Bible in 90 Days
12 Markaasaa Yuusuf ku yidhi, Fasirkeedii waa kan: saddexda laamood waa saddex maalmood. 13 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray. 14 Laakiinse waan ku baryayaaye, i soo xusuuso markay kuu hagaagto, oo ii roonow, oo Fircoon ii sheeg, oo gurigan iga bixi; 15 waayo, waxaa layga soo xaday dhulka Cibraaniyada, oo halkanna kuma aan samayn wax ay iigu ridaan godxabsiga. 16 Madaxii kuwii wax dubi jiray markuu arkay inuu fasirkaasu wanaagsanaa ayuu wuxuu Yuusuf ku yidhi, Aniguna waxaan riyadaydii ku arkay saddex dambiil oo kibis cadcadu ku jirto oo madaxayga saaran. 17 Oo dambiishii ugu wada sarreeyey waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnaa. 18 Markaasaa Yuusuf u jawaabay oo ku yidhi, Fasirkeedii waa kan; saddexda dambiil waa saddex maalmood. 19 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor kaaga qaadi doonaa, geed buuna kaa soo deldeli doonaa, markaasaa haadku hilibkaaga cuni doonaa. 20 Maalintii saddexaad oo la xusuustay maalintii Fircoon dhashay ayuu addoommadiisii oo dhan diyaafad u sameeyey; markaasuu kor u qaaday madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii khamriga isaga siin jiray iyo madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii wax u dubi jiray oo addoommadiisa dhex joogay. 21 Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon; 22 laakiinse madaxii kuwii wax dubi jiray ayuu deldelay sidii Yuusuf ugu fasiray iyaga. 23 Laakiinse madaxii kuwii khamriga keeni jiray ma uu xusuusan Yuusuf, wuuse illoobay isagii.
Riyooyinkii Fircoon
41 Markii laba sannadood oo dhammu dhammaatay ayuu Fircoon riyooday, oo wuxuu is-arkay isagoo webiga ag taagan. 2 Oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo quruxsan oo cayillan, oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa. 3 Markaasaa waxaa dabadood webigii ka soo baxay toddoba sac oo kale oo fool xun, oo weyd ahaa, oo waxay is-ag taageen sicihii kale oo webiga qarkiisa jooga. 4 Markaasaa sicihii foosha xumaa oo weydda ahaa waxay cuneen toddobadii sac oo qurxoonayd oo cayillanayd. Kolkaasuu Fircoon toosay. 5 Markaasuu haddana seexday oo mar labaad riyooday, oo wuxuu arkay toddoba sabuul oo buurbuuran oo wanaagsan oo ka soo baxay isku jirid. 6 Oo bal eeg, waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sabuul oo xunxun, oo ay dabayshii bari qallajisay. 7 Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo buurbuurnayd oo iltirnayd. Markaasuu Fircoon toosay, oo wuxuu arkay inay riyo tahay. 8 Oo subaxdiina wuu dhibaataysnaa, kolkaasuu u cid diray oo uu u wada yeedhay saaxiriintii Masar oo dhan iyo nimankii xigmadda lahaa oo dhan; markaasaa Fircoon u sheegay riyadiisii; laakiin ma jirin mid Fircoon u fasiri karaa. 9 Markaasaa waxaa Fircoon la hadlay kii madaxa u ahaa kuwa khamriga siin jiray isaga, oo wuxuu ku yidhi, Maantaan xusuustay dembiyadaydii. 10 Fircoonow, adigoo u cadhaysnaa addoommadaada, waxaad igu xabbistay guriga madaxa waardiyayaasha, oo waxaannu ahayn aniga iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax dubi jiray; 11 oo markaasaannu isku habeen riyoonnay, aniga iyo isagiiba; waxaannu ku riyoonnay midkayo kastaba sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa. 12 Oo halkaasna waxaa nala joogay nin dhallinyaro ah oo Cibraani ah, oo madaxa waardiyayaasha addoon u ahaa, markaasaannu isagii u sheegnay, oo isna wuu noo fasiray riyooyinkayagii, nin kastana sidii riyadiisu ahayd buu ugu fasiray. 13 Oo sidii uu noogu fasiray ayay noqotay. Aniga waxaa laygu soo celiyey meeshaydii, isagiina waa la deldelay. 14 Dabadeedna Fircoon baa u cid diray oo u yeedhay Yuusuf. Markaasay dhaqso uga soo bixiyeen godxabsigii; kolkaasuu xiirtay, oo dharkiisii beddeshay, oo uu u soo galay Fircoon. 15 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Riyaan ku riyooday, mana jiro mid fasiri karaa; oo waxaan maqlay in markii aad riyo maqashid aad fasiri kartid. 16 Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed. 17 Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan; 18 oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo buurbuuran oo quruxsan oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa; 19 oo waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sac oo kale, oo taagdaran oo fool xun oo weyd ah. Weligay dhulka Masar oo dhan kuma aan arag kuwa sidooda u xun. 20 Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore. 21 Oo markay cuneen lagama garan karin inay cuneen, laakiinse waxay u fool xumaayeen sidii markii hore. Markaasaan toosay. 22 Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid; 23 dabadeedna waxaa ka soo daba baxay toddoba sabuul oo engegan oo xunxun oo dabayshii bari qallajisay. 24 Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo wanaagsanayd; markaasaan u sheegay saaxiriinta, laakiinse ma uu jirin mid ii sheegi karay. 25 Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow. 26 Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid. 27 Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah. 28 Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay. 29 Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah, 30 oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa, 31 barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun. 32 Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa. 33 Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan. 34 Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. 35 Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. 36 Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in. 37 Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba. 38 Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro? 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. 40 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.
Yuusuf Oo Ka Sarreeyey Masar
41 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey. 42 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay; 43 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan. 44 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan. 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray. 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan. 47 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan. 48 Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey. 49 Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn. 50 Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. 51 Markaasaa Yuusuf wuxuu curadkii magiciisii u bixiyey Manaseh; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa i illowsiiyey dhibaatadaydii oo dhan, iyo gurigii aabbahay oo dhan. 52 Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday. 53 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen. 54 Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay. 55 Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela. 56 Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar. 57 Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.
Yuusuf Walaalihiis Oo Masar Aaday
42 Haddaba Yacquub wuxuu arkay in hadhuudh laga helo Masar, markaasuu Yacquub wiilashiisii ku yidhi, War maxaa midkiinba midka kale u fiirinayaa? 2 Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin. 3 Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan. 4 Laakiinse Benyaamiin oo ahaa Yuusuf walaalkiis Yacquub ma uu raacinin walaalihiis; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo belaayo ku dhacdaa. 5 Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday. 6 Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen. 7 Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno. 8 Yuusufna wuu gartay walaalihiis laakiinse iyagu ma ay garan isagii. 9 Markaasaa Yuusuf xusuustay riyooyinkii iyaga ku saabsanaa oo uu ku riyooday, oo wuxuu ku yidhi iyagii, Basaasyaad tihiin, oo waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa. 10 Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno. 11 Kulligayo isku nin wiilashiis baannu nahay, oo waxaannu nahay niman daacad ah, oo annagoo addoommadaada ah basaasyo ma nihin. 12 Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Maya, laakiinse waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa. 13 Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo. 14 Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin. 15 Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane. 16 Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin. 17 Markaasuu kulligood muddo saddex maalmood ah wada xabbisay. 18 Kolkaasaa maalintii saddexaad Yuusuf iyagii ku yidhi, Tan yeela, oo waad noolaan doontaan, waayo, anigu Ilaah baan ka cabsadaa. 19 Haddaad niman daacad ah tihiin, walaalihiinna midkood ha ku xidhnaado guriga xabsigiinna; laakiinse idinku taga, oo hadhuudh u geeya reerihiinna abaaraysan. 20 Walaalkiinna idiinku wada yar ii keena; sidaasuu hadalkiinnu ku rumoobi doonaa, mana aad dhiman doontaan. Iyana sidii bay yeeleen. 21 Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday. 22 Markaasaa Ruubeen u jawaabay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Miyaanan idinla hadlin oo idinku odhan, Wiilka ha ku dembaabina, oo sow ima aydin maqli waayin? Haddaba bal eega, dhiiggiisii baa laydin weyddiistaye. 23 Oo iyana ma ay ogayn in Yuusuf gartay iyaga; waayo, turjumaan baa kala dhex joogay. 24 Markaasuu ka sii jeestay iyagii, wuuna ooyay; oo haddana intuu ku soo noqday ayuu la hadlay, oo wuxuu kala dhex baxay Simecoon, wuuna xidhay isagii iyagoo arkaya. 25 Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay. 26 Markaasay hadhuudhkoodii dameerradoodii ku rarteen, wayna ka tageen halkaas. 27 Meeshay ku hoydeen markii uu midkood joonyaddiisii ugu furay inuu dameerkiisii cunto siiyo ayuu arkay lacagtiisii oo ku jirta joonyaddiisii afkeeda. 28 Markaasuu walaalihiis ku yidhi, Lacagtaydii waa lay soo celiyey; oo waxay ku jirtaa joonyaddayda, markaasay qalbiga ka nexeen, oo ay isku jeesteen iyagoo gariiraya, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxakan Ilaah inagu sameeyey? 29 Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh, 30 Ninka sayidka u ah dalka ayaa si qallafsan noola hadlay, oo wuxuu noo qaatay inaannu dalka basaasayno. 31 Oo waxaannu isagii ku nidhi, Annagu waxaannu nahay niman daacad ah; oo basaasyo ma aannu nihin. 32 Waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo ah wiilashii aabbahayo. Mid ma joogo, kii noogu yaraana maanta dalkii Kancaan ayuu aabbahayo la joogaa. 33 Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga, 34 oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan. 35 Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen. 36 Markaasaa aabbahood Yacquub wuxuu iyagii ku yidhi, Gablan baad iga dhigteen, bal eeg, Yuusuf ma joogo, oo Simecoon ma joogo, oo haddana waxaad kaxayn doontaan Benyaamiin; waxyaalahan oo dhammu waa iga gees. 37 Markaasaa Ruubeen aabbihiis la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Haddii aan isaga kuu keeni waayo, dil labadayda wiil. Aniga ii dhiib isaga, oo anna waan kuu soo celin doonaa. 38 Markaasuu yidhi, Wiilkaygu idinla dhaadhici maayo; waayo, walaalkiis waa dhintay, oo keligiis baa hadhay. Haddii jidka aad sii maraysaan belaayo kaga dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.
Safarkii Labaad Ee Masar
43 Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd. 2 Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya. 3 Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane. 4 Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa, 5 laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane. 6 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin? 7 Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena? 8 Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba. 9 Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay, 10 waayo, haddaannan raagin, hubaal hadda mar labaad waannu soo noqon lahayn. 11 Markaasaa aabbahood Israa'iil wuxuu iyagii ku yidhi, Hadday haatan saas tahay, bal tan yeela, haddaba midhaha ugu fiican oo dalka weelashiinna ku qaada, oo bal ninkii hadiyad ugu geeya, wuxoogaa beeyo ah, iyo wuxoogaa malab ah, iyo xawaash iyo malmal, iyo lows iyo yicib; 12 gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay. 13 Walaalkiinna kaxeeya, oo kaca, oo bal haddana ninkii u taga, 14 oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.
15 Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf. 16 Oo markii Yuusuf arkay Benyaamiin oo iyaga la jira ayuu wakiilkii gurigiisa ku yidhi, Nimanka guriga soo geli, dabadeedna neef qal oo diyaari, waayo, duhurka nimanku anigay ila qadayn doonaan. 17 Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf. 18 Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato. 19 Markaasay waxay u soo dhowaadeen wakiilkii guriga Yuusuf, oo waxay isagii kula hadleen albaabkii guriga, 20 waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno, 21 oo markii aannu meel aannu ku hoyanno gaadhnay ayaannu furnay joonyadahayagii, oo bal eeg, nin walba lacagtiisii waxay ugu jirtay joonyaddiisa afkeeda, waxay ahayd lacagtayadii oo miisaankeedii dhan yahay; oo haddana gacantayadaannu ku soo celinnay. 22 Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii. 23 Isna wuxuu yidhi, Nabad ha idiin ahaato, ee ha cabsanina. Ilaahiinna ah Ilaaha aabbihiin ayaa maal idiinku riday joonyadihiinnii. Anigu waan helay lacagtiinnii. Markaasuu Simecoon dibadda ugu soo bixiyey iyagii. 24 Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey. 25 Markaasay diyaariyeen hadiyaddii intuusan Yuusuf duhurkii iman; waayo, waxay maqleen inay halkaas wax ka cuni doonaan. 26 Oo markii Yuusuf gurigii yimid ayay gurigii ugu keeneen hadiyaddii gacantooda ku jirtay, markaasay u wada sujuudeen oo wejiga dhulka saareen. 27 Isna markaasuu nabdaadiyey iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii duqa ahaa oo aad sheegteen oo aabbihiin ahaa ma ladan yahay? Weli miyuu nool yahay? 28 Markaasay yidhaahdeen, Addoonkaagii aabbahayo ahaa waa ladan yahay, welina wuu nool yahay. Kolkaasay madaxa foororiyeen, oo ay u sujuudeen. 29 Markaasuu intuu indhihiisii kor u taagay wuxuu arkay Benyaamiin oo ahaa walaalkiisii hooyo, oo wuxuu yidhi, Kanu ma walaalkiinnii idiinku yaraa oo aad ii sheegteen baa? Oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, Ilaah ha kuu roonaado. 30 Markaasuu Yuusuf dhaqsaday, oo goobtay meel uu ku ooyo, waayo, walaalkiis buu u beernuglaaday oo wuxuu galay qowladdiisii, oo halkaasuu ku ooyay. 31 Kolkaasuu intuu fooldhaqday soo baxay; oo intuu adkaystay ayuu wuxuu yidhi, Cunto noo soo dhiga. 32 Markaasay isagii gooni ahaantiis ugu dhigeen, iyagiina gooni ahaantood, Masriyiintii isaga la cuntayna gooni ahaantood; maxaa yeelay, Masriyiintu lama ay cuni karin Cibraaniyada, waayo, taasu Masriyiinta karaahiyo bay u ahayd. 33 Oo waxay hor fadhiisteen isagii, curadka sidii curadnimadiisii ahayd buu u fadhiistay, kii ugu yaraana yaraannimadiisii; markaasaa nimankii midba midka kale eegay oo ay wada yaabeen. 34 Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.
Koob Lacag Ah Oo Jawaan Ku Jiray
44 Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid. 2 Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay. 3 Oo markii waagii beryay ayaa nimankii la diray, iyagii iyo dameerradoodiiba. 4 Oo markay magaaladii dibadda uga baxeen, oo ayan weli fogaan, ayaa Yuusuf ku yidhi wakiilkiisii, Kac oo ka daba tag nimankii, oo markaad gaadhid, waxaad ku tidhaahdaa, Maxaad wanaag xumaan noogu abaalguddeen? 5 Miyuusan kanu ahayn koobka sayidkaygu wax ku cabbo, oo uu ku faaliyo? Wax xun baad samayseen markaad saas yeesheen. 6 Kolkaasuu gaadhay, oo uu hadalkan kula hadlay. 7 Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno. 8 Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab? 9 Ku alla kii addoommadaada ka mid ah oo laga helo, kaasu ha dhinto, annaguna addoommo baannu kuu noqon doonnaa, sayidkaygiiyow. 10 Markaasuu yidhi, Waa yahay, oo haatan sidaad tidhaahdeen ha noqoto. Kii laga helo addoon buu ii noqon doonaa, idinkuna waad eedla'aan doontaan. 11 Markaasay degdegeen, oo nin waluba joonyaddiisii buu dhulka dhigay, dabadeedna nin waluba joonyaddiisii buu furay. 12 Kolkaasuu baadhay, oo wuxuu ka bilaabay kii ugu weynaa, oo wuxuu ku dhammeeyey kii ugu yaraa; oo koobkiina waxaa laga helay joonyaddii Benyaamiin. 13 Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen. 14 Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen. 15 Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo? 16 Markaasaa Yahuudah ku yidhi, Maxaannu kuugu jawaabnaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaannu ku hadalnaa? Ama sidee baannu ku eed baxnaa? Ilaah waa soo saaray dembigayagii annagoo ah addoommadaada; bal eeg, sayidkaygiiyow, waxaannu nahay addoommadaada, annaga iyo kii gacantiisa koobka laga helayba. 17 Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.
18 Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale. 19 Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin? 20 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga. 21 Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree. 22 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa. 23 Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan. 24 Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow. 25 Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya. 26 Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin. 27 Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil; 28 oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii. 29 Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan. 30 Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka, 31 oo wuu dhiman doonaa markuu arko inuusan yarkii nala jirin; oo annagoo ah addoommadaada ayaannu aabbahayaga addoonkaaga ah cirradiisa caloolxumo qabriga la gelin doonnaa. 32 Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow. 33 Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco. 34 Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.
Yuusuf Oo Isu Muujiyey Walaalihiis
45 Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay. 2 Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen. 3 Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa. 4 Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay. 5 Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo. 6 Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin. 7 Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada. 8 Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan. 9 Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin; 10 oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba; 11 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba. 12 Oo bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya. 13 Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena. 14 Markaasuu walaalkiis Benyaamiin qoortiisa dhab yidhi, wuuna ku dul ooyay, Benyaamiinna qoortiisuu ku ooyay. 15 Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.
16 Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba. 17 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca; 18 oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka. 19 Haddaba waa lagu amray, Sidan yeela. Gaadhifardood dalka Masar uga kaxaysta dhallaankiinna, iyo dumarkiinna; oo aabbihiin keena, oo kaalaya. 20 Oo alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh. 21 Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey. 22 Dhammaantoodna wuxuu nin kasta siiyey dhar iskujoog ah; laakiinse Benyaamiin wuxuu siiyey saddex boqol oo xabbadood oo lacag ah, iyo shan iskujoog. 23 Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa. 24 Markaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina. 25 Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub. 26 Markaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii. 27 Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday. 28 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.
Yacquub Oo Masar Aaday
46 Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey. 2 Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 3 Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn. 4 Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga. 5 Markaasaa Yacquub ka tegey Bi'ir Shebac, wiilashii Israa'iilna waxay aabbahood Yacquub, iyo dhallaankoodii, iyo dumarkoodiiba ku qaadeen gaadhifardoodkii Fircoon u soo diray in isaga lagu soo qaado. 6 Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba; 7 kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.
8 Kuwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub. 9 Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii. 10 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay. 11 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 12 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul. 13 Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon. 14 Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel. 15 Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon. 16 Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii. 17 Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel. 18 Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban. 19 Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin. 20 Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa. 21 Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared. 22 Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban. 23 Wiilashii Daanna waxay ahaayeen Xushiim. 24 Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem. 25 Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba. 26 Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan. 27 Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.
28 Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen. 29 Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer. 30 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay. 31 Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid. 32 Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan. 33 Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay? 34 waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.
47 Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen. 2 Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon. 3 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba. 4 Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen. 5 Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen. 6 Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya. 7 Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey. 8 Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay? 9 Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen. 10 Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey. 11 Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray. 12 Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.
Yuusuf Iyo Abaartii
13 Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen. 14 Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon. 15 Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay. 16 Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa. 17 Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay. 18 Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane. 19 De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in. 20 Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon. 21 Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale. 22 Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii. 23 Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera. 24 Markii aad wax soo goosataan, waxaad Fircoon siisaan shan meelood meel, afarta kalena waxay idiin ahaan doonaan abuur aad beerta ku abuurtaan iyo cuntadiinna iyo cuntadii reerihiinna iyo cuntadii dhallaankiinnaba. 25 Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo. 26 Yuusufna wuxuu sameeyey qaynuun ku saabsan dhulka Masar in ilaa maantadan la joogo Fircoon lahaado shantii meeloodba meel, Fircoonna wuxuusan yeelan dhulkii wadaaddada oo keliya. 27 Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.
28 Yacquubna wuxuu dalka Masar ku noolaa toddoba iyo toban sannadood, oo Yacquub cimrigiisu wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo afartan sannadood. 29 Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin, 30 laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi. 31 Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.
Manaseh Iyo Efrayim
48 Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim. 2 Kolkaasaa waxaa Yacquub loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, wiilkaagii Yuusuf baa kuu imanaya. Markaasaa Israa'iil intuu xoog isgeliyey ayuu soo dul fadhiistay sariirtiisii. 3 Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey, 4 oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado. 5 Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon. 6 Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan. 7 Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam. 8 Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo? 9 Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa. 10 Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday. 11 Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii. 12 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray. 13 Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii. 14 Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii. 15 Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta, 16 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen. 17 Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa. 18 Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar. 19 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan. 20 Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh. 21 Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa. 22 Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.
Yacquub Oo Barakeeyey Wiilashiis
49 Markaasuu Yacquub wiilashiisii u yeedhay; oo wuxuu ku yidhi, Isa soo urursada, aan idiin sheego waxyaalaha maalmaha ugu dambeeya idinku dhici doona.
2 Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla,
Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.
3 Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa,
Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.
4 Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid,
Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa;
Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.
5 Simecoon iyo Laawi waa walaalo,
Seefahoodu waa hub dirireed.
6 Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda,
Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey;
Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen,
Oo qushigooday dibi ku boqno jareen.
7 Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd,
Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn.
Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin.
8 Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan.
Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda,
Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,
9 Yahuudah waa libaax dhashiis.
Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay.
Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar,
Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?
10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah,
Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto;
Ilaa Shiiloh yimaado;
Dadkuna isagay addeeci doonaan.
11 Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah,
Dameerkiisa yarna canabka la doorto,
Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri,
Lebiskiisana dhiig canab.
12 Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri,
Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano.
13 Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda.
Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha,
Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda.
14 Isaakaar waa dameer xoog weyn,
Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.
15 Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay,
Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay;
Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado,
Oo addoon buu u noqday hawshii.
16 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa
Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood.
17 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta,
Iyo jilbis waddada dhex yaal,
Oo fardaha cedhbaha ka qaniina,
Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.
18 Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada.
19 Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda;
Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa.
20 Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa,
Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan.
21 Naftaali waa cawl la furay,
Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.
22 Yuusuf waa laan midho leh,
Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal;
Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.
23 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay,
Wayna toogteen oo silciyeen;
24 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay,
Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey
Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub,
(Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
25 Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona,
Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona
Barakooyinka samada sare,
Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa,
Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.
26 Barakooyinkii aabbahaa
Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay
Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara;
Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf,
Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.
27 Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada;
Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday,
Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.
28 Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.
Dhimashadii Yacquub
29 Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed. 33 Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.
50 Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday. 2 Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen. 3 Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.
4 Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, 5 Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa. 6 Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey. 7 Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan, 8 iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii. 9 Waxaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn. 10 Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay. 11 Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun. 12 Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga, 13 maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
14 Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.
Yuusuf Oo Qalbi Qaboojiyey Walaalihiis
15 Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan. 16 Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi, 17 Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen. 18 Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada. 19 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga? 20 Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo. 21 Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.
Dhimashadii Yuusuf
22 Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood. 23 Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii. 24 Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub. 25 Yuusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan. 26 Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya