Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Yexesqeel 42-43

Qolalkii Wadaaddada

42 Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii dibadda dhankeeda woqooyi, oo wuxuu i geliyey qolladdii meesha goonida ah ka soo hor jeedday oo dhismaha xagga woqooyi ka soo hor jeedday. Oo dhinaca dheer oo dhererkiisu boqol dhudhun ahaa ayaa albaabka woqooyi ku hor yiil, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun. Barxadda gudaha oo dhererkeedu labaatanka dhudhun ahaa horteeda iyo meesha sallaxa ah barxadda dibadda horteeda waxaa ku yiil balbalo balbalo kale ka soo hor jeedda oo saddex dabaqadood ah. Oo qolladaha hortoodana waxaa ku yiil jid ballaadhkiisu toban dhudhun yahay, dhererkiisuna boqol dhudhun yahay, oo albaabbadooduna waxay u sii jeedeen xagga woqooyi. Haddaba qolladaha sare way ka cidhiidhsanaayeen kuwa hoose iyo kuwa dhexe ee dhismaha, waayo, balbalooyinku meeshay yareeyeen. Waayo, iyagu waxay ahaayeen saddex dabaqadood, laakiinse tiirar kuwa barxadaha la mid ah ma ay lahayn, sidaas daraaddeed kuwa sare way ka cidhiidhsanaayeen qolladaha hoose iyo kuwa dhexeba. Oo derbigii dibadda oo ku ag yiil qolladihii xagga barxadda dibadda u sii jeeday oo xagga hore oo qolladaha ku yiil dhererkiisu wuxuu ahaa konton dhudhun. Waayo, qolladihii barxadda dibadda ku yiil dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo bal eeg, macbudka hortiisu waxay ahayd boqol dhudhun. Oo qolladahaas hoostooda waxaa ku yiil iriddii dhinaca bari laga geli jiray, meeshii iyaga xagga barxadda looga soo galo. 10 Oo qollado baa ku yiil derbigii barxadda xagga bari oo ka soo hor jeeda xagga meesha goonida ah iyo xagga dhismaha. 11 Oo jidkii hortooda ku yiil wuxuu u ekaa sidii kii qolladaha xagga woqooyi ku yiil oo kale. Sidooda oo kaluu u dheeraa oo sidoodoo kaluu u ballaadhnaa, oo meelahooda laga baxo oo dhammuna waxay ahaayeen sida qaabkoodoo kale iyo sida albaabbadooda oo kale. 12 Oo qolladihii xagga koonfureed u sii jeeday albaabbadoodiina waxay lahaayeen albaab jidka madaxiisa ku yiil, kaasoo ah jidkii derbiga xagga bari ka soo hor jeeday, markii iyaga la soo galo. 13 Oo markaasuu igu yidhi, Qolladaha woqooyi iyo qolladaha koonfureed oo meesha goonida ah ka soo hor jeeda waa qolladaha quduuska ah oo wadaaddada Rabbiga u soo dhowaadaa ay waxyaalaha quduuska ah ku cunaan, oo waxay halkaas dhigi doonaan waxyaalaha aad u quduuska ah, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, waayo, meeshaasu waa quduus. 14 Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.

15 Haddaba markuu qiyaasiddii daarta gudaha dhammaystiray ayuu iriddii xagga bari u sii jeedday iga bixiyey, oo wuxuu qiyaasay hareereheedii oo dhan. 16 Dhankii bari ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur, oo cawsduurkii qiyaasta ayuu ku soo wada wareejiyey. 17 Dhankii woqooyi cawsduurkii qiyaasta ayuu ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur. 18 Oo dhankii koonfureedna wuu ku qiyaasay cawsduurkii qiyaasta, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur. 19 Oo markaasuu dhankii galbeed u leexday, oo shan boqol oo cawsduur ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay. 20 Oo afartii dhinacba wuu ka qiyaasay, oo waxay lahayd derbi ku wareegsan oo dhererkiisu yahay shan boqol oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay shan boqol oo cawsduur, wuxuuna u kala dhexeeyey meesha quduuska ah iyo meesha aan quduuska ahayn.

Ammaantii Daarta Oo Soo Noqotay

43 Oo markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday. Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay. Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay. Oo sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday. Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay. Oo waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal. Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey. Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.

10 Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen. 11 Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan. 12 Kanu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta.

Meeshii Allabariga

13 Oo kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda. 14 Oo salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun. 15 Meesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees. 16 Oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah. 17 Oo qarka dhererkiisuna wuxuu ahaan doonaa afar iyo toban dhudhun, ballaadhkiisuna afar iyo toban dhudhun, oo weliba afar gees ah, oo darafka ku wareegsanuna wuxuu ahaan doonaa nus dhudhun, oo salkuna wuxuu ahaan doonaa dhudhun, jaranjarraduna waxay u sii jeedi doontaa xagga bari.

18 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwanu waa qaynuunnada meesha allabariga maalintay sameeyaan inay qurbaanno la gubo ku kor bixiyaan oo ay dhiig ku kor rusheeyaan. 19 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddada reer Laawi oo ah farcankii Saadooq, oo iigu soo dhowaada inay ii adeegaan, waxaad siisaa dibi yar oo qurbaan dembi loo bixiyo. 20 Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa. 21 Oo weliba waxaad qaaddaa dibiga qurbaanka dembiga ah, oo isaga waa inuu ku gubaa meeshii loo amray ee daarta oo ah meesha quduuska ah dibaddeeda. 22 Oo maalinta labaadna waa inaad qurbaan dembi u bixisaa orgi yar oo aan iin lahayn, oo waa in meesha allabariga la nadiifiyo sidii dibigii loogu nadiifiyey oo kale. 23 Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn. 24 Oo iyaga waa inaad u dhowaysaa Rabbiga hortiisa, oo wadaaddaduna waa inay cusbo ku kor shubaan, oo waa inay qurbaan la gubo Rabbiga ugu bixiyaan. 25 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa. 26 Intii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa. 27 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya