, waana noqda. 56 Labawejiilayaal yahow, waxaad kala garanaysaan muuqashada dhulka iyo cirka, laakiin wakhtigan sidee baad u kala garan weydaan? 57 Maxaad qudhiinnu waxa xaqa ah u xukumi weydaan? 58 Goortaad cadowgaaga u raacdo xaakinka, intaad jidka maraysaan ku dadaal si aad uga baxsato, inaanu xaakinka kuu jiidin, xaakinkuna askariga kuu dhiibin, askariguna xabsiga kugu tuurin. 59 Waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid lacagta u yar oo ugu dambaysa.
Toobadkeen Baa Lagu Waaniyey
13 Wakhtigaas qudhiisa waxaa joogay qaar wax uga sheegay dadka reer Galili oo Bilaatos dhiiggooda ku daray allabarigooda. 2 Kolkaasaa Ciise u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Ma waxay idinla tahay in kuwii reer Galili ahaa ay ka dembi badnaayeen kuwii kale oo reer Galili oo dhan waxyaalahaas ay ku silceen aawadood? 3 Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan. 4 Ama siddeed iyo tobankii oo munaaradda Siloo'am ay ku soo dhacday oo ay dishay, ma waxay idinla tahay, inay ka gef badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan? 5 Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
Masaalka Ku Saabsan Geedkii Berdaha Ahaa Oo Aan Waxba Dhalin
6 Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin. 7 Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa? 8 Markaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, sannaddanna daa ilaa aan hareerihiisa qodqodo oo aan digeeyo. 9 Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.
Maalin Sabti Ah Naag Baa La Bogsiiyey
10 Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay. 11 Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso. 12 Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay. 13 Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay. 14 Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah. 15 Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo? 16 Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas? 17 Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay.
18 Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?
Masaalka Ku Saabsan Iniin Khardal Ah Iyo Masaalka Ku Saabsan Khamiir(E)
19 Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbirraha cirkuna laamaheeday ku degeen. 20 Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa? 21 Waxay u eg tahay khamiir naag intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
Iridda Cidhiidhiga Ah Ee Nolosha Laga Galo(F)
22 Oo wuxuu dhex marayay magaalooyin iyo tuulooyin isagoo wax baraya, Yeruusaalemna ayuu ku socday. 23 Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow, ma yar yihiin kuwa badbaadayaa? 24 Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan. 25 Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen. 26 Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay. 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya. 28 Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray. 29 Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah. 30 Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.
Herodos Cadownimadiisii
31 Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa. 33 Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.
Ciise Waa U Ooyay Yeruusaalem(G)
34 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 35 Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya