Beginning
Yeremyaah Oo God Lagu Riday
38 Shefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh, 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa. 4 Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo. 5 Markaasaa Boqor Sidqiyaah yidhi, Bal eega, isagu gacantiinnuu ku jiraa, waayo, boqorku innaba ma aha mid wax idinka gees ah samayn kara. 6 Markaasay Yeremyaah soo qabteen oo ku dhex rideen godkii Malkiiyaah ina Hammeleg, ee barxadda waardiyayaasha ku dhex yiil, oo Yeremyaah xadhkay ku dejiyeen, oo godkiina biyo kuma jirin, laakiinse waxaa ka buuxday dhoobo, sidaas daraaddeed Yeremyaah dhoobaduu ku dhex tiimbaday. 7 Haddaba Cebedmeleg oo ahaa reer Itoobiya oo ahaa bohon guriga boqorka joogay, markuu maqlay inay Yeremyaah godkii ku dhex rideen, iyadoo boqorkii uu iridda Benyaamiin fadhiyo, 8 ayuu gurigii boqorka ka soo baxay, oo boqorkuu la hadlay, isagoo ku leh, 9 Boqorow, sayidkaygiiyow, nimankanu si xun bay u sameeyeen wax alla wixii ay ku sameeyeen Nebi Yeremyaah, kaasoo ay godkii ku dhex rideen, oo waxaa suurtowda inuu abaarta ugu bakhtiyo meeshuu ku jiro, waayo, innaba magaalada kibisu kuma jirto. 10 Markaasaa boqorkii wuxuu amray Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa, isagoo ku leh, Halkan soddon nin ka kaxayso oo Nebi Yeremyaah godka ka soo bixi intuusan dhiman. 11 Sidaas daraaddeed ayaa Cebedmeleg raggii kaxaystay, oo gurigii boqorka galay, oo wuxuu tegey meel khasnadda ka hoosaysay, oo halkaasuu ka qaaday calallo haylamo ah iyo dhar duugoobay, oo intuu xadhko ku xidhay ayuu Yeremyaah godkii ugu dejiyey. 12 Markaas Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Calalladan haylamaha ah iyo dharkan duugoobay kilkilooyinka kaga xidho xadhkaha hoostooda, oo Yeremyaahna saasuu yeelay. 13 Markaasay Yeremyaah xadhkihii ku soo jiideen oo godkii bay kor uga soo bixiyeen, oo Yeremyaahna wuxuu ku hadhay barxaddii waardiyayaasha.
Sidqiyaah Oo Mar Kale Wax Su'aalay Yeremyaah
14 Markaasaa Boqor Sidqiyaah u soo cid diray oo kaxaystay Nebi Yeremyaah, oo wuxuu gaystay iriddii saddexaad ee guriga Rabbiga. Kolkaas boqorkii wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Wax baan ku weyddiinayaaye, inna waxba ha iga qarinin. 15 Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Haddaan kuu sheego, hubaal miyaadan i dili doonin? Oo haddaan kula taliyona innaba ima maqli doontid. 16 Markaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin. 17 Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono, 18 laakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid. 19 Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan. 20 Laakiinse Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Iyagu kuma ay gacangelin doonaan. Waan ku baryayaaye addeec codka Rabbiga ee aan kugula hadlay, waanad nabdoonaan doontaa oo naftaaduna way sii noolaan doontaa. 21 Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay, 22 Bal ogow, naagaha guriga boqorka dalka Yahuudah ku hadhay dhammaantood waxaa loo bixin doonaa amiirrada boqorka Baabuloon, oo naagahaasi waxay odhan doonaan, Saaxiibbadaa ayaa ku khiyaaneeyey oo way kaa adkaadeen oo haddana cagahaagii waxay ku dhex tiimbadeen dhoobada, oo iyana dib bay kaaga noqdeen. 23 Markaasay naagahaaga oo dhan iyo carruurtaadaba reer Kaldayiin u bixin doonaan, oo adiguna gacantooda sina ugama baxsan doontid, laakiinse waxaa ku qabsan doonta gacanta boqorka Baabuloon, oo magaaladanna dab baa lagu gubi doonaa. 24 Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid. 25 Laakiinse hadday amiirradu maqlaan inaan kula hadlay, oo ay kuu yimaadaan oo ay kugu yidhaahdaan, Wixii aad boqorka ku tidhi noo sheeg, oo weliba wixii boqorku kugu yidhi ha naga qarin, oo annana ku dili mayno, 26 markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman. 27 Markaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin. 28 Oo Yeremyaah wuxuu joogay barxaddii waardiyayaasha ilaa maalintii Yeruusaalem la qabsaday.
Dhiciddii Yeruusaalem
39 Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen, 2 Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey, 3 markaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan. 4 Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah. 5 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay. 6 Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan. 7 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto. 8 Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen. 9 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba. 10 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba. 11 Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi, 12 Isaga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo. 13 Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba 14 waxay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.
15 Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh, 16 Tag, oo Cebedmeleg kan reer Itoobiya la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, erayadayda ayaan magaaladan ugu soo dejin doonaa inaan masiibo u keeno, ee mana ahaa wanaag, oo maalintaasay hortaada ku dhici doonaan. 17 Laakiinse maalintaas waan ku samatabbixin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo laguma gelin doono gacanta dadka aad ka baqaysid. 18 Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.
Siiddayntii Yeremyaah
40 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay. 2 Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay. 3 Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen. 4 Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag. 5 Oo weliba intuusan dib u noqonin ayuu ku yidhi, Waxaad ku noqotaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan oo boqorkii Baabuloon uu taliye uga dhigay magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo isaga la joog dadka dhexdiisa, amase waxaad tagtaa meel alla meeshii kula habboon inaad tagtid. Markaas sirkaalkii waardiyayaashu wuxuu isagii siiyey sahay iyo hadiyad, kolkaasuu iska sii daayay. 6 Markaas Yeremyaah wuxuu Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu tegey Misfaah, oo isaguu la dhex degay dadkii dalka ku hadhay.
Gedalyaah Oo La Dilay
7 Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan, 8 ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, waxayna ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan iyo Yoonaataan oo ahaa ilma Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanxumed, iyo ilma Ceefay oo ahaa reer Netofaah iyo Yesanyaah oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyagii iyo raggoodii oo dhammuba. 9 Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan. 10 Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen. 11 Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan 12 ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
13 Oo weliba Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhammuba waxay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah 14 oo waxay ku yidhaahdeen, Ma og tahay in Bacaliis oo ah boqorka reer Cammoon uu Ismaaciil ina Netanyaah u soo diray inuu ku dilo? Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam ma uu rumaysan. 15 Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax si qarsoodi ah Gedalyaah ugula hadlay Misfaah, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye inaan tago ii fasax, Ismaaciil ina Netanyaah aan soo dilee oo ciduna ma ogaan doonto. Bal muxuu kuu dilayaa oo ay Yuhuuddii kugu soo wada ururtay oo dhammu u kala firdhaan, oo intii dadka dalka Yahuudah ka hadhayna ay u dhintaan? 16 Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.
41 Haddaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen. 2 Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay. 3 Oo weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan. 4 Oo maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn 5 ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan. 6 Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya. 7 Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen. 8 Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn. 9 Haddaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii. 10 Markaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.
11 Laakiinse Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhammu markay maqleen xumaantii uu Ismaaciil ina Netanyaah sameeyey oo dhan 12 ayay kaxaysteen raggii oo dhan, oo waxay u keceen inay Ismaaciil ina Netanyaah la diriraan, oo isagay ka ag heleen biyihii badnaa ee Gibecoon ku yaal. 13 Oo dadkii Ismaaciil ina Netanyaah watay oo dhammu markay arkeen Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada oo isaga la jiray oo dhan ayay wada farxeen. 14 Sidaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax. 15 Laakiinse Ismaaciil ina Netanyaah Yooxaanaan wuu ka baxsaday, oo intuu siddeed nin la cararay ayuu reer Cammoon u tegey.
Cararkii Masar
16 Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la jirtay oo dhammu waxay soo kexeeyeen dadkii hadhay ee uu dhammaan ka soo caymiyey Ismaaciil ina Netanyaah markuu Misfaah ku dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam dabadeed, oo kuwaasu waxay ahaayeen raggii dagaalka, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo bohommadii ee uu ka soo celiyey Gibecoon. 17 Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood, 18 maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya