Beginning
Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dumidda Macbudka(A)
24 Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka. 2 Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
Belaayooyinka Imanaya(B)
3 Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa? 4 Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn. 5 Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 6 Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. 7 Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir. 8 Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga. 9 Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan. 10 Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan. 11 Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 12 Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa. 13 Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona. 14 Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.
15 Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto), 16 markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen. 17 Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato. 18 Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato. 19 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya. 20 Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida. 21 Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed. 22 Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa. 23 Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina. 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 25 Bal eega, horaan idiinku sheegaye. 26 Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina. 27 Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 28 Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
Imaatinka Wiilka Aadanaha(C)
29 Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa. 30 Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 31 Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.
Soo Jeedid Baa Loo Baahan Yahay(D)
32 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 33 Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 34 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
36 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee. 37 Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 38 Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay, 39 wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 40 Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa. 41 Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa. 42 Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo. 43 Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo. 44 Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.
Masaalka Ku Saabsan Addoommadii Aaminka Ahaa Iyo Kuwii Aan Aaminka Ahayn(E)
45 Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda? 46 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 47 Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga. 48 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
Masaalka Ku Saabsan Tobankii Gabdhood
25 Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. 2 Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. 3 Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan. 4 Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto. 5 Laakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen. 6 Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga. 7 Markaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen. 8 Kuwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan. 9 Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada. 10 Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay. 11 Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur. 12 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo. 13 Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.
Masaalka Ku Saabsan Talantiyaasha
14 Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay. 15 Mid wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay. 16 Isla markiiba kii shantii talanti helay ayaa tegey oo ku baayacmushtaray, oo wuxuu faa'iiday shan talanti oo kale. 17 Sidaas oo kale kii labada helayna, laba kale ayuu faa'iiday. 18 Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey. 19 Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay. 20 Kii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 21 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal. 22 Kii labadii talanti helayna waa yimid oo yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay laba talanti; eeg, laba talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 23 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal. 24 Kii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin. 25 Waana baqay, oo intaan tegey ayaan talantigaagii dhulka ku qariyey. Bal eeg, waa kan kaagii. 26 Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin. 27 Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa. 28 Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya. 29 Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto. 30 Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
Maalinta Xisaabta
31 Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32 Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33 Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
41 Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya